Xeedhada iyo noocyadeeda (WQ: Maxamed Saleebaan “Tixmagabe)

Dhirta la qoro xeedhada laga sameeyo;

Dhosoqa

Garbada

Lebiga

Yoocada

Dhebiga

Dharkaynka

Garaska

 

Noocyada

Xeedho-fardood

Xeedho Sabiidi

Xeedho Killo

Xeedho Fardood; waa xeedho wayn oo fardaha ayaa wax lagu siin jiray.

Xeedho Sabiidi; waa xeedho wayn oo ilaa afar ama shan qof wax ku wada cuni karaan.

“Sabool caydh ahi,

Sibiidida weyn,

Jinaab solan iyo,

Sooryo kuma sido,

Xeedho Killo; waa xeedhyaha ugu yaryar mid ka mid ah, oo qof keli ah ayaa ay deeqdaa.

“Killadaan nin qudha uga wabshaan, koox u soo dhigay”

Gabay xeedhada ka hadlaya

“Marti culus carraabaha haddii, cuunka lagu sheego,

Goortuu bakhayl cudur galaan, caafimaad ahaye,

Culuq iyo bariis waxaan hayiyo, cududahaan loogay,

Xeedhyahaan caddiinta ugu riday, culimadaan sheegtay”

Dabaq; waxa uu ahaa dabool la saaro weelka cuntadu ku jiro, oo u badnaa xeedhada. Cabdilaahi Muuse oo gabay ku daray Dabaqa waa kii lahaa “Duqsigaa ku dhaca xeedhadaan, Dabaqu saarrayne”

Saabaankii subagga lagu shuban jiray;

Qumbe, waxa laga samayn jiray harag, kolka neefka la loogo haragga ayaa dhogorta laga hoodhinayaa, markaas ayaa la megdinayaa, ka dib ayaa asal la marinayaa, markaa ayaa si guntiisu u adkaato ciid lagu shubayaa. Goorta ay guntaasu adayg noqoto ayaa subagga lagu shubanayaa. Afkana waa loo dhobi jiray si aan subaggu u daadan, oo waxa lagu dhoobi jiray dhiriqda. 

Gogga; waxa laga samayn jiray labada dheeg ee neefka geela ah midkood. Sidaas ayaa isna subagga loogu kaydsan jiray.

Goggii subagga lagu kaydin jiray, haatan gorofowe,

Basaas bay timii uga go’een, gaaridii dumar”

(Ismaacii Mire)

 Tebbed; isna sida labadaa hore ayaa uu ahaa oo subagga ayaa lagu kaysan jiray.

Saabaankii biyaha iyo caanaha

Qarbad; waxa uu ahaa harag laga saari jiray Liig weyn ama riyaha ta u weyn ee duqda ah. Qarbadka waxa badanaa adeegsan jiray degaamada Hawd iyo Sool ee kulaylaha ah ama biyaha ka fog. Qarbadku waxa uu bulshada xilligii hore noolayd ugu jiray halka maanta qaboojiyaha “Telaagaddu” inoogu jiro. Xagga suugaanta aad ayaa loogu xusay, oo waxa aynu soo qaadan karnaa tuducyada ay ka mid yihiin;

Qarbad lama xambaaree rataa, Qabo la saaraaye,

….

Sibraar; waxa uu ahaa agab caanaha lagu qaadan jiray oo qofka socotada ah ayaa caanaha loogu dhaamin jiray.

Ismaaciil Axmed Barre oo ammaanaya riyaha, waxa uu xusayaa in Sibraarka lagala baxo;

“Waa Seenya-dhuux xoolahaan, sax u tilmaamaaye,

Iyadaa sakada laga baxshaa, suruqya wayntaase,

Iyadaa Sibraarkeeda weyn, lagu socdaalaaye”

Nin kale oo Gaagaale la odhan jiray ayaa isna ku xusaya tix uu kaga hadlayo geddoonka miyigii ku dhacay, waxa uu odhanayaa;

“Sugumiyo Gal-duur maxaan, saaka kaga dhaadan,

Ma Sibraarki Cawshiyo bulkii, Salal-macdaa yaalla”

Saytuux; waxa uu ahaa harag laga saaro Sakaarada oo carruurta ayaa caanaha loogu shubi jiray.

Kalax; oo ahaa weel haanta biyaha lagaga soo darsan jiray, kaas oo ku jiray booska maanta “Jeeggu” inoogu jiro.

Dheri iyo Dhaal oo ahaa digsiyadii wax lagu karsan jiray ee Soomaalidu samayn jirtay. Dhoobo si farsamaysan loo qaabeeyay ayaa laga samayn jiray. Dherigu, ka weyn ayaa uu ahaa, ka yarina waa Dhaal.

Kildhiyadii Shaaha ee xilliyadii dambe

  1. Kildhi-mawliid; oo ahaa killi weyn oo xilliga madalaha waaweyn ee Mawliidka oo kale ayaa shaaha lagu karsan jiray.
  2. Killi dhexdhexaada oo qoys ama dhawr qof ku fillaa.
  3. Qaraaba-gooye; oo ahaa killi aad u yar oo aanay dad badani wadaagi karin.

Maxamed Saleebaan Axmed “Tixmagabe”