Xoolaha Soomaaliyeed iyo suuqa Sucuudiga: dhib mise dheef? (WQ: Dr-Abdulqani Hussein Beder)

Xoolaha Soomaaliyeed iyo suuqa Sucuudiga- dhib mise dheef?

Inkasta oo Aadanuhu uu yahay noole isku tiirsan oo aan kelikeli u joogi karin, haddana maanta nolosha casriga ahi isku bixin mayso qof qof ee waa mid hab wadareed iskaashanaya oo is dhammaystiraya u qaabaysan.

Suuraggalna ma aha in ay dadku si wadar ah u wada shaqeeyaan iyaga oo aan lahayn hage sharci ah iyo hoggaan fuliye ah.

Sharciyada iyo hoggaankaba wakhtigan waxa metela dawladaha oo ah habsiyaasadeed lagu heshiiyey oo nolosha shucuubta lagu maareeyo.

Haddii markaas ay bulshadu ku fashilanto in ay soo saarto hoggaan ku habboon hadba wakhtiga la joogo, isla markaana awoodi waydo in ay yeelato sharciyo dawladeed oo adag oo hufan, isla markaana danwadaagtooda kala ilaaliya, suuraggal ma aha in ay ummaddaasi xaqiijiso danaha bulsho ee aan la xaqiijin karin dawlad la’aan.

Duruufahan maanta taagan ee uu keenay cudurkan Covid-19, waxa keliya ee lagaga gudbi karaa waa wadajir hoggaan fiican leh.

Duruufaha uu keenay xanuunka Covid 19 waxa ugu weyn saameyntiisa taban ee dhaqaale, oo la filayo in ay boqollaal jeer ka weynaato kana riiq dheeraato dhibaatadiisa caafimaad oo la filayo in bilo gudahood lagaga gudbo.

Adduunyadu maanta wax yaalaha ugu daran ee ay maanka ku haysaa waa nabadgelyada cuntada (food security), sidaa awgeed ayey waddamo badan oo dhoofin jiray cuntada ay joojiyeen dhoofintii, halka kuwo kalena ay awoodi waayeen wax soo saarkoodii, taa waxa dheer in ay waddamo badani awoodi waayaan in ay waxsoosaarkooda dhoofiyaan, taa natiijadeedana ay dadkii loo dhoofin lahaa ku dhacdo cunto la’aani.

Innagu Soomaali ahaan waxa ugu weyn ee aynnu haysannaa waa xoolaha nool, suuqa ugu weyn ee aynnu u dhoofin jirrayna waxa uu ahaa khaliijka, gaar ahaan Sucuudiga.

Suuqaasi in muddo ah wuu innaga xidhnaa, shalay ayay Sucuudigu sheegeen in ay fasaxayaan xoolaha Soomaalida, arrintani kuma ay imannin heshiis siyaasadeed oo lagaga gudbay sababihii xoolaha loo joojiyey, waxase keenay suuqyadii kale ee Sucuudigu hilibka ka heli jiray oo ka xidhmay.

Weligeedba in xoolaheenna suuq debedeed loo helaa fursad bay ahayd, laakiin maanta adduunku kii hore ma aha, xaaladuhuna kuwii hore ma aha, sidaa awgeed arrintani fursad ma noqon karto haddii aan lagu eegin indho ka duwan kuwii hore isla markaana lagu fulinnin siyaasad ka duwan tii hore.

Waxa aan ka baqayaa in xoolaheenna lagu qaato qiime aad u hooseeya oo aan baahidooda u dhigmin, isla markaana aynnu ku dhacno macaluul ah in aynnu xoolaheennana xaraashno lacagta aynu ka hellana aynnu weynu wax aynnu ku iibsannaba amaba waxba inoo goyn waydo haddiiba si suququl ah loo helo meelo cunto laga iibsado.

Waxa aan kula talinayaa ganacsatada xoolaha iyo maamullada Soomaalida in ay si wadajir ah uga wada tashadaan xoolaha la dhoofinayo tiro ahaan iyo qiimaha lagu iibinayaba, waxaana ka sii fiican in cidda laga iibinayo lala galo heshiisyo wax is dhaafsi oo waxa ay hayaan ee baahideenna ah iyagana lagala heshiiyo in ay innaga iibiyaan oo qiima macquula ah innaga siiyaan.

 

Talooyinka haddii la garanwaayo goor aanay garaabiddu waxba tarayn baa laga garaabi.

 

Dr-Abdulqani Hussein Beder