Xirfadda doodaha (WQ: Rashiid Odowaa)

Doodu waxay muujisaa heerka ilbaxnimo ee ay bulsho ama waddan joogo waxa lagu qiyaasaa inay doodda ay bibaaeen Giriigii hore muudo ku siman qarnigii 6aad waxa loo yaqaanay (Athenian Democracy) xilligan oo la isaga iman jiray magaalada iyo aageedaba si loo dhegeysto doodaha halkaas ka dhacaya halkaas lagu kala calaf qaadi jiray,wakhtigan casriga ah waxay dooddu ka soo bilaabantay Magaalada London qarnigii 18aad bilowgiisi xilligan oo horumarka ingriisku oo meel sare gaadhay waxa jiray fagaareyaal dhaqamada lagag doodo lakiin markii danbe way ballaadheen markii qaybo badan oo ah bulshadu ka soo qayb gashay mawaadiicdii lagaga hadlayay way ballaadheen.

Dooddu waxay ka mid tahay waxyaabaha ugu qaalisan ee dunida casriga la isku muquuniyo ama lagu kala badiyo,sidaas oo ay tahay maaha muran iyo qaylo badnaan ee lakiin waxa ay u bahantahay cilmi iyo xurfad dheeri ah,ma diidi karno inuu qofku aftahan noqon karo taasi waa hibo ilahay bixiyo waxaynu se wax ka taataban doonaa qaabka ay doodu marto.

Kolka hore waxaynu u kala saari doonaa (Argument iyo Debate) labadaba inagu waxay u naqaanna Af Somali ahaan dood,wayse kala balaadhanyihin oo waxa lala tagaa doodda boqolaal Argument oo la is waydaarsanayo,sidaas darteed markaad isku soo habaysato Argument ka ayaa Doodda la yimaadda.

Argument; waxa loo yaqaanna hadal waxa laga fahmi karo Nuxur leh wuxuna leeyahay laba qaybood oo kala ah (Premisses + Conclusion=Argument) waxa ayna dhigantahay sidan hoos ku qoran;-
Sababayn + gabagabayn=Dood
Hadalku waa inuu lahaadaa Sababayn marka danbe kugu raaridaysa gabagabo tusaale ahaan waxan idhi “Orgigii lug ayuu ka jabay” ka dibna intaas ayaan ku gaabiyay hadalkii,waxa dadku is weydiinayaan orgiga maxaa jebiyay,lakiin hadii aan idhaa “shalay galabtii ayuu Orgigu isagoo wadda ka talaabaya ayuu gaadhi raaxo ahi jiidhay sidaa darteed ayuu Orgigu lug uga jabay”markaas waa la fahmay sababtii orgigu ku jabay.

Haddaba argument ayaa abtirsiin kala leh labada nooc ee ugu caansan waxay kala yihiin “Deductive” iyo “Inductive” macnaha waa “Dood adag” iyo “dood jaban” haddii aynu ku sii yara durugno oo sharax kooban ka bixino.
DOODDA JABAN (inductive argument)
Dooddan nafteedu waxay u kala baxdaa dood xooggan iyo dood jilicsan aynu eegno doodda xooggan (muran adag iyo male awaal) waxa uu adeegsadaa qofku muran aan xad lahayn hase ahaatee dooddan lafteeda ayaa sii kala leh laba qaybood oo Cogency iyo Uncogency macnaha waa lagu qanci karaa haba ahaato Mura nee waa lagu qanci karaa iyo laguma qanci karo labadada way ku soo dhamaataa.

Tusaale;Digaaggu wuxu ka midyahay shibiraha,shinbiruhuna way duulaan Sidaas daraadeed waxa khasab ah inuu digaagguna duuli karo.

Hadalkan waxa ku badan male awaal wax caddayn ah uma hayno inay digaagu duulaan lakin haa qaabka shinbiraha way leeyihiin ama waa isku hayb.sidaas darteed ninkan odayga ahi wuu inagu khasbayaa inaan aamino uun,sidaasna waxay ku noqonaysaa dood jaban (Inductive)
DOODDA ADAG(deductive argument)
Dooddan waxa lagu raacaa waxay leedahay qaab qurux badan oo qodabaysan nafteedu waxay u sii kala baxdaa laba qaybood oo kala ah (Valid) iyo (inavalid) waxay ka dhigantahay dood sharci wadata iyo mid aan wadan,haddana sidaas oo tahay waxay noqon kartaa (Sound) iyo (Unsound) waxay noqon kartaa Run iyo been labadaba waxaynu raaci uun ta runta ah.

Tusaale; Mar haddii A+B=C sidaa daraadeed maxaa diidaya inay B+C=A qaabka ay dooddan Deductive loo yaqaanna u hadashaa waa qaabkaas waxa caado ah waxay leedahay caddayno iyo qodobo sharci oo lagu kaabayo.

Haddaynu soo ururinoo doodda ugu qurxda badan waxa qaatta qofka sharciga wax ka barta ee ilaahay siiyay hibo xagga hadalka ah lakiin maaha qofku inuu sharciga u barto aad dadka kula murantid waa inuu yahay qof macquul ah si kastaba.
Wa billahi towfiiq
Rashiid Odowaa
Rashidsalan1982@gmail.com
063-4101213