Inkasta oo xuska loo sameeyo dhalashada suubbaneheennii NNKHA, muddo dheer soo jiray, haba kala itaal roonaadee, haddana qofka dhawrkii sannadood ee u danbeeyay dalka joogay,waxa uu dareemayaa in qaabka loo xusaa hadda sii ballaadhay intii horena ka laxaad weynyahay.
Waayadii hore dabbaaldegyadu waxay ku ekaayeen masaajiddada iyo goobo cayiman oo maalintaa xoolo lagu qalo, hilibkana qaydhiinka lagu qaybiyo,balse hadda waxa xusku ka dhacaa Huteellada waaweyn iyo suuqyada.
Waayadii hore xafladuhu waxay gaar u ahaayeen ragga oo qayb laxaad leh ka qaadan jiray, laakiin hadda waxaad arkaysaa in xataa dumarkii ay ka qayb galayaan
Suโaasha isweydiinta lihi haddaba waxa weeyaan? Maxaa keenay is baddalka intaa leeg? Ma dadka ayaa diinta aad u bartay? Mise markii hore ayaan la fahansanayn in dhalashada Nabiga la xuso?
Waayadii hore waxa habeen kasta ooย Jimceย soo galayo lagu qaban jiray lagana akhriyi jiray kitaabka mawliidka iyada oo si qiiraysan looakhriyayo. (waxa caado soo dhawaatay ahayd in qofku marka uu soddonka quraanka dhammeeyo uu ku xigsiiyo kitaabka Mawliidka). Marka uu soo galo xuska mawlata Nabiguna waxaba la qaban jiray xaflado intii hore ka waaweyn. Haddaba muddo ku siman intii ka danbaysay 2000 waxa marba marka ka danbaysa soo yaraanayay xuska noocaas ah ee jimcaha la sameeyo, illaa markii danbe uu ku soo ururay Masaajiddo tiro yar oo laga xusi karo, tusaale ahaan Hargeysa, Masjid Jaamaca weyn. Hoos u dhacaa waxa qayb weyn ku lahaa dadaal xooggannaย u galay niman diinta bartay oo dhallinyar u badnaa. Sababta uu dadaalkaasi u midho dhalayna waxa lagu sheegi karaa iyaga oo abbaaray jiilkii soo kacayay ee inta badanna higilka u ahaa Jimcayaasha iyo mawliidkaba.
Haddaba inkasta oo aan dib loo arag kitaabkii jimcaha la akhriyi jiray, sababta uu waayadan danbe u soo xoogaystay xuska mawliidka Nabigu waxa lagu tilmaami karaa in wadaaddan xuska sameeyaa ay dadaalkoodii ka leexiyeen masaajiddada, oo ay u arkeen in lagaga awood batay, una leexiyeen dhinaca bulshadii kale ee masaajidka dibadda ka ahayd, una badnayd dad aan diinta wax badan ka aqoon.ย Dadaalkaas oo runtii u midho dhalay ayaa odhaahda kaliya ee ay dadkaa ku hanteen ay tahay โ Salliga Nabigaa la diidayaaโ. ย Waayo dadka aan diinta aqoon badan u lahayni waxa ay fahmi karaan ayaa ah inta ay garanayaan ama si fudud uga dhaadhacaysa.
ย ย Tani waxay caddaynaysaa in
- Dadaalka iyo juhdiga diintu aanu ahayn masaajidka gudihiisa, balse dadka inta dibadda joogtaa ka badantahay.
- Dadku marka aanay diintooda si fiican aqoon ugu lahayn, wax walba si fudud loo qaadsiin karo iyada oo si kale loogu dhigayo
Qodobka koowaad waxa kuu caddaynaya wadaaddadii ka soo hor jeeday xuska mawliidku wali waa ka hadlaan masajiddii, iyada oo sannadba sannadka ka danbeeyana ay sii kordhayaan dadka u soo baxaa, kaaga sii darane dhawrkii sannadood ee u danbeeyayna ay aad ugu soo bateen dumarkii iyo wax ma garatadii.
Sababta kale ee keentay in xuska mowliidku sii xoogaysto ayaa lagu tilmaami karaa in qolyaha masaajiddada ka hadli jiray ee nuxurka hadalkoodu ahaa in xuska mowliidku aanu bannaanayn ay hadalkooda ka dhigi jireen dhalleecayn iyo ku ceebayn aqoon darro/Jaahilnimo haysata dadka xuska samaynaya, taasoo sii fogaysay kuwii hawsha ku jiray kuna riixday inay urursadaan wax ma garatada.
Guntii iyo gabagabadii, loollanka labada dhinac ayaa u muuqda mid sii socon doona muddo dheer, balse waxa muhiim ah in labada kooxoodba ogaadaan in
- afartii sheikh ee kala lahaa Mad-habaha afarta ah ay ku kala aragti duwanayeen qodobbo badan oo diinta ka mid ah,laakiin midkoodna aanu waligii odhan kayguunbaa sax ah ee ha la qaato.
- khilaafaadka dhinaca diintu khatar weyn ku yihiin amniga iyo wada noolaanshaha ummadda, sidaa daraaddeed ay joojiyaan hadallada daan-daansiga ah ee qolo waliba ku durayso qolada kale. Illayn nin walba Ilaahaybaa xisaabinayee.
Ilaahayaw sida xaqa ah na waafaji
C/raxmaan C/laahi Warsame
Hargeysa.
Degree In Journalism and Mass Communication