xoghayihii arrimaha dibada ee xisbiga wadani oo is casishay iyo sababta

Hargeysa (Bandhige) Xoghayihii arimaha dibada ee xisbiga mucaaradka ah ee Wadani marwo Faadumo Siciid oo maanta warbaahinta kula hadashay magaalada hargaysa ayaa waxa ay cadaysay inay iska casishay xilkii iyo xubinimaddii xisbiga wadan.

marwo faadumo oo warbaahinta la hadlaysa ayaa waxaa hadaladeedi kamid ahaa:
“maanta waxa aan iska casilay xilkii aan u hayay ee xoghayaha arrimaha dibbada ee xisbiga wadani iyo xubinimadiiba”

Faadumo oo hadalkeeda sii wadata waxa ay tidhi ” mucaarid adagna majiro muxaafad adagna majiro siyaasadii somaliland naย  waxa ay noqotay mid aan lagu milmi karayn.”

Faadumo Siciid waxay ay ku sababaysay inay wayday mucaaradadii ay ka filaysay iyo geedi-socodka siyaasada xisbiga iyada oo arimahaa ka hadlaysa waxa ay tidhi ” xisbigii wadani waan isku garan waayay, siyaasadiisa ayaan isku garan waayay iyo geedi-socodkii aan ka rabnay waan ka arki waayay.”

Bandhige@gmail.com