Xillima ayaa uu Qaradaawi wax qoraa? Q.3aad (WQ: Hamze Mohamed Muse)

Qormadii u dambaysay.

Sheekhu isaga oo socdaalladiisa iyo safarradiisu badan yihiin waa uu ka faa’idaytaa fursadda uu haysto,waxa ii sheekaysay Gabadhiisa Iscaad-Ummu Muxammad-Alle ha u naxariistee,markii ay is guursadeen kadib,toddoba-baxoogii inta ay soo baraarugto ayay arki jirtay isaga oo gacanta ku haya warqad iyo qalin oo wax qoraya,waana ay yarayd in uu daneeyo tamashlaynta iyo ku raaxaysiga nolosha.
Waxa aan inta badan heli jiray waraaqo dhex yeela madaarka,hudheello,maqaaxiyo iyo goobo kala jaad jaad ah oo uu ku qoray sheekhu gadaashooda shay ama qoraal ku jiray maqaal ama cilmi baadhis uu sameeyay,mar ayaan helay waraaqda ay ku taxan yihiin cuntooyinka hudheelka yaala(Menu) oo uu dhabarkeeda ku qoray sheekhu qoraal,waan ilaalin jiray waraaqahaa marka la daabaco dabadeed,waxa gacantayda ku jira waraaqo ay ku qoran tahay magaca mac-hadka diinta ee Qadar,waraaqo bangi,waraaqo hudheel iyo waraaqo ay ku xardhan yihiin shirar uu ka qaybgalay,shir ayuu ka qaybgalayaa,markaasu codsanayaa in waraaq loo keeno,taasi waxa ay ku tusinaysaa sida uu sheekhu uga faa’idaysan jiray waqtigiisa xitaa isaga oo safar ku jira,waxa ay waraaqahaasi tilmaamayaan halka sheekhu ku qoray qoraalkan buuggiisa ku jira ama maqaalkan xilliga iyo goorta uu qoray.
Sheekhu waxa uu wax ku dhex qoraa madaarrada uu dhex mushaaxayo,amaba marka uu diyaaradda sugayo,diyaaradda dhexdeeda ayaa uu wax ku qoraa,gaar ahaan marka safarku dheer yahay,sheekha waxa aan u raacay dhowr safar,anigu waan seexan jiray inta aan socdaalka ku jirno,isagana hurdo la’aan ayaa dishootay miskiinka,xusuuso mudan in aan idinka sheekeeyo oo ku saabsan cabashadiisa hurdo la’aanta ayaan dhagihiina maqashiin,waxa uu ii sheegay in uu igu majeerto sida dhakhsaha ah ee aan u gam’o,aniga oo diyaaradda la saaran ayaan seexdaa,markaasaan soo toosaa,markaasu ii dhiibaa waraaqo uu mawduuc ku qoray kana faraxashay qoraalkiisa,se waxa uu iiga tagaa meelo bannaan oo la buuxinayo,wuxuu qorayaa tusaale ahaan: halkan waxa lagu soo guurinayaa qoraalka ku jira buug hebel ee uu qoray aqoonyahan hebel,xaddiga intaa le’eg ayaad ka soo raraysaa,waxa uu kuu xaddidayaa laymanka la soo minguurinayo,si loogu buuxiyo meelaha bannaan ee waraaqda ku yaala,waayo waxaba uu qoray,ma aha sideena mid fura laptop-kiisa amaba I-pad-ka si uu qoraal uga soo raro buug,hase yeeshee isaga xusuustiisa ayaa ku caawisa magaca buugga iyo goobta uu ku yaallo qoraalka la soo rarayaa.
Waxa uu mar ii sheegay sida uu diyaaradda wax ugu dhex qoro,waxa uu yidhi: mar ayaa uu i arkay mid ka mid ah asxaabta danaysa fikirka iyo aqoonta aniga oo ku mashquulsan qoraal diyaaradda dhexdeeda,diyaaraddu waxa ay ka duulaysay Qaahira iyada uu u jihaysan London,deeto waxa uu i waydiiyay isaga oo shaamareersan: ma diyaarad ayaad wax ku dhex qoraysaa? Markaasan idhi: haa.
ma adiga oon buug tixraacayn ayaad wax qoraysaa?!, markaasan ku idhi: haa,aniga oon buug tixraacayn ayaan wax qorayaa,aniga oo tixraacaya kaydkayga aqooneed ee maskaxda ayaan wax qorayaa,waxaana laga yaabaa in uu i kaalmaynayo Qur’aanka aan xifdisanahay,Xadiiska iyo wax yaabaha soo arooray intooda badan korka ayaan ka hayaa,wixii u baahan sugid iyo xaqiijin waxa aan la sugaa noqoshadayda.
Saaxiibkay ayaa yidhi: hadda ayaan fahmay sirta ka danbaysa waxsoosaarkaa baaxadda weyn.
Waxa aan ku idhi: waxa jira shay aanad garanayn!, markaasu yidhi : waa maxay tolow shaygaasi?
Markaasan ku idhi : waa shayga la yidhaahdo ‘Barakada’,waa galladda ugu weyn ee Ilaahay siiyo cidda uu doono ee addoomihiisa ka mid ka ah.
Markaasuu yidhi : run baad sheegtay.
Qaradaawi kansho kasta iyo daqiiqad kasta oo noloshiisa ah waxa uu kaga faa’idaystaa wax akhrin,qoraal,fariin gudbin ku aaddan diintiisa iyo ummaddiisa,waxa uu sida ugu wacan uga faa’idaystaa ilbidhiqsi kasta oo noloshiisa ah,Alle ha u barakeeyo Sheekha.

Dhammaad

Waxa hal-tebiyey: Hamze Mohamed Muse
Hargeysa,
Somaliland