Laba sano ka hor markii aan ogaadey in uu qoraa Maxamed Saleebaan Axmed (Tixmagabe) gacanta ku hayo dhiganahan, โXerudhalan: Sooyaalka iyo Suugaanta Geelaโ, waxa aan markiiba xiiseeyey in aan mar uun arko buuggaas oo dhammaystiran. In aan sidaas u daneeyo waxa keenay in aan beryahaas ogaadey in uu Maxamed yahay maansayahan dhaqanka iyo suugaanta xil iska saara, in aan akhriyey maqaallo uu qoray oo ay hibo qoraal oo weyni iiga muuqatay iyo ugu danbayn in aan u arkayey nin dadaal badan oo hawshaa iyada ah ka soo dhalaali kara.
Sidaas ayaa ay arrintii noqotay oo dhiganihii โXerudhalan: Sooyaalka iyo Suugaanta Geelaโ waa kan maanta isaga oo dhammaystiran oo dhowaan na la soo bandhigi doono horteenna yaalla. Aqoon iyo macluumaad mawduucan ku saabsan intii ugu badnayd uguna mudnayd ayaa ku qoran. Marka aynu buugga akhrinno waxa aynu ogaanaynaa in aanay arrintu geel keli ah uun ahayn ee uu meesha cilmi badani ku jiro. Waxa aynu ogaanaynaa jacaylkii ay dadkeennii hore xoolaha u qabeen in ayna meesiyadu ka sinnayn, ee uu geelu ahaa waxa koowaad ee nafta la dul dhigo, aadna loogu tabco. Sababtuna waa saddex arrimood oo kala ah: in uu xoolaha kale ka waxtar badan yahay, in uu adkaysi badan yahay, iyo dhulka Soomaalida ee oomanaha u badan in uu ku habboon yahay. Waa kuwii waxtarka geela inta ugu yar sida yaabka leh uga hadlay markii ay ku maahmaaheen, โMaggaabo geel gelin dhan baa ay ku waddaaโ. Adkaysigiisa wixii ay ka yidhaahdeen na waxa inagaga filan meerisyadan soo socda oo aan isla dhiganahan inooga soo saaray:
โข Waa dhagax nafloo hayjaddaa dhigay Ilaahaye
โข Dhadhaab adag haddii anu ka bixin laguma dhaateene
~ Cumar Xuseen (Cumar Ustareeliye)
โข Xoolaha xaddiidkaa naftaa xeerisoo jecele
~ Faarax Jaamac (Faarax Laanjeer)
Waxa uu qoraagu si xeeldheer oo faahfaahsan inoogu soo gudbiyey guud ahaan taariikhda geela, xaaladaha kala dudduwan ee ay noloshiisu marto, jaadadka uu u kala baxo, dhaqashadiisa, dhaqaaleyntiisa, suugaantiisa, ammaantiisa, xagga xarragada, guurka, magta, noloshii hore ee Soomaalida iyo tan danbe ee casriga ah ba kaalmihii uu ku lahaa, welina uu ku leeyahay iyo faaโidooyin iyo macluumaad badan oo aynaan qoraalkan ku soo koobi karin. Waxyaalahaas oo dhan marka aynu buugga ka akhrinno waxa laga yaabaa in aynu si dhab ah uga garowno hadalkii Soomaalidii hore ee ahaa,โGeel laโaani waa nolol laโaanโ!
โXerudhalan: Sooyaalka iyo Suugaanta Geelaโ ma aha dhigane kooban ee waa tog weyn oo rogmanaya oo ay hoobaan iyo midho bislaaday ka buuxaan. Waa kayd dhaxalgal ah, aqoonbaadhis iyo xogo wax badan laga kororsan karo oo uu qoraagu waqti badan iyo tabarba geliyey, kuwaas oo anfici kara dadka arrimaha dhaqanka wax ka diyaariya, ardayda, qorayaasha, macallimiinta iyo cid kasta oo mawduucan danaynaysa. Dheefta laga la bixi karaase waxa ay ku xidhan tahay cidda xiisaynaysaa sida ay kolba toggaa weyn ee isaga ah sacabbadeeda ugaga dheregto.
Buugga baaxaddaa iyo qiimahaa leh ayaa uu qoraagu ku guulaystay in uu horteenna keeno isaga oo ka ilaaliyey gefaf badan oo waayadan danbe qoraallada afkeenna ku soo baxa faro baas ku haya. Waxa aad u qurux badan cutubyada iyo qaybaha kale ee buugga sida uu u nidaamiyey oo inoo fududaynaysa in aynu si fiican u akhrinno. Qoraaga buugga oo ah nin daโ yar in uu hawsha intaa leโeg qabtay oo uu ka midho-dhaliyey waa arrin wanaagsan oo caddaynaysa aqoonta iyo qoraalku in aanay daโ ku xidhnayn ee ka mid yihiin hibooyinka uu Ilaahay bixiyo ee uu aadamiga ugu deeqo. Aragtiyaha akhristayaasha kala duwan na marka uu dhiganuhu gaadho ayaa laga yaabaa in uu qoraagu wax ka helo.
Ugu danbayn, qoraaga aad iyo aad baan u hanbalyeynayaa, waxaanan leeyahay waad ku mahadsan tahay waxtarkaa qiimaha badan ee aad ummaddeenna ugu deeqday.