Aqalka Cad ee Maraykanka oo Soo Dhaweeyay Xidhiidhka Dhexmaray Taiwan iyo Somaliland

Gollaha Amniga ee Aqal Cad ee Dawladda Maraykanka ayaa dalka Taiwan ku boggaadiyay xidhiidhka ay Somaliland la samaysay. Waxa qoraalka oo lagu baahiyay Twitter ka lagu yidhi “Waa war farxad leh in aannu aragno Taiwan oo xidhiidh la samaysay Barriga Afrika, wakhti si aad ah loogu baahan yahay xidhiidhkaasi. #Taiwan waa dal aannu xidhiidh wanaagsan leenahay dhinaca Caafimaadka, Waxbarashada, taageerada farsamo & kuwo kaleba”.

 

Qoraalkan ka soo baxay dawladda Maraykanka ayaa waxa ku lifaaqnaa qoraal si farshaxanimo ah ay u qortay shabakada wararka ee Associated Press oo hadalkeeda ku bilawday “Dawladda Taiwan waxay ku guulaysatay fursad dahabi ah oo ah in ay xidhiidh la samayso dalka madaxa banaan ee Somaliland”

Bandhige@gmail.com