Sanaag dawlad xumaa ka jirtee, dhib kale ma taal. Inay tashataana waa qasab (WQ: Guleed Axmed Jaamac “Dafac”)

Sanaag dawlad xumaa ka jirtee, dhib kale ma taal. Inay tashataana waa qasab

 

Sadex dawladnimada laga dheefo ayaa Sanaag ku yar:

 

1. Hay’adaha caddaaladda iyo amaanka: Aadanuhu inuu is khilaafo waa dabiici. Marka ay jiraan oo ku dhow yihiin hay’ado u dhisan inay murankooda xallilaan, gacan ka hadalku ma bato. Sanaag waxa ka fog booliiska iyo maxkamadaha. Labada qof ee isku qabsada dhul ku yaal degmada Gar Adag waxa ay maxkamadda gobolku u jirtaa 200 KM. Marka qof dembi dil ah gaysto ama dhaawac ee aan dhibanuhu haysan booliis u dhow oo uu u dacwoodo wuxuu dan bidayaa qabiilka iyo gacan ka hadalka. Dagaalada qabileed ee loo taag waayay waxa ay ka bilaabmeen dhamaantood muran dhawr qof dhex maray. Murankii dawlad ayuu waayay. Halka gobolada qaar tuulo walba booliis joogo, Sanaag intiisa badan booliis ma joogo. Tusaale, Ceel Afwayn iyo Ceergaabo waxa ay isku jiraan 90 KM. Hal saldhig booliis uma dhexeeyo. Qofka Dur Dur jooga ma arko booliis uu u cawdo hadii dembi laga galo. Dadkaas yaa garta u qaadaya oo amaankooda suga. Dhererka Bari ilaa Galbeed waa ka badan yahay 200 KM mana joogo Booliis. Waa marka aad, matalan, cabirka ka qaadatid isla Dur Dur.

 

Sanaag waxa uu u qaybsan yahay sadex: A. Qayb aan Somaliland joogin ba. Waa xagga bari qayb laxaad leh oo ka mid ah. B. Qayb dawlada Somaliland hoos jooga balse dawladnimadu ku tahay sida aan kor ku soo sheegay. C. Dhulka buuralayda ah oo aan badankoodu weligood arag dawlad, islamarkaana aanay ka jirin wadooyin la maro.

 

2. Shaqo: Sanaag waa gobol dadkiisa inta u badani reer guuraa yahay. Waxa si xawli ah u socda dadka u soo wareegaya magaalooyinka iyo tuulooyinka. Shaqooyin na ma jiraan. Dawladdu shaqo kama abuurto, hay’adaha caalamiga ah waxa loo geliyay inuu yahay gobol lagu muran san yahay, natiijada labaasi dhaleen waxa ay ku dartay in shirkadaha gaarka loo leeyahay ay ku yaradaan. Waa arin la isla yaqaan in marka shaqo la’aantu badato, dadka magaalooyinka iyo tuulooyinka soo gelayaa kordhaan, in khilaafku bato, hadii aanay jirin dawlad dhalinyarada shaqo u abuurta.

 

3. Matalaad: dawladda waxa lagu helaa matalaad oo ah in cidi u joogto deegaanada goobaha go’aanada lagu qaato si ay dhibaatooyinka ka jira dhulkooda u soo bandhigaan. Sanaag laba dhibaato ayaa u gaar ah:

 

A. Goobaha codbixinta ee Sanaag si ku talo gal ah ayaa loo kala durkiyay. Waxa ay isku jiraan tobanaan kiiloo mitir. Taasi waxa ay 90% hoos u dhigtay codaynta shacabka. Waxa dheer inay yihiin reer guuraa 50% dadka Sanaag degani. Markaa dadka intiisa badnayd ma codayn karto oo fursadaa lama siin. Waa gobolka ugu goob codbixineed yar marka loo eego qiyaaska dhuleed ee uu dalka ka yahay. Taasi waxa ay keentay inu saamayntiisa siyaasdeed yaraato waayo codkisii ayaa meesha laga saaray.

 

B. Jagooyinka la magacaabo wuu ku yar yahay. Waa gobolka ugu yar wadarta guud ee jagooyinka magacaabista madaxwayne ku yimaada sida wasiirada, agaasimayaasha, hay’adaha iwm. Qaabka shaqo qorista ee ku dhisan caasimadda in laga qoro shaqaalaha dawladdu wuxuu sidoo kela ka reebay Sanaag iyo gobolada la duruufta ah inay shaqaale ku filan ku yeeshaan dawladda dhexe.

 

Maamul daadejinta oo hoosaysa darteed, khayraadka dalka gobolka Sanaag wax dhibaatooyinkiisa u gaarka ah wax ka qabta ma hellin. Maxaa ka dhashay? Waxa ka dhasay in dadkiisii ka cararo oo u guuro gobolada ay ka heli karaan waxbarasho, shaqoyo iyo caafimaad. Waxa markaas ku dhacay maskax guur (brain drain) la abuuray ee aan iska iman.

 

Iyada oo sidaas habaysan loo hagaasiyay (systematic marginalization) ayaa hadana hadh iyo habeen madaxdii sidaas u gashay cay ku haysaa.

 

Somaliland waxa ay uga go’day Somalia dawladnimada oo laga fogeeyey. Maanta waraaqda u yar ee dawladnimo ilaa ta u wayn baasaboor na dheh oo waa in Hargeysa loo soo doonto.

 

Waa iga su’aal e ma waxa aynu u goosanay in gobolada qaar tanaaadaan, qaar kalena la hagaasiyo? Ka sokow inay caddaalad darro tahay, miyaan laga baqayn in dadkaasi wax is waydiyaan sidii ay wax isku waydiiyeen dadka reer Somaliland markii Xamar keligeed u dawladaysay.

Yaynaan inagii isku dawladayne, aynu caddaalad ku dhaqno dalka si aayeheenu u hagaago. Dawladnimada inay dalka oo dhan wada gaadho ayaa loo soo dhacsaday ee yay noqon geel la soo dhacay oo kuwii soo dhacay sii kale dhaceen.