Maxaa iiga baxay qudbadii labada gole ee Madaxweyne Biixi ee sanadkan (WQ: Cabdicasiis Maxamed Jaamac)

Hadalka madaxayne Biixi ee labada gole waxaa u daarnaa in dawlada qaybteeda fulintu ay xog ka siiso labada gole ee sharci-dajinta iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland halka wax u marayaan iyo wax u qabsoomay.
Qudbada madaxaynaha oo socotay wakhti sodomeeyo daqiiqo ku beegan taasi oo aad u gaaban marka loo eego baaxada xogta u siin karo golayaasha , waxaa u sikooban oo taxadir leh u dul xaadiyey arimo dhawra oo khuseeya isla markaana taabanayaan nolosha shacabka.

Waxaa sidoo kale carabka madaxwaynaha aanu taaban qaybo muhiima oo wakhtiga ka taagan dalka islamarkaana taabtay nolosh shacabka sida saami qaybsiga, xajiintii doorashooyinka, jaan-goyn laanta qiimaha shilinka Somaliland iyo sixir-baraka rakaadiyey xoogi wax iibsiga ee shacabka, musq maasuqa baahsan ee ilaa wasaaradihii dalka wiiqay, qabyaalada iyo reeraysiga lagu ilaaway nidaamkii dawladnimo iyo abaaraha soo noqnoqday iwm.
Madaxawayne Biixi waxaa u muuqday nin dhiiran oo ay ka muuqato in waxbadan u kordheen taniyo maalintii u xukunka fuulay, qudbadiisu waxay aad uga duwanayd hadaladiisii u ka jeediyey safaradiisi gobolada dalka u kumaray.
.
Qudbada madaxayne biixi waxay iila muuqatay mid kooban wax badanse taabatay , anshaxa goobta iyo fadhiga golaha,codbaahiyaha iyo asluubka gubintuba camaradu aad ayey uga fiicnaayeen madaxdii ka horaysay iyo qubadihii ka horeeyey ee horay golaha looga hor jeediyey.

Shacabu waa ku kala aragti duwanaan karaan anigase mid I dhiiri galisay ayey u egtahay.