XOG WARAN: siday ku soo baxeen Xildhibaanada Gabiley ee Xidhnaa? (WQ: Hamse Khaire)

XOG WARAN: siday ku soo baxeen Xildhibaanada Gabiley ee Xidhnaa?

Dad badan ayaa i soo waydiiyay suaashaas ah “..Sidday ku soo baxeen…” waxaan is idhi mar uga wada jawaab oo halkan ku qor sidii aan u arkayay iyo intii ogaalkay ahayd.

Waxaan ka bilaabayaa Xadhigoodii oo uu ka horeeyay Khilaaf in muddo ah soo jiitamayay oo u dhexeeyay 11 Xildhibaan oo isagu jiray mucaarid iyo muxaafidba oo dhinac ah iyo maayarka iyo 9 xildhibaan oo dhinaca kale ah. Khilaafkaas hore geli maayo, waxa aan ka bilaabi Xadhigii iyo Kadib. Waa kuwan dhacdooyinkii Xadhiga kadib:

23/07/2019 ayaa 4 Xildhibaan lagu soo xiday xarunta argagixisa la-dirirka ee Hargeysa.

24/07/2019 Waxaa kale oo la soo xidhay 2 Xildhibaan oo kale.

25/04/2019 Maxkamada Gobolka Hargeysa ayaa rumaan 7 maalmood ah u goysaysay Xildhibaanada.

28/07/2019 Ururka qareenadda Somaliland ayaa shir jaraa’id oo ay xaruntooda ku qabteen ku tilmaamay xadhiga Xildhibaanada mid sharciga baal marsan. Waxay maxkamada Gobolka u soo qadimeen su’aal u dhignayd “..Waxay ay ku kala duwan yihiin Xildh. Dhakool oo isla maxkamaddani diiday iney rumaan garayso iyo Xildhibaanada 6-da ah ee ay rumaanka u goysay?” Waxaa kale oo iyana ay soo hadal-qaadeen sababta Maxkamada Gobolka Gabiley loo soo baal maray.

Waxaa iyaguna hore u ganafka xadhiga xildhibaanada Garyaqaano ka wakiil ka ahaa qaar ka mid ah xildhibaanada Xidhan.

29-31/07/2019 waxaa midho dhal noqon waayay dedaal siyaasiyiin, dhaqan iyo odayaal Gobolka ka soo jeedaa oo taageersan ama ka tirsan Kulmiye ay wadeen. Inkasta oo aanay dedaaladaasi joogsan.

01/08/2019 Gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka ugu Wayn ee Waddani ayaa Shir-jaraaid oo u Hargeysa ku qabtay si wayn u cambaareeyay Xadhiga Xildhibaanada Xasaanada haysta ee Gabiley uguna baaqay in loo celiyo Xoriyadoodii.

03/08/2019 oo ku beegnayd maalintii sabtidii ayaa mar kale Maxkamada Gobolka Hargeysa la hor keenay si loogu kordhiyo muddada rumaanka. Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka ayaa weydiiyay in “..Xasaanadii laga soo qaaday Xildhibaanada iyo in kale?” Taas oo ay booliiska iyo xeer-ilaalintu kaga jawaabeen “Maya”. Wuxuu haddana Gudoomiyuhu waydiiyay “..Iney waraaq ay ku codsanayaan in xasaanadda lagaga qaado ay u qoreen Golihii ay ka tirsanayeen iyo in kale?”. Jawaabtii ayaa haddana mar kale noqotay “Maya”. Kadibna Xildhibaan ka mid ah 6dii Xildhibaan ayaa yidhi “..Gudoomiye waxaanu nahay aqlabayadii Golaha oo dhan 11 Xildhibaan. Lixdayadan iyo 5 maqan, waa ayo golaha Xasaanada naga qaadayaa?”.

