Xildhibaanadda Barlamaanka Soomaaliya ma yeelan dareen Qaran, markay dooranayaan Madaxweynaha soo socda ee Soomaaliya? (WQ: Xuseen Maxamed Maxamuud “Xuseen-lucky”)

Soomaaliya waa meel ka mid ah meelaha dunida ugu mugdisan mustqabal ahaan ee ay ummaddi ku noolaato maanta, iyadoo ka talinta aayaheeduna uu  gacanta u galay dawlado shisheeye, amaba, haddaan si kale u dhigo noqotay meel shisheeyuhu ku hardamo si uu mid kastaaba danihiisa uga dhex fushado, halka, dadkii dalkaas u dhashayna ay noqdeen kuwo kala qoqoban, kala qaybsan, oo midba kan kale cadowgiisa koowaad  u yaqaano, dadkaas oo wajahaya mustaqbal aanay ganarnaynin waxa wanaagsan ee uu usoo sido.

In badan oo dadkii Soomaaliyeed ah ayaa qaxootinimo iyo barakac la nool, oo duruufaha qalafsan iyo waayaha adag ee ay la nool yihiin cid uga hiilisa u baahan, halka gebi ahaanba, wixii dawlado loo dhisay Soomaaliya ay ahaayeen kuwo gacan-ku-rimis ah oo ay shisheeyuhu dabada ka riixayeen, kuna iman rabitaan ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed, kuwaasoo, intooda badani u muuqdeen kuwa aan lahayn dareenka ah inay fahmaan dhibka dawladnimadii Somaaliyeed ku habsatay iyo sida ay dhibkaas uga saari lahaayeen, balse, dadaalkooda u dhami ku ekaa mid ay ku raali gelinayeen waxa ay rabaan shisheeyuhu, xataa ugu yaraan, lama ay  iman xeelad ah inay si uun isu waafajiyaan danta shisheeyuhu ka rabo, iyo tan dadkoodu ka rabo, waayo, diblumaasiyadu waa dano iyo masaaliix lays waydaarsanayo, oo dalba dalka kale wax uga tanaasulayo, ee ma ahan, mid hal dal amah al dhinac uun u sed-burinaysa, Soomaalidu waxay ku Maahmaahdaa: haddaad Dhimanayso Dhareerka waa layska duwaa, haddii aad Tabar daran tahay, ma ahan, inaad isu dhiibto shisheyaha oo waxa ay rabaan kaa fushadaan, adiguna, dawlad tag daran baanu nahay awgeed, aad ka cabsato inaad wixii aan danta Somaaliyeed ku jirin diido, amaba aad odhan kari waydom haddii aanu dantan idiin fulino haddii aad dawlad hebla tihiin, anagana, noo fuliya dantan baanu wadanaaye, oo Calal-aqal, danno lays weydaarsado.

Hadaba, Maanta, oo lasoo doortay Xildhibaanaddii labada aqal ee Soomaaliya, lana filayo inay doorasho Madaxweynenimo qabsoonto, ayaa waxa u ordaya jagada Madaxweynanimo inay buuxiyaan rag intooda badan horey siyaasadda ugu jiray, iyo qaar haatanba saaxadda siyaasadda ku jira oo ay dhamaantoodba taariikhdu horey u tijaabisay, lana garanayo, mid kastaaba wixii uu shar iyo kheyrba ku darsaday hab-nololeedka siyaasadeed ee Somaalida maanta, Musharaxiintan intooda badana, waxaa dabada ka riixaya dawlado shisheeye oo iyagu masaaliixdooda awgeed sidan u yeelaya, balse, aan wadin masaaliix ay umadda Soomaaliyeed leedahay, su’aasha lays weydiinayaa waxay tahay, Barnlamaanka maanta yimi ma yeelan doonaa Fahamka iyo kartida, uu cidda uu doornayo ugu salaysan doono dareen Soomalinimo iyo mid wadaniyeed?, oo ma u eegi doonaa cidda uu dooranayo sida ay shakhsiyadaasi uga jawabi karayso waayaha umadda Soomaaliyeed haysta ee barakaca leh, qaxootinimada leh, kala qaybsanka leh,mise wuxuu noqon doonaa sidii la arki jiray mid masiirka dadka soomaaliyeed dhaafsadda waxoogaa Doolar ah oo gacanta inta loo saaro, lagu yidhaahdo hebel u Coddee? Hebelkaas oo ah mid fulinaya danno shisheeye, balse aan fulinaynin danno Soomaaliyeed?

Isku soo wada Duuboo, waxaa la eegi doonaa bal sida ay Xildhibaanadda cusubi u kala doortaan masaaliixdooda shakhsiga ah iyo tan ummadeed, iyo bogga ay taariikhda ka galaan xumaan iyo samaan tay doonto ha noqotee, oo waxa ay mari doonaan halkii ay mareen xildhibaanaddii soo dooran jiray dawladihii ka horeeyay, ama waddo cusub oo taa ka gedisan oo ummadda Soomaliyeed u saamaxaysa inay wajahaan mustaqbal fiican iyo nolol ka door-roon tan ay maanta ku jiraan.

Wa Bilaahi Towfiiq

Hoos ka akhri maqaalladii hore ee Xuseen-Lucky:

Muuse Biixiyow, ma xabaalahaa ku codayn doon, hadduu…. 

Buubaayow, khariiradda siyaasadeed ee bedelaysaa maxay tahay? 

Carruurta malcaamadaha dhigta ayaa ku haboon inay rabbi Inoo…

Ma gurmad baa mise waa tamashlayn?

Abaartii Dabadheer waxaynu haysanay Dawlad uu Madaxweyne-ku-Xigeenkeedu ahaa General Ismaaciil Cali Abokor, maantana…

Waayaha dadka ay abaaruhu haleeleen iyo weedha wasiirad Samsam, laba aan is lahayn

Nidaamyada faasidka ahi waxay dadkooda baraan in ay noqdaan kuwo aan runta waajahin, dhibkoodana ay xalkeeda cid kale ka sugaan

Colaadda Gaalkacayo ka oogani, waxay ceeb ku tahay caqliga bulshada reer gaalkacayo

Wasiir Shucayboow, dalka ma Hargeysa ayuun baad ka taqaanaa ama u taqaanaa?

Tolow, goorma ayaynu garan doonaa in aynu waddo khaldan raacayno

Burco

Email, husseinlucky@hotmail.com