Xukunkii Coldoon: Aaskii Caddaaladda iyo Garsoorka Somaliland (WQ: Siciid Gahayr)

15kii Juun 2019ka ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo furaya imtixaannada qaranka la weydiiyay suaal ku saabsanayd in uu soo badanayo xadhigga siyaasiga ahi, waxaanu yidhi “Xadhig siyaasi ah maaha, xadhiggii dembiilaha ayaa badanaya. Dembiilahana waa la xidhayaa.  Ninkii dembi gala ha odhan waa siyaasi. Siyaasiga ayaa dembi geli kara, dhakhtarka ayaa dembi geli kara, adiga oo suxufi ah ayaa dembi geli kara, ganacsadaha ayaa dembi geli kara. Qofkii dembi gala waa la qabanayaa si dalku hore ugu socdo”.

Waxa xidhnaa laba siyaasi oo kala ah Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada Waddani Md Maxamed Siddiiq Cabdillaahi iyo Suxufi Cabdimaalig Muuse Coldoon. Dhammaantood waxa ay ahaayeen eedaysanayaal, mana jirin dembi ay maxkamadi ku caddaysay oo lagu xukumay.  Ma jirin dhakaatiir iyo ganacsato xidhan, oo iyagana madaxweynuhu sheegay in la xidhi karo.

Dhakool waxa lagu sii daayay baryo iyo raalligelin ay tolkii bixiyeen. Dhamme 27kii Juun 2019ka aya lagu xukumay 6 bilood oo aflegaaddo madaxweyne ah, welina wuxuu u xidhan yahay ambiil laga qaatay.

Xalay waxa saxaafadda ka hadlay waalidiinta ABAARSO TECH oo codsaday in loo dhaadhiciyo Cabdimaalig Muuse Coldoon, horena madaxweynaha ayaa dembiile ugu sheegay. Saaka ayaa lagu xukumay 3.6 sanno oo xadhig ah. Waxa aanu ka soo dareernay aaskii caddaaladda iyo garsoorka Somaliland. Waa garsoorkaas suuqa laga sheegayo goaankooda.

 

Free Golaha Garsoorka Somaliland.