Xuquuqda Bini Aadamka Iyo Islaamka (WQ: Jaamac Axmed Jaamac)

Markaynu maqalo ereyga xuquuqul insaam (Human right )waxa markaba maskaxdeena ku soo dhaca inay tahay aragti reer galbeed oo diinteena Islamka ee suuban ka soo horjeeda ama aan si toosa u waa faqayn, hadaba anigoo ka duulayaa fikirkaa aynu ka haysano xuquuqul insaanka ama Human rights waxan isku deyayaa inaan idinla wadaago qoraal gaaban oo aan ku sharaxayo meesha uu kasoo jeedo aragtida u doodida xaqa iyo xuquuqda bini aadmka.

Intaynaan sii guda gelin waxa haboon inaynu is weydiino su aalo aad u muhiima ah oo ka jawaabidooda uu ku saabsanaan doono nuxurka qoraalkaygani. Waamaxay xuquuuqul insaan ama Human right? Yaa bixiya xuquuqda bini aadamka? Yuu ahaa qofkii u horeeyey eeย  si gaar ah iyo si caalami ahba ugu dood xuquuda aadmaha?

  1. Waamaxay xuquuuqul insaan (Human right)? Xuquuqda aadmahau waa xaq iyo karaamo uu qofkasta oo bini aadam ahi leeyahay waa xaq uu lasoo dhashay, waa waxa aynu kaga duwanahay malaa igta rabi ee keliya ku shaqysa amarkiisa, waa waxa bini aadamka karamada u yeelay sida illaahay quraankiisa ku sheegay in qofku uu uxor yahay inuu qaato wuxuu doono ama denbiย  ha noqoto ama sax ha noqoto labadaba illhay xoriyad buuxduu kuu siiyey laakiin doorashadu waa mid adiga kuu gaar ah xukunkuna waa mid illahy u gaar ah , xuquuda bini aadamku waa waxa qofka u ugolaanaya inuu yahay qof leh ra`ayi mabda`a karaamo ra`ayigiisaa iyo mabdi iisaana uu xor u yahay inuu soo bandhigo oo cabiro ama qoraal haku cabiro ama hadal haku cabiree rabi sw wuu dhiiri geliyey in beni aadamku fikiro inay doodaadaan inay su aalo is weydiiyaan si ay wadada saxda ah u helaan una yaqiinsadaan, sidoo kale ra ayigaasi wuxu noqon karaa mid illhay xagiisa denbi ka ah ama mid illhay agtiisa ajarka ah laakiin xukunka waa mid illahay gacantiisa kujira.

Cidina kuma cabudhin karto oo afka kuma qaban karto,, cidina adigoo xuquuqdii illhy ku siiyey ku guda jira kuma xidhi karto aduunka waxa loo abuuray bini aadamka karaamaysan waxa ugu weyn ee uu qofku beni aadam ku yahay eeku karaamaysan yahay waa xuquuqdaa illahay kuu siiyey inaad ku noolaato aduunkan si aad ugu shaqysato aakhiro Jano ama Cadaab

  1. Yaa bixiya xuquuqda bini aadamka? Marar badan sidaan kor kusoo xusay markaynu maqalo xuquuqul insaan ama Human right waxaynu moodnaa inay tahay wax reer galbeedku samysteen oo bixiyaan una doodaan, runtuse sidaa way ka duwan tahay xuquuda iyo karaamada insaanka waxa bixiya Rabi sw, waana mid dhamays tiran oo aan lahayn xuduud keliya waxad dooranay inaad wadada saxda ah xoriyadadaa ku doorato ama wadada khaldan labadabana rabi waa inoo cadeeyey laakiin doorashadeeda iyo ku dhaqankeedu waa mid illahy uu u daayey bini aadamka. Nebiyu allahi muxamed mar uu asxaabtiisa la hadlayey wuxu yidhi โ€œhadii bini aadamku denbaabi waayaan illahay ka xayn lahaa aduunka waxana ku soo bedeli lahaa kuwo danbaab oo toobad keena si uu uga aqbaloโ€,waana quruxda bini aadamka, halkaa waxa kaaga muuqta in illahya uu xoriyad iyo caqli kugu filan ku siiyey wadadii saxda ahydna kuusoo bandhigay doorashaduna ay adiga kuu taa xukunkuna uu yahay mid gacantisa kujira,
  2. Yuu ahaa qofkii u horeeyey ee si si gaar ah iyo si caalami ahba ugu dood xuquuda aadmaha? Hadaad moodeyso in xuquuqal insaanka qodobkiisii koowaad la qoray 1948 Geneva convention hadaad moodeyso in ay reer galbeedku yihiin cidii u horeysey ee u doodey xuquuqda bini aadamka iyo hadaad moodeysey in xuquuql insaanku shuqul gaalo yahay intaba waad seegtay, (Human Right activist number one) udoodihii koowaad ee xuquuda bini aadamku waa Xabiibkeenii Muxamed ibnu Cabdulah scw, kun iyo sadaxboqol oo sano ka hor Geneva convention iyo reer galbeedkaba fikirkooda , iyadoo xiligaa xaaladay ku sugnaayeen reer galbeedku iyo siday ula dhaqmi jireen bini aadamka ay taariikhda ku cadahay, nebiyu allahi Muxamamed wuxu u dooday xuquuda bini aadamka rag iyo dumar iyadoo wakhtigaa dumarka nolosha lagu aaso haba yaraatee wax xuquuq ahana aanay bulshada ku lahayn ayuu u dooday, wuxu u dooday xuquuqda dhaqaale ee masaakiinta wuxu u dooday xuquuda dakii la adoonsan jiray iyo dadkii la cabudhuin jirey,wuxu u doodayey inta badan noloshiisa waxan u igmaday hawshaa Rabi sw.

Hadaan halkaa kaga soo gudbo su aalaha kooban oo aan isku dayo inana sharaxaad ka bixiyo sababaha keentay in aynu khaakhayir iyo baqdin uga qaadno hadaynu nahay dadka muslim ah wixii kitaabkeena iyo rasuulkeenu weligoodba inoo sheegayeen, waxay ila tahay inay kooban tahay waa dadkii Islaamka oo aan cilmigii si balaadhan oo maskax furan u dersayn badankoodu, talabaad waa hadalda ama terminology ga ย loo isticmaalo oo ah mid reer galbeed, reer galbeedku kadib markii xadaaradii Islaamku laciiftay madaxdii xukumaysey awgeed intay cilmigii Islaamka mid saynis iyo mid bulshoba intay qaateen afkoodii ku turjumeen wax badan ka bedeleen kadin inoo keenay.

Waxan soo jeedinayaa in la ixtiraamo oo dawladu ixtiraamto xuquuda bini aadamka ee illahy siiyey, shacabkana waxa usoo jeedinayaa inaynu barano kitaabkena barakaysan iyo dastuurkeena oo waafaqsan sharciga Islamka kana baranoย  xaqeena iyo xuquuqdeena aynaanaย  cidna uga dul qaadan inay si dhib yar inooga qaadaan karaamad iyo xuquuqda illahay ina siiyey.

 

Wabilaahi Tawfiiq

 

Jaamac Axmed Jaamac

Dhaqaaleyahan-Hargeysa Somaliland

Jdafac12@gmail.com

 

Xigasho Xadiis ย [Sahฤซh Muslimย (2687)]

ย 

ย