Xeerka kufsigu dhibbane xaq waayey buu xaq siinayaa (WQ: Ibraahim Khadar)

Doodda Xeerka kufsiga dawadan ka ahaa, laakiin way ka fiirsan wayday markaan arkay khalad fahan badan oo jira.

Haa erayga “sino” waa luuqad carabi ah, waa dhab oo shareecadu waa jidaysay xikunkeeda oo laba ah qof guur soo maray iyo mid aan guursoo marin.

Laakiin idinkuma waafaqsani waa “kufsi.” Sino, waxa ay ka dhex dhacdaa laba qof (Dhedig iyo lab), haddii ay laba qof oo isku jinsi ah dhex martana waa “ludnimo” amma galmo laba isku jinsiya sameeyeen. Waxa yaala shuruud ah in labada qof raalli iska yihiin oo ay u kaseen iyagoo maankooda amma miyirkooda qaba.

Kufsi waxa uu kaga duwan yahay in xoog, qasab amma maandooriye la isticmaalay amma duruufta qofka (haweenay/ ilmo yar) laga faa’iidaystay, tusaale ahaan in qofkaas uu xannuunada dhimirka Ku dhaca la noolyahay.

Kufsi iyo sino waxa kaliya oo mideeya in “galmo dhacday” laakiin sida galmadu u dhacday baa kala gedisan. Tusaale ahaan, sinada labada qof ba waa la ciqaabayaa haddii dambigu Ku cadaado. Laakiin, kufsiga waxa la ciqaabayaa qofka dhib geystaa. Dadka Ku doodaya in sino iyo kufsi isku mid yihiin mala waxa ay doonayaan in dhibbanahana lala ciqaabo dhib geystaa.

Xeerka kufsigu wuxuu ka hortagayaa dambiyo badan oon hore u jirin:
1. Kufsi-wadareed
2. Ilmo yar (wiil iyo gabadh) la kufsado
3. Wayeel amma qof xannuunka dhimirka la nool oo la kufsaday.
5. Maandoorin la isticmaalay si kufsi loo geysto.

Dambiyadaas iyo kuwo kale oo badan ba waa ka hortagayaa. Xeerka Ciqaabta Guud oo 1931 la sameeyey oo aynu dambiga kufsiga Ku dhaqaynay waxaas oo dambi ah ma sheego. Garsoorku dhib ayuu ka mudan jiray in dambiyadan ay Caddaaladda mariyaan, iyadoo markii hore hannaanka cadaymaheenu aad u liiteen oo aynaan haysan qalabada faraha iyo DNA lagu eego.

Xeerka Ciqaabta Guud wuu kala saara kufsi iyo sino (Eeg qodobada 388-401 iyo qod 426 XCG), awal maxa looga qaylin waayey, mise in dambiyada cusub ee dhacay lala dagaalama la diidayaa? Ma garan!

Xeerku wuxuu xuquuq caafimaad, difaac iyo daryeel siinayaa dhibbanaha, taas miyaa la diidan yahay? Taas macnaheedu maaha inuu dhib-geysta ilaabay ee xaqii is-difaac waa loo ogolaaday.

Haddii laga doodaayo xeerkan sinada iyo luudnimaduu banaynayaa. Xaasha been weeyi, xeerkan waxa kaliya oo uu nasakhay qodobada kufsiga ka hadla ee Xeerka Ciqaabta Guud ee 398, 399, 400 iyo 401.

Haddii sinada, luudnimada iyo dhiilaysiga la leeyahay xeerkan baa banaynaya, maya ee aan idiin tilmaamo qodobada dambiga ka dhigay oo Ku jira Xeerka Ciqaabta Guud-qodobka 405 wuxuu ka hadla dhiilaysiga, halka qodobka 426 sannada ka hadlo- mise kuwaas na waa sino, Haa Laakiin aa kala xun yihiin.

Sinada, dhilaysiga qoomo-luudnimada iyo dambiyada sharafta amma karaamada bulsahda amma qoyska muslimka taabanaya qodobadaasa xaarantimeeya oo ah xeerkaynu Ku dhaqano. Aan idin tilmaamee qodobadaas ciqaab fiican kuma ridaan dambiyadaas ee ololeeya oo in Xeerka shareecda ku salaysan lagu soo saaro tamarta galiya.

Xeerka Kufsiga halka khaladan een Ku arkay waa Guurka Qaasabka ah oo ay ahayd in xeerka qoyska lagu daro amma loo weeciyo.

WQ: Ibraahim Khadar