Xidhiidhka Taiwan iyo Maraykanka (WQ: Cali Maxamed Xasan “Cali-mareexaan”)

Xidhiidhka Taiwan iyo Maraykanka

 

Taiwan arinkeedu maaha wax ku cusub faraarayaasha caalamka. Waa arin ka soo bilaabmaysaa 1949 markii dawladii China ay u soo baxsatay  Taiwan. Waxay Taiwan u jirtaa dalwaynaha China 200km oo keliya. Mudadaa todobaatanka sano ka daban Shiinuhu wuxuu ku doodayey in Taiwan ay ka mid yahay dalkooda, cidsoo ag martana  ma ogolayn. Sidaas oo ay tahay, hadana Taiwan dhaqaale ahaan iyo milateri ahaanba way sii xoogaysanaysay.

Markaa sidee wax u jiraan?

Miyaan la is waydiin karin, Shiinuhu inta uu dalal aad uga fog, oo Taiwan xidhiidh la samaystay uu u hanjabayo muxuu jasiiradan yar ee agtiisa ah afka u jebin waayey sidii Ruushku ka yeelay Crimea? Ama ugu yaraan u go’doomin waayey?

 

Taiwan waxa uu  isxulafaysi xoogani ka dhexeeyaa  dalalka Maraykanka, Japan iyo koonfurta Kuuriya, talaabo mulatari oo uu Shiinuhu ka qaadona way ku balaadhaysaa, dhinaca kale Taiwan lafteedu ma xoogyara oo waxay leedahay cudud milatari oo casri iyo dhaqaale xoogan inkastoo aan la barbar dhigi karin awoodda Shiinaha.

 

Hadaynu si gaar ah u soo qaadano xidhiidh ka USA iyo Taiwan, Intasta oo Maraykanku aanu Taiwan si rasmi ah u aqoonsanayn, hadana marka aad eegto  xidhiidhka aadka u qotada dheer ee ka dhexeeya labada dal, waxaad ogaanaysaa in ictiraaf la’aanta Maraykanku ay tahay afka baarkiisa. 10 April 1979 Congrass-ka Maraykanku wuxuu meelmariyey xeer  ay dalkaa kula macaamilaan oo la yidhaahdo  (Taiwan relations Act). Xeer kaasi wuxuu Taiwan siinayaa in loola dhaqmo sida dal debedeed oo kale. Nabad gelyada galbeedka Baasifiga, iyo xoojinta xidhiidhka labada umadadood, USA iyo Taiwan ee dhinaca amniga, dhaqaalaha iyo dhaqanka ayuu dawlada awood u siinayaa.

Sidaas ayuu xaalku ahaa ilaa 16. March.2018 oo uu Cogrees-ka Maraykanku markale xeer soo saaray kaas oo sare u sii qaadaya xidhiidhka labada dal. Xeerkan danbe oo Madaxwayne Trump saxeexay arimaha kii hore lagu soo kordhiyey waxaa ka mid ah; in madaxda ugu sarraysa ee labada dal uu midba midka kale booqan karo.

Waxaa kale oo Maraykanku si joogto ah Taiwan uga iibiyaa subka noocyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan gantaalaha iyo diyaaradaha dagaalka ee F16.

Todobaadkan markab dagaal oo Maraykanku leeyahay oo ah nooca diyaarada xambaara ayaa dhoolatus milateri ka sameeyey badda koonfurta Shiinaha oo ah sadex xagal u dhaxaysa Tiawan, Shiinaha iyo Filibiin.

Jawaabta keliya ee  Shiinuhu ka bixiyaana ma dhaafto canbaarayn.

 

Shiiniha oo ah dal dhaqaalaha ahaan iyo mulateri ahaanba aad u xoogan, wuxuu is ka dhawrayaa qalalaase gobolkaa ka dhaca, kaas oo dhaawac wayn u gaysanaya dhaqaalaha Shiinayaha ee xoogaysanaya kaas oo ku jira tartan caalami ah. Hadii gobolkaa dagaal ka dhaco Shiinaha ayuu ku dhacayaa khasaaraha koobaad oo waxaa istaagaya ganacsigii uu aduunka la lahaa, waxaanu dib uga dhacayaa kaalintiisii dhaqaalaha aduunka. Si kastaba  ha ahaatee, Shiinaha saamayntiisu aad ayey u xoog badan tahay marka laga hadlayo arinka Taiwan, laakiin inta badan dawladaha sida tooska ah ula macaamila Taiwan  Shiinuhu wuxuu kula dhaqmaa dublmaasiyad qabaw (Soft power diplomacy) wuxuu isticmaalaha saamayntiisa dhaqaale iyo galaangal, waxaana dhacda dalal hore u aqoonsaday ama xidhiidh la samaysaytay Taiwan in ay dib uga noqdeen ka dib markii ay Shiinaha is fahmeen. Arimahaasi waxay ku tusayaan in Taiwan aanay sidaa u sahlanayn, xidhiidhka ay Somaliland la yeelatayna uu ahaa talaabo sax ah.

 

Gebegabadii;  maadaama  JSL  ka mid tahay dalalka boqolka gaadhaya ee si uun xidhiidh ula leh Taiwan ma muuqato cabsi wayn oo Somaliland kaga iman karta  dhinaca Shiinaha, balse waxaaba dhici karta in Somaliland siyaabo kale uga faa’iido.