Sideedaba dawladnnimadu waa mabaadii aasaasi ah oo aan la liiliijin karin. Taariikhda Soomaalilaan intaan ka war hayo waxa sal u ahaa magacaabidda xubno ka soo jeeda Buuhoodle, Sool, iyo Sanaag Bari, laakiin waligeed iyo waaqeed xalku wuxuu ku jiro laysma weydiin. Xukuumaddii ugu filka roonayd waxay ahayd xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin oo ergo Guurti ah u dirtay Gobolka Sool, 90- maalmoodย kaddib waxay soo noqdeen iyaga oo aan hal Garaad oo 13-ka isim ee Dhulbahante ahi u iman lana kulmin.
Taariikhda Soomaalilaan intaan ogahay 13-ka Garaad ee Dhulbahante waxa inoo yimi Garaad Cabdiqani oo aakhirkii ina Cigaal ku yidhi ” Meesha aad isaaq xuduudda kala leedahay soo sheego aan kuu jaree” kaddibna u biyeystay dhismaha Maamulka Butilaan. Laakiin waxa yaableh la isma weydiiyo maxaa khaldan? Haddiiba la isweydiiyey laguma xijin sidaynu u saxnaa wixii khaldamay.
Kala fikir duwanaannta Isaaqa iyo Harti gaar ahaan Dhulbahante iyo Habarjeclo amaba Habaryoonis iyo Dhulbahante waxay soo taxnayd illaa xilligii Daraawiishta. Dadka Dhulbahante waxay aaminsanyihiin in IIDOORKU uu gaalo u soo raacay dhib fara badanna u geystay xilligii Ingiriiska. Waana halka ay ka soo bilaabanto kala qaybsanaanta ugu weyn, marka laga reebo Geelii la kala dhici jiray oo aan cidina cid ku daba soconin.
Isaaquna wuxuu aaminsanyahay in Harti gaar ahaan Dhulbahante uu u soo raacay Xukuumaddii Millatariga ahayd oo Dhulbahante kabaha ka subkaday IIDOORKA isagoo Kacaanyahan ah. Halka doodda iyo diidmadu ka jiraa waa halkaas. Intaas markii la waayey Hoggaamiye ruuxi ah oo quluubta dadka la hadli kara waxa dadkii la hadlay Hoggaamiye qabiii ah oo maamul isir ah u samaystay.
Haddaba furasaddii ugu weynayd ee ugu yaraan dabkan bakhtiin lahayd haday bakhtiin weydana shiiqin lahayd wax badan waxay ahayd Heshiiskii Khaatumo oo boqolka maalmood ee ugu horreeya Muuse ku darsado oo fuliyo. Laakiin Muuse ma fulin wuxuuse bilaabay silsisad cusub oo hor leh taas oo magaceedu yahay ” Awoowyaashiin baannu ka adkaan jirnay”
Maxamed Aadan Tarabbi