Xisbiyada siyaasadeed ee Somaliland ma u unkan yihiin hab-aragtiyeedyo kala duwan? (W.Q. Mowliid Cismaan Cabdilaahi “Mowliid Budul”)

Hordhac

Maqaalkani waxa uu ku dooddayaa in xisbi kali ahi ka tartamo Somaliland ilaa bilawgii curashada iyo hana-qaadka hananka dimuqraadiga ahi ka hirgallay Somaliland. Xaqiiq ahaan kooxo isku aragti ah oo saddex magac iyo saddex astaamood kala hadhsada ayaa ciyaarta jaanta iyo jiibta isla darandooriya. Bal aynu eegno.

Waa maxay hab-aragtiyeed?

Hab-aragtiyeed (Ideology) waxay ku qotontaa qabatinka mabaadi’ iyo xeerar si adag loo aaminsan yahay oo noqon kara mid diineed, dhaqan, siyaasadeed iyo dhaqaaleba. Qof kasta oo bani’aadam ahi waxa u sitaa oo ku lamaan toosh u gaar ah oo u iftiinsha u hayaanka hiigsiga mustaqbalka nololashiisa iyo bulshada u la nool-yahayba dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan iyo arimaha kale ee muhiimka ahba. Afkaarta qofka iyo waxa uu aaminsanyahay waxey asal ahaan ka soo unkantaa hab-nololeedka iyo habdhaqanka qoyskiisa iyo taxanaha sooyaalka nolosshiisa; ama waxaan ku sharaxi karnaa sida xeeldheere “Karl Mark” uu ku doodayo oo ah in hab-fikirka qofka ay sargoyso xaaladiisa dhaqaale. Hab-Aragtiyeedka rasmiga ahi waxay sawir ka bixisa dabeecada uu yeelanayo qofka bani’aadamiga ahi ama bulsho wada dhaqani; waxa kale oo ay tusmeysaa hanaanka loo kobcin karo bulsho iyo haykalka dalwadnimo, iyo sida dhaqaluhu u shaqeyn lahaaba. Inta badan, doodaha siyaasadeed waxa ay ka soo farcamaan kala-duwanaanshaha hab-aragtiyeedka bani-aadamka. Qof waxa uu hab-nololeedkisa uga aragti duwanyahay qof kale; waana sababta keenta dooda iyo abuuritaanka isxulafeysi kooxeed “ ururo siyasadeed”. Ururada siyasadeedna inta badan waxay ay ka fal-celiyaan hab-aragtiyeedyo kala duwan. “Shimbirba shimbirkiisu la duula

Ururo siyasadeed oo ku abuuran hab-aragtiyeed

Wadanka Ingiriiska waxa ka jirey qarniyo hab-aragtiyeedyo doora oo iska soo hor jeeda. bal aan tusaale u qaadano inaan fahano sidey u kala duwanaayeen si aan miqiyaas uga dhigano.

