Xeerarkii Guusha Ee Baraak Obaama Q.5aad (WQ: Kamaal Axmed Cali)

Waa qaybtii Afaraad ee Qormadii aynu ku eegaynay qodobbo laga ururiyey hadallo kala duwan oo uu madaxweynihii hore ee Maraykanka Barak Obama jeediyey. Marar uu ka hadlayey fureyaasha guusha iyo jawaabo uu ka bixiyey, waxa u suurtageliyey guulaha uu gaadhay.

10. WAX AAD XIISAYNAYSO KA SHAQEE

Inta aad ku jirto hayaanka guusha aad ku hiigsanayso, waa hubaal in ay kula kulmi doonaan guuldarrooyin iyo turaanturrooyin kala duwani. Laakiin mar kasta oo ay kaa hor yimaaddaan caqabadahaasi waa in aad ogaataa in hawshii aanay weli kaa dhammaan, xitaa maba aad bilaabin hawshii kuu taallay.

Marka uu qofku hawl ku guuldarraysto waa in uu is weydiiyo in hawsha uu guusha ka doonayaa ay tahay mid marka horeba uu xiisaheeda leeyahay.

Madaxweyne Obama oo mar uu jaamacad hadal ka jeedinayey khudbaddiisa ku soo qaaday sida ay u kala duwan yihiin in qofku guul gaadho iyo guul-darrooyinka ama hagardaamooyinka iyo caqabadaha uu la kulmayo inta uu jidka guusha sii hayo. Iyo sida ay u fiican tahay in qofku haddii uu hal hawl ku guuldarraysto uu tijaabiyo hawlo kale oo uu guusha ka raadiyo.

Waxa uu tusaale u soo qaatay dad guulo waaweyn ku galay taariikhda, laakiin guusha ka hor soo maray hawlo ay fashilaad kala kulmeen. Waxa keliya ee guusha labaad u suurtageliyeyna ay tahay in guuldarradaas hore aanay ku niyadjabin iyo in ay hawshii hore uga wareegeen dhinac kale iyaga oo ka fikiraya in ay jirto hawl kale oo ay ku fiicnaan karaan.

Waxaa ka mid ahaa Thomas Paine oo ahaa kacaanyahan, qoraa, iyo mufakir Maraykan ah oo calanka u siday faylasuufyadii casrigii ilayska ee dalka Maraykanka. Laakiin magacan iyo guushan ka hor waxa uu soo noqday dawaarle / Harqaanle fashilmay, bare dugsi oo fashilmay, iyo xitaa cashuur ururiye fashilmay.

Winston Churchill waxa uu ahaa raysalwasaare guulo badan u soo hooyey dalka Ingiriiska, waa hoggaamiyihii boqortooyada Ingiriiska ku hoggaamiyey guushkii dagaalkii labaad ee adduunka. Laakiin xilkan ka hor, waxaa laga eryey xil wasiirnimo iyada oo loo arkayey qof aan waxba qaban karin, waxaa laga reebay golihii maamilista dagaalkii labaad ee adduunka u qaabilsanaa Ingiriiska, waxaa laga fogeeyey arrimaha maamulka dagaalka iyo xogtiisa. Illaa heer guuldarrooyinka uu la kulmayey ay gaadheen in xaaskiisu ay mar dambe sheegto in ay uga baqan jirtay in uu murugada guuldarrada awgeed u dhinto.

 

Kamaal Marjaan