Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Oo Daahfurtay Xafiiska Kaydinta Xogta Shaqaalaha Dawladda Somaliland

Munaasibadii xadhig ka jarista oo lagu qabtay xarunta hay’adda shaqalaha dawladda waxa ka qayb galay guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda, guddoomiye ku xigeenka hay’addaasi, xubnaha guddida hay’adda shaqaalaha, agaasimeyaasha guud ee hay’adda shaqaalaha, caafimaadka, shaqo gelinta, ganacsiga, xannaanada xoolaha, xidhiidhka goleyaasha, ku simaha agaasimaha guud ee gaashaan-dhiga, masuuliyiin ka socday hay’adaha madaxa bannaan ee dawladda, madax ka socotay mashruuca Baanka adduunka, agaasime waaxeedyada hay’adda shaqaalaha dawladda iyo shaqaalaha hay’addaasi.

 

Ugu horayn waxa halkaas ka hadlay agaasimaha guud ee hay’adda shaqaalaha dawladda Xamse Suldaan Aadan, oo faahfaahin ka bixiyey muhiimada uu xafiiska kaydinta xogta shaqaalaha dawladdu u leeyahay laamaha kala duwan ee xafiisyada dawladda, isaga oo sheegay in uu ka caawin doono laamaha dawladda in xogta shaqaalaha loo helo si fudud marka loo baahdo.

 

Sidoo kale, waxa isna halkaas ka hadlay agaasimaha guud ee wasaaradda shaqogelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska C/rashiid Ibraahin C/raxmaan oo soo dhaweeyey xafiiskan lagu kaydin doono xogta shaqaalaha dawladda Somaliland, wuxuuna ammaan iyo bogaadin u soo jeediyey masuuliyiinta hay’adda shaqaalaha dawladda oo uu ku tilmaamay in ay hirgeliyeen xafiis muhiim u ah shaqaalaha dawladda.

 

Geesta kale, waxa halkass ka hadlay guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Farxaan Aadan Haybe, oo tilmaamay in ay guul weyn u tahay qaranka Somaliland kaalinta uu xafiiskan kaydinta xogta shaqaalaha dawladdu ka qaadanayo hirgelinta hannaanka casriga ah iyo habsami u socodka hawlaha shaqo ee lagu kaydinayo la socodka xogta shaqaalaha dawladda, waxaanu sheegay in la sameeyey saddex qaybood oo kala ah qaybta faylasha ee xafiiska, qaybta seerfarka iyo qaybta kaydinta ee hawadda oo hadii la waayo labada kale si fudud loo heli karo xogtii shaqaalaha.

 

Gabogabadii guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda iyo masuuliyiintii la socday waxay kormeer ku soo maren qaybaha kala duwan ee xafiiskan cusub ee la furay.

Xigasho: SOLNA