Xor baad Tahay ee Kala Dooro Waxtar iyo Waxyeello (WQ: Xuseen Cali Nuur)

Rag iyo Haween, Cirroole iyo Carruur, Reer Miyi iyo Reer Magaal, indheer iyo indhow garato, maalqabeen, Sabool iyo inta u dhexaysa, qof kastow ogow oo maskaxda ku hay in maalin iyo habeen uu ku weheliyo, darisna kula yahay marti joogto ah oo wanaag iyo waxyeello kuu lahaan karta, kala doorashadeeduna qof kasta kaligii ku xidhan tahay.

Martidan joogtada ahi waa mid awood xad-dhaaf ah leh, la xakamayn karayn waxtarka iyo waxyeeladeeduna ku xidhan yihiin hadba habka lagula dhaqmo.  Martidu waxay qofka gacan ku siinayaan siduu if iyo aakhiraba uga faa’iidaysan lahaa ama way karkaar weydaarinayaan labada daaroodba.

Martidani  maaha mid ku khasbaysa qofka xulashada falalka uu ku kacayo iyo sida uu u adeegsanayo. Falalkaas oo noqon kara kuwo wanaagsan oo qofka dhisaya ama kuwo noloshiisa ka dhigaya kuwo aan micno lahayn.

Awoodda martida kula nool waxay gaadhsiisan tahay heer qof aan dambi lahayn dambiille ka dhigto; qof dambiile ahna u ekaysiiso mid aan dambi gaysan.

Muran kama taagna martidan kugu lammaan, hase ahaatee faa’iidada iyo khasaaraha ay leedahay waxay ku xidhan tahay hadba qofka ama bulshadu siday u adeegsato.

Martidan aan gu’ iyo jiilaal qofka aan ka maqnayn ee uu uu weheshadaa waa “BARAHA BULSHADA) oo saameyn weyn ku leh diinta iyo  dhaqanka, Siyaasadda, Aqoonta, Waxbarashada iyo Caafimaadka.

Waxa la yidhaahdaa waa seef laba afle ah. Waxa noogu filan xumo iyo wanaag waxay baraha bulshadu leeyihiin laba dhacdo oo Maraykanka iyo Jamhuuriyadda Somaliland ka dhacay.

Dalka Maraykanka Madaxweynihii hore Donald Trump adeegsigiisa baraha bulshada waxa ka dhashay kala qaybsanaan dalkaas ka dhalatay iyo  Doorashada Dimuqraadiyadeed oo ah hal qof iyo hal cod oo haatan qarka u saaran inay burburto.

Dalka Jamhuuriyadda Somaliland doorashadii isku sidkanayd qaabka baraha bulshada ay Xukuumad, mucaarid iyo shacbiba u adeegsadeen, waxay caddaysay midnimada shacbiga, dal jacaylkooda iyo in aanay dalka ka jirin cadaadis iyo kala sooc.

Baraha bulshadu (Social Media) wuxuu kobciyaa garaadka qofka, wuxuu dhisaa, fahamka iyo ku dhaqanka diinta, ogaanshaha Xaaladda dalka, xoriyatul-qowlka, qoraalka  iyo  waajibaadka  iyo xaquuqda muwaadinka.

Baraha bulshadu waa mawjad ama daad wax hakiya aan lahayn. Waxa loo baahan yahay ka fiirsashada sida loogu dhaqmaayo, si looga badbaado halaagga iyo hagardaamada qofka, bulshada, shacbiga iyo qarankaba ay gaadhsiin karaan.

Maaha arrin qarsoon in danaysteyaal ay u adeegsadaan fulinta danahooda gaar ahaaneed, iyadoo hadafkoodu yahay abuuris khilaaf iyo iska hor imaad bulsho. Waxay adeegsadaan badanaa, dad la kireysteyaal ah ama warmoog ah iyo qaar ay isku hadaf  ka  yihiin fidinta warar malo-awaal ah ama beenta ah.

Waxa la yidhaahdaa oo lagu tilmaamaa baraha bulshada “Jinkii ka soo bax quraaradii uu ku jiray, lagumana celin karo. Waxtar iyo waxyeellana wuu leeyahay”

Waxa ay ila tahay maadaama aanu lahayn sharci xakameeya, sida warbaahinta caamka ah, waxyaabaha ku xad-gudubka dhaqanka iyo iska hor imaad iyo colaad dhalin kara, miyaanay suurtogal ahayn in sharciga caadiga ah lagula dhaqmo, si bulshada loo badbaadiyo.   Waxaan leeyahay qaran aan lahayn sharci ma noqon karo qaran jira.

Xuseen Cali Nuur, Hargeysa, Somaliland

Waxa baahiyey Maxamed Cumar Cabdi

maxamedciro@gmail.com