Xiisaha iyo Jacaylka.
Xiisuhu maaha mid kamid ah astaamaha jacaylka balse waa qodobka ugu weyn ee suurto gelin kara jacayl,
Joogtaynka wanaaga, qadarinta iyo kalkacaylka qofka bini aadan ka ah ayaa qofka qalbigiisa ku reeba raad, raadkaasi oo abuura baahi uu qofku ubaahdo marwalba wixii wanaagsanayd ee uu kaa heli jiray taasi oo suurto gal ah inaad kali ku tahay waxyaabaha uu kaa helo oo aanu ka helin ama fursadba isku helin cidkale oo uu ka helo,
Kadibna uu qofku xaqiiqsado inaad tahay qofka ku haboon noloshiisa oo uu iska dhaadhiciyo inaad noloshiisa muhiim u tahay sidaasna kugu jeclaado.
Xiisuhu maaha aragti loo baahanyahay in la arko, balse waa ubogid ficillo, hadallo iyo waxyaabo gaar ah oo soo jiidasho ku leh dookha qalbiyada bini aadanka.