  1. Qunyar-socodnimo (Conservatism) waa hab-aragtiyeed si togan u aragta dawlad dhexe oo awood badan, aaminsana in kala danbeynta iyo nidaamka loo sameeyo bulsho ahaato mid gacan adag lagu qabto. Dadka hab-aragtiyeedkan isku bahaystey waxay si dhaba u aaminsanyihiinin in isbedelku u ahaado mid iskii udhasha, qunyar socod ah, oo wakhti u baahan. Waxay rumeysan yihiin in isbedelka xawliga ahi uu khatar badan yahay oo aan loo baahneyn. Hab-aragtiyeedkan waxay u aragtaa in dabeecada bani-aadamku ay tahay mid-qayral masuul ah, fulin karta ficilo shaydaan, islamarkana aan la saadalin karin. Saadal la’aanta bani-aadamka dartii, hab-aragtiyeedkani waxay odhaneysaa isbedelka degdega ahi waxa uu yeelan kara raad danbe oo rafaad lagu riiqmo reeba, sidaas darteed waa in lagu faro-adeygaa wixii la tijaabiyey halkii lagu dayi lahaa tijaabo cusub oo khatar badan yeelan karta.
  2. Furfurnaanta xorta ah (Liberalism) waa hab-aragtiyeed rumeysan in bani’adamku yahay dad si macquul ah oo waayeelnimo ah u fikiraya oo uga baahan faro-galin kooban dawlada dhexe. Asalkii hore, dadka la dhacsan fikirkani waxay rumeysnayeen in dadku xor ay u ahaadaan rabitaankooda ilaa inta anyna waxyeelayn iyo dibindaabyeyn isu gaysaneyn dhexdooda ama dad ka baxsan xayndaabkooda. Qolada casrigan ee fikirkan aaminsan waxay iyana rumeysanyihiin in aaney suuro-gal aheyn marwalba in ay dadku xoriyad ku naaloodaan ila ay faraglin ku yeelato mooye dawladu, iyako markaa u arka faro-galinta dawlada ee arimaha bulshada mid daruuri ah. Fikirka cusub ee danbe waxa ay dhirigalineysaa gacan ku haynta dawlada dhexe ee adeegyada aasaasiga ah sida biyaha iyo korontada, iyo in dawlad caydh bixisa ay tahay muhiim.
  3. Hantiwadaag (Socialism) – Waa hab-aragtiyeed yeelan kara wajiyo kala duwan. Hantiwadaaginta xagjirka ahi (Marxists) waxay rumeysan yihiin in maalka umada si siman loo wadaago, in meesha laga saaro ama la tirtiro dabaqadaha ka dhex abuurma bulshada iyo hab-fikirka suuqa hanti-goosadkaba. Hantiwadaginta dhexdhexaadka ahi waxay aminsanyihiin in dawladnimadu tahay balayo loo baahan yahay oo aan laga maarmi karin faro-galintooda, halka hantiwadaaginta dimuqradiga ahi ay u arkaan dawladnimada iney tahay furaha abuuraya bulsho u nool si cadalad ah oo xor ah. Si guud, hantiwadagintu waxay matalan dabaqada shaqalaha, ujeedadooda ugu muhiimsanina waa in ay kaantaroolan hanaanka waxsoosaarka iyaka oo u daneynaya shaqaalaha ama dadka danyarta ah. Waxa kale oo ay rumeysan yihiin in bani-aadamku aanu aheyn shakhsiyaad balse uu yahay iskashatooyin ay tahay iney iskaashadan waxna wada qabsadaan.

Curashadii ururada siyasadeed ee Somaliland

Sanadii 2001, mudo kooban ka dib meelmarintii dastuurka Somaliland, ayaa Alle ha u naxaristee Marxuum Maxamed X. Ibrahim Cigaal, Madaxweynihii 2aad ee Somaliland ku dhawaqay bilawga hanaanka xisbiyadda badan. Talo wanaagsan oo looga soo gudbayey nidaamkii beelaha oo qaran dimuqraadiya lagu raadiyey ayey aheyd. “Qaran baan dhisaynaa oo qabiil baan ka guuraynaa” waa halheysyadii Marxuum Cigaal. Ururo badan ayaa unkamey oo aan ka xusi karo; UDUB, UCID, Kulmiye, HORMOOD, SAHAN iyo ASAD. Haa…! Sidey se u sameysmeen ururadaasi? Maxaa mabadii u ahaa? Kala-duwanaasho ma jirey? maxay kala matalayeen?

Inta aynaan u gudbin dooda ka jawabista kala duwanaanshaha hab-aragtiyeed ee ururadaas, si fudud bal aan is weydiino doodaha mudada gaaban ama xiliga dhariga saarna ee lagu kala aragti duwanaan karayey. Urur waxa uu ku sameysmaa baahi jirto oo uu ka jawaabayo, iyo dad u baahan in lagu matalo danahooda iyo hab-fikirkoodaba.

  1. Jiritaanka qaranimada: haa iyo mayaba waa la heli karayey.
  2. Yaa u dan ahaa danyarta oo dabar u sameynayaa hantilayaasha, yaase u hilinaya hantilayaasha lagu gafo hadiiba ay jirto
  • Sida loola macamili karo dunida, yaa saaxiib laga dhiganayaa yaanse saaxiib laga dhigaanayn
  1. Hanaanka kobcinta dhaqalaha; hanti-goosad, hanti-wadaag mise aragtidda Islaamka.
  2. D­­­­­­­­ariiqa loo marayo raadinta doonista guud ee shacabka oo ah raadinta aqoonsi loo helo­­­­ Somaliland.

Waayahay, intaasi waa iga tusaale dul orod ah waayo waxa badan inta aragti bisil ee lagu kala aragti duwanaan karo. Hadda murayadeyda oo kale xidho oo aan isla eegno ficilada iyo qoraalada urarada iyo xisbiyadii abuurmey si aan u fatashno hab-fikirkoda. Ani waxa ii muuqdey in dhamaan wada yihiin ul iyo diirkeed aan mabaadi’i lagu kala duwan yahay jirin. Jawabta su’asha qoraalkani waa adi, hasayeeshi laba arrin iyago duudub ah iga qabo.

