Xaysiis: Tartan Suugaaneedka Dhallinyaradda ee Nabadda

Ururka Dhallinayarada Somaliland Y-PEER oo kaashanaya hay’adda qaramadda midoobay ee UNFPA waxa uu qabanayaa tartan suugaaneed u gaar ah dhallinyaradda gabdho iyo wiilalba, kaasi oo kusaabsan kor u qaadida nabadda, Waxaana ka qayb qaadan doona tartanka qofkasta oo dhallinyar ah Wiilal iyo Gabdhaba kuwaasi oo ku sugan dhamaan deegaannada Somaliland.

Ujeedada tartankan ayaa ah sidii dhallinyaradu ugu baraarugi lahayd muhiimada nabada iyo ilaalinteeda, waxaana tartamayasha da’doodu u dhaxayn doontaa 18- 35 jir.

Tilmaamo ku saabsan muqaalka tartanka:-

  1. A) Mawduuca
  1. Muhiimada ay leedahay nabada iyo ilaalinteeda
  2. Nabada oo la waayaa dhibaatooyinka ay keeni karto
  3. Doorka Horunmarka bulshada ay kaga jirto Nabadu.
  1. B) Shuruudaha looga bahanyahay tartamayaasha.
  2. Waxaa tartanka ka qeyb qaadan kara gabdhaha iyo wiilasha dhallinyarta ah eek u sugan Somaliland
  3. Waa in Muuqaalka aad soo diraysaa ka koobnaada inta u dhaxaysa 1 Minute ilaa 5 Minute ugu badnaan. Sidoo kale waad ku duubi kartaa mobile lakiin waa in codka iyo muuqaalku saafi yihiin.
  4. Muuqaalku waa in uu lahaada isla markaana ku bilowdaa
  • Magacaaga
  • Da’daada
  • Deegaankad ka soo tartamayso.
  • Magaca mawduuca aad qaadatay
  • Muuqaalka waxaa la ogolayahay in uu ka muuqdo hal-qof
  • Muuqaalka waxaa lagu soo diri doona Linkiga Googlep- Form-ka

FG: Ogsoonow Somaliland Y-PEER waxay muuqaalada ku baahin doonaan mareegaha baraha bulshada iyo  muuq baahiyayaasha hadii aad guulaysato.

  1. C) Soo Gudbinta

Xiliga soo gudbinta muuqaaladu waxay ku eegtahay maalinta Arbacada, November 23, 2022, saacaduna ay tahay 2:30 Duhurnimo Saacada Bariga Afrika. 

Muuqaalka waxa lagu soo gudbinayaa Google form hoos ku lifaaqan:

https://forms.gle/7SsPYuoqRT9bdiGY7

Abaalmarinta iyo guuleystayaasha waxaa lagu dhawaaqi doonaa isla bishan November oo abaalmarinta la bixin doono.

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan tartanka:

Tartan Suugaaneedka Dhallinyaradda ee Nabadda

Somaliland Y-PEER

Tel: (252) 63-4073522 or (252) 63-4039773

Email: slypeerinfo@gmail.com