Iyaddoo ay guud ahaan Somaliland kaga jirto kaalin bogaadin mudan wadamadda Xorriyad Siyaasadeed iyo mid maddani ah wax ka haysta (Partially Free) sida mac-hadka FREEDOM HOUSE ku xusay warbixinihiisa Xorriyadda ee sanadlaha ah, ayaa haddana waxaa xusid mudan in saddex sano ee u dambaysay hoos u dhac ku dhacay xorriyadaha as. Sidan baanay dhibcuhu ahaayeen:
2018 44 dhibcood
2019 43 dhibcood
2020 41 dhibcood
hoos u dhacan xorriyadaha hadalka, ra’yi dhiibashada, doorashada, sarraynta sharciga, tartanka xor iyo xalaalasha ah iwm ayaa walaaceeda leh.
Tobankii sanno ee u dhaxeeyay 2007 ilaa 2017 oo sanad walba la cabirayey heerka Xorriyadahan uu sugay distoorka JSL ayaa waxaa somaliland aanay horusocod/ kor u kac wayn ka samayn kaalinta ay ku jirto halkaas oo ay ku negaatay waddamada la yidhi waa “Badh Xor/Partially free”.
Sanadka Xor. Siyaasadda, Maddaniga
2007 5,4 (UDUB)
2008 5,4(UDUB)
2009 5,5(UDUB)
2010 4, 5 (UDUB/KULMIYE)
2011 4, 5 (Kulmiye)
2012 4, 5 (Kumiye)
2013 4, 5 Kulmiye)
2014 4,5 (Kulmiye)
2015 5,5 (Kulmiye)
2016 5,5 (Kulmiye)
2017 4,5 (Kulmiye)
FG: Derejada u saraysa ee la rabaa waa 1, ta u hoosaysaana waa 7. Derejo 1 ah macnaheedu waa Xorriyad taam ah, halka 7 ka tahay Cabudhin joogta ah. Markaa 4-ta ka sarraysa, derejada 5-ta. Sida shaxda 10-ka sanno ka muuqata mar keliya Xisbiga Kulmiye intuu joogay Somaliland 4 dhibcood ma keeninin Xorriyadda Maddaniga oo ay soo hoos galayso xadhiga saxafiyiinta iyo Siyaasiyiintu
Muddadan ayaa dalka waxaa soo maray laba xukuumadood oo Oo UDUB iyo Kulmiye kala ahaa kuwaas oo sanadkii 2010-kii la kala wareegay taladda dalka. Haddaba markaad eegto xukuumadii #Udub ayaa kaga wacnayd tan Kulmiye (2010 ilaa hadda) celcelis ahaan dhanka Xorriyaddaha Siyaasadda sida madax-banaanida saxaafada, xorriyada is-abaabulka iyo ra’yi dhiibashada.
Sanadihii 2009, 2015 iyo 2016 ayaa hoos u dhac ( 5,5) wayni soo gaadhay Xorriyadahan Siyaasadeed iyo maddani ee Somaliland. Saddexdaas goor laba ka mid ah talada gacanta Kulmiye ayay ku jirtay halka sanadka saddexaad oo ah 2009-kii ay olole ba’an ugu jireen Kursiga.
Qabashaddii doorashadii Madaxwaynaha ee 2017 ayaa loo diiwaangaliyay Somaliland korkac dhanka xorriyada siyaasada taas oo luntay imika dibna loogu noqday hoos u dhicii xorriyadaha. Waxaa ugu wayn oo dib u dhaca imika loo aanaynayaa muddo-dhaafka muddo xileedka Goleyaasha Wakiilada iyo Guurtida, Muddo-kordhinta joogtada ah, Xadhiga iyo cabudhinta saxafiyiinta, siyaasiyiinta iyo qorayaasha, madax-banaani la’aanta Garsoorka, iyo faro-galinta suuqa dhaqaale ee xorta ah.
Waxaa si cad u muuqata in Kulmiye hagaasiyay Xoriyadaha Siyaasadda iyo Maddaniga ah taas oo distoorka JSL damaanad qaaday. Waxaa xusid mudan in Xisbiga Kulmiye ku abtirdaddo ururkii Waddaniga Soomaaliyeed (SNM) ee halganka hubaysan ku riday rijiimkii keli-taliskaa ahaa ee Siyaad Barre. SNM ayaa sheegta iney u dagaalantay isla Xorriyadahan ay fulinteedda hagaasisay. Dhanka kale UDUB ayaa waxaa hogaaminayey saraakiil iyo madax ka tirsam rijiimkii Siyaad Barre oo aan ka qayb ahayn SNM.
Waxaa la is waydiin karaa SNM/KULMIYE ma waxay u soo dagaalantay wixii ay ka dagaalantay: Cabudhinta hadalka/saxaafadda, qoraalka, hal-abuurka, farogalinta suuqa xorta, sarraynta qofka/hoosaynta sharciga, se-budsiga awoodda, xaglinta beelaha la haybsooca iyo kuwa laga tirada badan yahay iwm?
Allaa Mahad leh,
Xamse C. Khayre