Halkaa markay marayso ayaa Gudoomiyuhu booliiska u sheegay in aan gal dacwadeed aanu u furayn kiiskan uuna siinayo 4 maalmood in booliisku ku soo dhameeyo baadhitaanka isla markaana uu markan marka xigta uu filayo (Waa Gudoomiyaha Max Gobolka MJ’e) in iyaga oo bilaa xasaanad ah la keeno maxkamadda.

Haddii dib loogu soo celiyay halkii ay ku xidhnayeen, waxaaba ku sii sugayay ergo iskugu jirta dhaqan iyo siyaasiyiin oo u sheegtay iney iska soo baxaan iyo in ergadu qabto in iyaga oo dibada jooga ay garnaqsadaan.Ergadu waxay qirtay in Xadhigoodu uu xaaraan yahay. Xildhibaanuna waxay codsadeen in bixistooda aan wax shuruuda lagu xidhin iyaguna ay dibadda u diyaar yihiin dedaal kasta oo lagu xalinayo Khilaafyada jira taas oo ay laba u kala qaadeen : (1)Xadhigooddii oo ay waddada sharciga u maraayaan (2) Wixii khilaaf degmada ka jiray oo ay u qabsoomayaan ergada ilaa inta aan lagu xadgubayn waajibaadkooda sharcigu s sharci iyo shaqadoodda. Waxaa isagu mawqif kan ka duwan qaatay mid ka mid ah Xildhibaanada oo wali xidhan isagoo ku dooday in aanu baxayn ee laga jaahil saaro sababta xadhigiisa.

6/08/2019 muddo 15 maalmood ah kadib markii la xidhay, ayaa xoriyadoodii ay dib u heleen 5 Xildhibaan oo ka mid ah 6dii Xidhnaa, waxaanay ku hawlan yihiin sii-daynta iyo qancinta Xildhibaanka wali xidhan. Wada-tashi iyo is arag kadib iyaga ayaa idiin warami doona. Waxaa 5ta xildhibaan ee soo baxay mid walba gacanta laga saaray waraaqda dambi la’aanta(#Crime clearance) taas oo guul u ah cid kasta oo aaminsanayd sharciga iyo sarayntiisa.

#Soo-koobid- Waxaa lagu soo-koobi karaaa sababta sii-dayntooda:

1) Sharci loo waayay oo lagu qaado karo madaama ay Xasaanaddoodii wataan isla markaana wax dambi ah aanay faraha kula jirin. Suaasha is waydiinta lihi waxa weeyi maxay maxkamaddu u rumaan garaysay marka horeba iyagoo xasaanadoodii leh? Lama yaqaan jawaabta, waxaase jirta in warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in Gudoomiyaha Maxkamada Sare, Mudane Aadan Xaaji Cali, oo maqnaa uu dalka kuu soo noqday arinkana ku soo dabaalay waddada sharciga ah. Waxaa kale oo isna culayskiisa lahaa qaylo-dhaantii Ururka Garyaqaanada (SOLLA) oo xadhiga Xildhibaanadda ku sheegay “..Dastuurkii oo la laabay..”

2) Isku-duubnidda iyo hal-adeyga Xildhibaanadda oo la loodin waayay. Dhowr goor baa la isku dayay in laga saxeexo in ay ka tanaasulaan mooshinkoodii iyo iney balan-qaadaan in saxaafada aanay dib ula hadlin. Taas oo ay ganafka ku dhufteen kuna adkaysteen in aanay ka tanaasulayn wixii sharcigu, ka xildhibaano ahaan, u baneeyay. Loo taag waa!.

3) Dedaaladdii Gudaha ee Muxaafidka iyo kuwii kuwaa dhaliyey ee dibedda ee Mucaaridka, Ururadda Xuquuqal iinsaanka iyo odayaasha dhaqanka.

4) Dadwaynaha Gobolka oo bilaabay dhaqdhaqaaqyo iyo guux in laga hortagaa wacnayd oo ka dhan ahaa xadhiga xildhibaanaddii codkooda ku soo baxay oo sifo sharci-darro ah lagu haystay.

Allaa Mahad leh,
Hamse Khaire