  1. Qoraal: Intaad arkayey xeerarka ururada dhamaantood waxa si siman rukun ama udub dhexaad u wada ahaa: jirtaanka qaranimada somaliland waa muqadas, in la dedejiyo raadinta ictiraafka somaliland, iyo in la dhiirigaliyo ganacsatada si loo kobciyo dhaqaalaha. Tuducyadaas iyo in kale oo la mid aya sida roobka iyakoo siman ugu dhibcey buugaagti cagaarka, dooga iyo guduudkaba lahaa. Dhamaan wada bacadle ayey yihiin hal shaadh wada gadaya. Gartey! sababtu waa mabadii iyo xeerar lagu kala duwan yahay oon jirin, iyo dano ay u abuurmeen. Saaxibkey Agaasimaha Sonyo, mudane Saeed Mohamed Ahmed oo soo booqdy 2014 mareyankan oo su’aashaas loo bandhigey ayaa qiraal igu ah inuu ku guuldareystey inuu kala abla-ableeyo aragtida xisbiyada Somaliland marka laga tago magacyadooda iyo astamahooda.
  2. Ficil ahaan: Waad aragtey rag badan oo sidii daaha kolba dabeyshu daan u qaadeyso? Haa waxba jira raga lulaya hadiiba dabeyshu daaha lusho! Imisad aragtey qof umadu ugu codeysay fikirku aaminsanaa oo hadana mucarad la ah intii ka cadeysey, kaad ka codeyseyna kursiga kuu fadhiyo. Waxba qaldamey malaha oo Cali Maxamed Warancade kolka horeba Kulmiye ayuu la fikir ahaa, Maxamed Haashiga aad u codeyseyna UDUB buu ahaa. Maya sida maaha. Kuye marka horeba lama kala duwaneyn oo toban sano ka hor labadan odey een tusalaha uso kala qaadaney sawkuwii isku UDUB-ta ahaa ee khadka cagaaran dhabanada wada marsana. Wax lagu kala aragti duwanyahay ma jirin marka horeba, se dariiqa kursiga uunba halka ay ka dhawdahay loogu kala foofey.

Qiraal silan oo hadana Sugan

Kaliya intaan arkey ficil u muuqdey inu wax kala duwanaasho ah muujey waxey aheyd ” wada hadaladii somaliland iyo Somamalia”. Xisbigga UDUB waxa uu laha aragti in aaney la hadleyn Somalia ilaa inta dawlad wada matashaa ka dhalaneyso, halka Kulmiye aaney cadeyn siyaasadiisu. Waxaan u jeeda, kuma aaney sheegin siyasadooda iney furfurayaan oo ay wada hadal la galayaan cidkasta oo sheegata laguna ogyahay hogaaminta dawladnimada somalia. Laakin markey majaraha qabteen ay suuro galiyeen kulamo dhex-mara iyaka iyo maamulka somalia. Waa hab-aragtiyeed hadiiba ay ka hor doorashadoodi so bandhigi lahaayeen kuna ololaleysan lahaayeen. Laakin xaajadu waxay aheyd aragti gole ka fuul ah horseedna uu u ahaa wasiirkii hore ee arimaha dibada Dr. Mohamed Abdillahi Omer. Waxey aheyd kusoo boodo aan la fileyn, waana sababta buuqa iyo qayladu uga dhamatey jilayaasha siyasada. qiral sugan oo hadana silan saw maaha.

Gunaanad

Geela Soomalidu waxa uu kala lahaan jirey sumado, sumad kastana waxey tilmaameysey cida ama reerka leh. Hada xisbiyadi waa midabo, muuq kastana matalo reero u ilashada sidii geela oo kale. Hadii Balaayo ka dhici jirtey geel laka qaado, dar hal irmaani ka cabeyso oo laka jabiyo, iyo kibir laga qaado geel badni, casrigan xaaladu waa in midabkasta u taagan yahay reer ama reero iskaashadey oo dhiig iyo dheefba isu hura. Hadii midab la taabto reera damqanaya. Waxaan kusoo gunanadi lahaa, xaalka xisbiyada Somaliland waa geelaydii oo astamahoodi ula soo guurey magaalo oon xataa baran cilimiga casriga ah ee uu Odey Fardoole geelisa ku maamulo.

Qore: Mowliid Cismaan Cabdilaahi “Mowliid Budul”