Qormadan waxaan u qoray laba sababood waa ta hore’e waxaan markhaati ka ahay adiguna akhrista laga yaabaa inaad ila qirsantahay doorka faneed ee ay waqtigan kooxda fanaaniinta xidigaha geesku ku leeyihiin guud ahaan bulshada Soomaalida, Soomaalida oo si guud ah bulsho fan iyo suugaan jecel, xilligan dadku fanaaniinta ugu dhagaysiga badan yihiin waa iyaga waxaana arrintaasi kuu sii xoojin kara todobaadyadii ugu dambeeyey ee ay dhagaha dadka soo gaadheen inay is khilaafsan yihiin, dadka badankoodu waxay u kala qaybsanaayeen in warkooda raadinaysa iyo in ka waramaysa xogta ay haysaa inay tahayba.
Goobaha bulshadu ku kulanto haddii ay noqoto Internet-yada iyo goobaha kale ee kulanka tooska ah lagu yeeshaba sida maqaaxiyaha oo ay dhallinyaradu u badan tahay, ma yara inta jeer ee aan arkay dad aniga I weydiinaya ama iyaguba wax iiga sheegaya warka kooxdan .
Arrinta kalena waa fahamka aan ka qabo muhiimada fan uu bulsho ku u leeyahay gaar ahaan Soomaalida, oo magaca kooxdani yeelatay ama koox faneeyada soo maray taariikhdeena sida Waaberi oo kale haddii aanu fanku muhiimad inoo lahayn kana tarjumaynin nolosheena halkaasi may gaadheen ee sida ururo badan oo aad adiga laftaadu xusuuusato ayey maalmo kooban ku libdhi lahaayeen.
Taariikhda fanka iyo suugaanta Soomaalida waxa soo maray kooxo iyo shakhsiyaad kali-kali u heesa inta aad hebel iyo heblaayo fanaan ah aad taqaano amaba aad abwaan caan ah garanayso ma jiro qof kaligii soo baxay ee awood la isku geeyey ayey ku soo baxeen, tusaale ahaan fanka Soomaalida kooxdii ugu horaysay ee xoogaysataa waxay ahayaeen walaalaha Hargeysa, iyada oo ay nin kastaaba uu xisbiyadii waqtigaasi gumaysiga Ingiriiska la diriraayey u heeso balse codkiisu aanu dhaafin goobta ay xisbigu ku kulmaan waxa rag uu Xuseen Aw-faarax kow ka yahay ay ku fikireen inay koox faneed sameeyeen magaca Walaalaha Hargeysana u bixiyaan markii uu hano qaaday waxa ku soo hirtay xataa dad aan Soomaaliba ahayn oo Cismaan Beenaale, Raw, iyo Maxamed Siciid Guroon-jire oo noqday dhidibadii kooxda markii dambe walina suugaanta nool ee aynu dhagaysano qaybta ugu weyn qaatay waxay kala ahaayeen Carab iyo Hindi, waxayna ku soo soo jiitay uun fanka iftiimay.
Waaberi ayaa tusaale kale oo nool iyaduna ah waanad ila ogtahay inay gaadheen heer xataa dawlad Soomaaliyeed magacoodu ka sareeyo walina madaxweynayaal iyo dad xilal sare Soomaali u qabtay iyagu ka magac dheeryihiin si kasta oo waqtigoodii sannado badan uga soo wareegeen, ku darsoo iyagaa ah waxa kaliya ee waqtigan Soomaali heshiis ku tahay ee aan loo eegin deegaan iyo reer ay ka soo jeedaan warbaahin kastaana ay baahiso wali, adiga oo og dhibta badan ee Soomaali kala dhex martay.
Hargeysa waa bar bilawgii fanka Soomaaliyeed, waa halkii ay ka hana-qaadeen hal abuur iyo hobol kastaaba ha u dhasho ama deegaan kaleba haka soo huleelee , waa goob ay ka maaxato murtida Soomaalidu , waa magaalada ugu badan ee hal qabsi iyo hees faneed loo sameeyo, waxay sidaasi ku kasbatay waa ceel qofkasta karaankiisa rabitaan ee fanka uu ka darsan karo, midi wuu ka heesi karaa midna wuu u heesi karaa iyada oo loo heelan yahay.
Sannado badan oo Hargeysa ay tabaysay doorkeedii fanka eeay Soomaalida kalena martida uga ahaan jirtay waxay mar dambe dib u daarmay shamacii damay.
kooxdan Xidigaha Geeska oo uu hormood aan hadhsan ka yahay Abwaan Xasan Dhuxul laab-saalax, taageero Muusic, mid cod iyo mid laxanba ay la garab taaganyihiin fanaaniinta gabahda iyo wiilasha iskugu jira ee kooxda ku midoobay ayaa arrintan u ololeeyey kuna guulaystay.
Sannado dhawr ah oo calankoodu kor u taagnaa waxa soo baxday in tiirkii calanka hayey uu meel dhexe aboor ka cunay taasi oo u dhaw inay dhulka ku dhaco.
Dad badan ayaa su’aalo isweydiiyey anigu Cumar ahaan ma jeclaysan mana jecli warkaasi ku saabsan inuu tiirkaasi liicayo labada sababood ee aan qoraalku ku bilaabay awgood.
Balse waxa iga talo iyo xusuusin ah in kooxdu badankoodu marka qof qof loo eegayo ay horeba magaalada Hargeysa u joogeen una heesi jireen balse fankoodu aanu soo dhaafi jirin guriga ay ka heeseen iyo goobta ay heesta u qabteen midnaba, hadase waxa dibada u soo saaray iskaashiga dhinacyada kala duwan leh ee aan sheegay. Sidaas darteed waxaan isweydiiyey abwaankooda, fanaankooda iyo muusikiistahooduba miyey wax yar is hordhigaan halka ay magac iyo maamuus ahaanba shalay taagnaayeen isbahaysiga ka hor.
Waxa taariikhda fanka Soomaalida ku jirta hebel iyo heblaayo cod macaan balse waxa ciilay garbo ay waayeen.
Dad badan oo mar soo baxay waxa cidhibta qabtay kalli socodnimo iyo koox la’aan.
Falcelinta bulshadu ka bixisay arrintooda wada sax maaha aragtidayda oo waxaan arkaayey dad khilaafkooda ka hadlaayey Tusaale ahaan Maxamed Bk aragtidyada kooxda waa nin miisaan ku lahaa, markii ay soo baxday dad dhagaysanayey heesouu qaadayey oo ay kooxdu soo wada saareen oo xataa codkii qofkii erayada lahaa kii laxanka saaray iyo ka Muusic-kada tumayba ka dhex baxayo ayey leeyihiin baga ayaad ka baxday ama waad ka maarmi kartaa, hadda ogawoo dadkaasi mar dhaw eryadana uma samaynayaan wax kale oo fan oo ay ku caawinayaana ma jirto oo dee horeba ugu may caawin, waxaana ila haboon inay ku waaniyaan in xataa haddii uu dambi sharci jebin ah uu kooxda ka galay uu qiraal iyo cafis weydiisto kooxda, si fankiisu u sii waaro sidaasi oo bulshada fankiisa ku xidhana u dan ah.
Waxa Qoray: Cumar Seerbiya.