XOG XASAASI AH :- Fadeexaddii Dekedda, Filan Waagii Weftigii Madaxweyne Muuse iyo Firka Naxii Maareeyaha (WQ:Maxamed Xasan Cabdi).

Madaxweynaha Somaliland Ayaa Cadho Weyn Ka Muujiyay Dhacdo Lama Filaan Ah Oo Kala Kulantay Wakhti Uu Kormeer Ku Marayay Isaga Iyo Weftigii Uu Hogaaminayay 19kii Bishan Qaybaha Kala Duwan Ee Dekadda Magaalada Berbera. Mweynaha jsland ayaa markii uu booqday dekeda bebera ee Uu Taaga Fuulay Markab Weyn Oo Dekeda Kuxidhan Ayaa Calankii Soomaaliya Shanta Geeslahaa Halka U Sareysa Ku Xidhay Hoon Is Dabajoogana Yeedhiyey.

Hadaba Falka Uu Ku Kacay Markabkaasi Waxa Sida Dadkii Goobjooga Ahaa Sheegeen Ay Noqotay Mid Si Degdeg Ah U Bedeshay Jawigii Madaxweynaha Kuna Abuurtay Cadho Aad U Xoog Badan,Waxaanu Madaxweyne Muuse Biixi Isla Markiiba U Jihaystay Dhinacii markabka, Kolkii Kabtankii Markabka Lasoo Dejiyey Ee Mweynaha Hortiisa Lagu Su’aalay Waxa Ku Kelifay Calankan Somalia Wuxuu Ku Jawaabay Waxaan Mooday In Mweyne Farmaajo Dekeda Berbera Soo Galay ,Waxa Uu Sheegay Inay Ujeedadu Ahayd Inay Doorkooga Kala Qaataan Madaxda Iyo Shaqaalaha Dekedda Soo Dhoweynta Madaxweynahooda Umadda Soomaliyeed,Qadarintaasi Awgeedna U Sudheen Calanka TOWER-Ka Sare Ee Markabka,Hoonka La Tumayna Uu Qayb Ka Ahaa, Damaashaadkaasi Iyo Farxada Aanu Dadka Soomalida la Wadaagaynay,buu yidhi Kaptanku. Suโ€™aal Kale Ayaa Laga Weydiiyay Kaptankii Markabka Waxa Uu U Yaqaanno Dekedan Iyo Goobta Uu Haatan Joogo? Waxaanu Si Fudud Ugu Jawaabay Waxaan U Aqaanaa Somalia,Miyaanay Sidaasi Ahayn? Ma Jirto Cid Macluumaad Gaar Ah Noo Sheegtay Oo Aan Ahayn Inaanu Dekeda Berbera Badeecadaha U Qaadno, Mana Jirto Sidoo Kale Tafaasiil Ka Duwan Taas Oo Ay Na Siiyeen Saraakiisha Dekedu.

Intaasi Kadib Madaxweyne Biixi Oo Cadho Is Madax Maray Waxa Uu U Jeestay Dhinicii Maareeyaha Dekedda,Waxaanu Isagoo Xanaaq Dareenkiisu Bedelan Yahay Ku Yidhi Waa Maxay Sababta Ay Ku Dhacday In Markaakiibtii Dalka Imanaysay Yihiin Kuwo Aan Wax Fikrad Ah Ka Haysan Dalkii,Dawladdii Iyo Dadkii Ay Bucshuradaha U Sideen Ee Ay Martida U Yihiin. Waa Maxay Sababta Idinkoo Ah Dadkii Masuuliyadda U Hayay Qaranka, Albaabkii Waddanka Laga Soo Gelayay Ee Dekedda Jooga,In Maanta Xaaladdan Foosha Xun Ee Dhaawaca Ku Ah Qaranka Ay Ka Dhacdo Halkan? Biyaheena Sland Marku Soo Galo Markabku Maxaa Ugu Sheegi Weydeen in Berberi Sland Tahay .? Dhammaan Suโ€™aalahaasi Waxay Af Kala Qaad Ku Noqdeen Maareeyihii Dekedda, Waxaanu Isagoo U Jawaabaya Madaxweynaha,Si Aan Ka Fiirsi Lahayn Uga Celiyay,Inay U Sheegaan Maraakiibta Imanaysa Dekedda Dhammaantoodna Og Yihiin,Balse Kaptanka Markabkani Uu Shaqada Ku Cusub Yahay,Kaptankii Hore Ee Xidhiidhka Lasoo Samayn Jiray Dekedana Ninkan Cusub Lagu Bedelay. Sorry Mweyne Ayaa Ka Dhacday Siciid Dheere Iyo Kii Ku Xigay Very Shame. Waa Guul Daradii U Wayneyd Ee Dekeda Berbera Iyo Mweyne Sland Soo Booqda Ku Dhacda Hase Ahaatee Jawaabta Maareeyuhu Maysan Noqon Mid U Cuntami Karta Madaxaweynaha Iyo Madaxdii Kale Ee Wehelisay,Waxaana Muuqatay Inaanu Maaareeyuhu Ahayn Masuul U Bisil Baaxadda Hawsha Uu U Hayo Qaranka Isla Markaana La Socon kara Siyaasadda Dalka.