Xeer-ilaalinta iyo Maxkamadda: Maxaa Loo Cuskaday Dammaanadda Musuqmaasuqa? (WQ: Siciid Maxamuud Gahayr)

20kii March 2019ka ayaa eedo musuq-maasuq loo xidhay Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Agaasime-waaxeedkii maamulka iyo maaliyadda ee isla wasaaraddaas. Iyada oo aan la dhegaysan dacwaddoodii ayaa labadaba dammaanad lagu sii daayay. Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa shalay sheegay in aan dammaanad lagu sii deyn karin qof xatooyo u xidhan. Gebi ahaan waxa halkaas ku joogsanaya dacwadihii Hanti-dhawrku uu dabada ka riixayay ee indha-sarcaadka ahaa.

Waxa aan la yaabbanahay sharcigan ah “la jiifiyiina bannaan, la joojiyaana bannaan”. Xeerkan dadka qaar xukumaya, qaarna dheeraadka siinaya. Waa maxay dammaanaddan dadka qaarna lagu sii-deynayaa, qaarna lagu diidayaa?. Qof ay dammaanadda u diidday maxkamadda gobolku ayay damaanadda ka yeelaysaa maxkamadda rafcaanku, waa maxay qiilka maxkamadna ka mamnuucay dammaanadda, midna u fasaxayaa?

88 cisho oo aan ku xidhnaa Hargeysa waxa ay Taliyaha Booliska, Xeer-ilaaliyaha Qaranka iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ay diideen in ay dammaanad igu sii daayaan. Weliba waxa guurtida dammaanadda ii rabta hoggaaminayay Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdi-Waraabe).

Iyada oo maxkamaddu ku dhawaaqday in xorriyadda la ii celiyo ayaan 31 cisho sii xidhnaa, weliba xitaa dammaanadda ayaa la ii diiday. Haddii aanu fuli karin qaraarka maxkamaddu, maxaa micne ah ee ay yeelanaysaa in lagu dhawaaqay sii-deyntaydu? Qoraalkaygii dhaliisha ahaa iyo eedda musuqa ee damaannada leh kee ayaa cuslaa?

Xeer-ilaalinta iyo maxkamaduhu waxa ay xurmeeyaan rabitaanka cidda igu mudduciga ah, taas ayaanan u jeebbaysnaaa aniga oo aan wax dembi ah gelin. Haddii la igu waayay dembi, xaq ma u leeyahay in dacwad la iigu oogo ciddii aan awgood u xayirnaa? Garsoorku ma dhex ayuu bulshada iyo xukuumadda u yahay? Mise wuxuu ku shaqeeyaa damaca cidda awoodda ku fadhida?

Maxaan u hadal hayaa wixii 2016ka ahaa? Dee anigu cidna ma saamixin, cidna ma saamaxayo, maalintii aan soo baxayna waxa aan sheegay in kuwa gabbood-falka sameeyay aan la tiigsan doono maxkamad dalka gudihiisa ama dibaddiisa ah. Waxa aan dhawaan maxkamadda u gudbin doonaa dacwad ka dhan ah tacaddigaas dhacay 20kii Ogos 2016ka illaa 15kii Nofember 2016ka ee aan dhibbanaha ka ahaa, waxaanay lid ku tahay ciddii dabada ka riixaysay kiiska aan u taxaabnaa.

Haddii dacwaddaas la qabto, dhegaysto, sida saxda ahna loo maareeyo oo goaan laga saaro waa halkeeda. Anigu gacanta kuma hayo goaanka garsoorka, laakiin waa in cabashada la tixgeliyaa. Haddii lagu gacan-saydho in la dhegaystana waa halkeeda. Markaasna goaan kale ayaan qaadan. Hadba sida laga yeelo ayaa noqon doonta gobo’da ugu dambaysa ee dhiganaha Waayahagii Xabsiga oo soo bixi doona marka aan ka gungaadho yoolkaas.

Intii awalba wakhti la igaga lumiyay gabbood-falka, waxa aan diyaar u ahay in aan labanlaabkeed ku qaato ka-daba-tagga gefka aan tirsanayo. Haddii aan noqdo qof abaal ku qaba in la i sii daayo, berrina in gudaha la isoo dhigo ayaa dhacda. Waa in gaashaanka loo daruuro dala’siga iyo dullaynta shacabka.