Sheeko: Harraantida tagtada ( WQ: Xasan Cabdi Shire)

Waa lay soo harraatiyay, si aan lahayn naxariis anniga oo isha la raacaya buur qurux badan xaggeeda-sare, sidoo kalenna leh bilic soo jiidash leh. Figta sare ayaan bidhaansanayaa sidii aan ugu laaban lahaa, oo doog cagaaran weli uu ka sii muuqdo. Indhaha ayaan la sii raacayaa dhulkii adkaa ee aan soo maray.

Haddana waxaan qoomameeyey ka fiirsaho la’aantii aan kaga soo siibtay xagga-sare ee laagga. Qalbigayga ayaa celinaya jabaqda shalwadkii bilaa qorshaha ahaa iyo dhirtii jirradaha waynayd ee aan madaxa la dhacayey. Mararka qaarkood- dhirta qaarkood xoogaa ayay i hakinayeen, si ku meel-gaadh ah. Maaddaama laaggu isku sinnaa. Mararka qaarkoodna dhaggaxaan soo baxsaday ayaa i ga daba imanayay. Dharkaygii waxaa jeexjeexay qodaxda iyo qotimada dhirta waaweyn ee ku yaalla laagga jararkiisa.

Jidhkayga dhiig ayaa hadheeyey. Jibaaxistii kaymaha daran ee ku gedaaman laagga oo dhan oo dhulka ka sarreeya, ugu yaraan waa labo iyo toban baac. Noole waxa ku dhaqan inta ugu bahalsan, halaqa iyo kuwa ay dadka ka dhexayso aragti-weerarku ayaa ka mid ahaa. Cimiladii qaboobayd ee u darnayd qof nabran, ayaa jidhkaygii qaawanaa wada maashaysay.

Xawliga iyo xawaaraha shalwadkayga waxa ku dhammaaday safar dheer oo soo qaatay ugu yaraan 360 ka caano maal. Halkan aan ku dhacay waa meel dhexe, laakiin waxa i ga sii hooseeya laaggag kale, oo kii hore toban jibbar ka dheer. Intaan figta sare eegayay kana fikirayay wixii i soo maray, ayaan mar kale haadaan ka le ku turunturooday si qorshe la’aan iyo xog la’aan ah. Safar ka le oo aan jaho lahayn, dhimasho iyo nolol midna lagaga xisaabtamayn ayaan ku dhaqaaqay. Dhabarka ayaa hadba dhulka ku dhuftaa. Jarba, jar ka le ayuu ii sii dhiibaa. Marna dhinaca, mar afka ayaan u dulundulcoonayaa. Waxaan jiitamo oo sii galgalsho-ba, iyaddoo dhinac kasta iyo meel kasta i sii mudhuxday ayaa dhulka ka soo go’ay “Dhac”.

Waa meel dhexe oo bannaan oo la gu nasan karo, oo lagaga bogsan karo duruuftii adkayd ee ku geedaannayd halkii hore iyo halkii ka le, ee ka sii horraysay-ba. Waxaanse nafta u sheegayaa, “ in safarku ii sii socon doono ilaa dhammaadka noloshayda. Waxa i ga horreeya jarar kale, oo u baahan qorshe ay ku ladhan tahay baxaanbax iyo diyaar-garow. Waa safar khasab ah, laakiin annigu aan ka dhigi karo samaan ama ba xumaan. Safarkani la mid maaha kuwii hore. Waayo, waxa ii furan in aan markan saddexaad ku talo galo, kana sii gaashaamanto. Hadda oo aan xiiq tirtay waqti kooban, waxan sahansaday sidii aan u ga degi lahaa jarkan oo hadba isugu beegi lahaa qadqatiimo iyo baal socod ku daadeggo, oo aan ka la doorasho iyo badhi ku socod ku sii sabaaliyo. Kana taxadiro halista dalluumaha iyo abataqanaha hoose ee soo aaddan. Daadeg wanaagsan! “Safarka waa la soconayaa. Socodku waa maalmo. Maalmuhuna waa bilo keenaya sannado.

Sannadkuna waa sida laag ama jar lagaa soo tuuray oo u baahan qorshayaal iyo fiyoobbaan”.

Sheekadani waxay ka hadlaysaa qorshe la’aanta uu qofka u gu bilaabo sannadkasta. Haddii aan loo samayn qorshayaal meel-mar ahnna, waxaa hubaal ah’ in dalluun dheer uu qofku ku shalwanayo.

W/Q: Xasan C Shire.
Mareegta Bandhige