Xuska Siyaaraddii Sheekh Cali Xaaji Ibraahim Oo Lagu Qabtay Magaalada Hargeysa W/Q:(Cabdixakiim Ismaaciil Xuseen)

Xuska Siyaaradda Sheekh Cali Xaaji Ibraahim Xirsi oo sannad kasta si joogto ah 2-da bisha Shabcaan loo xuso ayaa lagu qabtay xarunta Xadratul Awliyaa ee magaalada Hargeysa. Xuska Siyaaraddan Sheekha ee lagu qabtay magaalada Hargeysa oo ku beegnayd Afartan Guuradii wakhtigii uu geeriyooday Sheekh Cali Xaaji Ibraahim, ayaa waxa ay ahayd mid si weyn loo soo agaasimay, taasi oo lagu xusaayey looguna ducaynaayey Sheekha.

Haddaba, si aynu wax uga iftiimino sooyaalkii taariikheed iyo shaqsiyadii Sheekh Cali Xaaji Ibraahim, waxaynu si kooban uga warramidoonaa sooyaalkii taaraakheed ee Sheekha.

Kumuu ahaa Sheekh Cali Xaaji Ibraahim Xirsi?

Sheekh Cali Xaaji Ibraahim Xirsi, xilli lagu qiyaasay sannadkii 1905kii ayaa waxa uu ku dhashay deegaanka Baliga Guuleed Xaaji oo hadda loo yaqaano Hara-Sheekh, oo ka mid ah degmada Oodweyne. Sheekha hooyadii waxa la odhan jiray Khadiija Axmed, aabbihiina waxa uu ahaa Xaaji Ibraahim Xirsi Guuleed oo ka mid ahaa ganacsatadii waa-weynayd ee magaalada Berbera.

Sheekh Cali Xaaji Ibraahim ilaa siddeed jirkiisii waxa uu ku noolaa deegaankaas uu ku dhashay, waxaanu halkaasi ka bilaabay waxbarashada diiniga ah, iyada oo deegaankaasi markii ugu horreysay lagaga daray malcaamad uu Sheekh reer Afgooye ah oo magaciisa la odhan jiray Macalin Xasan uu ardayda Quraanka ku bari jiray.

Sheekh Cali Xaaji Ibraahim markii ay daโ€™diisu gaadhay 8 jir ayaa waxa uu u soo wareegay magaalada Berbera oo sida aynu soo xusnay uu aabbihii ku haystay ganacsi. Kadib waxa halkaasi lagaga daray madarasad uu magaalada Berbera ku lahaa macalin Suudaani oo la odhan jiray SAYID KHAYRA-LAH, oo kana tirsanaa shaqaalihii qaybta waxbarashada ee maamulkii Maxmiyadii Ingiriiska ee magaalada Berbera. Sheekh Cali Xaaji Ibraahim, muddadii uu wax-ku baranaayey dugsigii magaalada Berbera ee Sayid Khayra- lah, waxa uu halkaasi ku bartay culuumta Xadiiska, Tafsiirka iyo fanniyada kala gedisan ee luuqada Carabiga.

Sheekh Cali Xaaji Ibraahim, markii uu in muddo ah wax-ku baranaayey dugsigii magaalada Berbera ee Sayid Khayra-lah, kadib waxa uu u wareegay dhinaca magaalada Bullaxaar oo wakhtigaasi aad u camirnayd, culimmo badan oo dhiga fanniyada kala geddisan ee cilmiga diiniga ahina ay ku sugnayd. Halkaasi ayuu muddo dhawr sannadood ah waxku-baranaayey.

Sannadkii 1959kii ayaa Sheekh Cali Xaaji Ibraahim waxa uu waxbarasho u tagay dalka Suudaan, waxaanu waxbarashadiisii heerka jaamacadeed uu ka galay jaamacada Al-Durmaan ee dalka Suudaan. Waxbarashadan jaamacada ayaa waxa Sheekha u dirtay maamulkii Maxmiyadii Ingiriiska ee xilligaasi dalka haystay. Waxaanu sheekhu waxbarashadaasi ku maqnaa muddo laba sannadood ah oo uu jaamacadaasi kaga jiray kuliyada Daraasaadka Islaaamiga ah oo uu ku soo qaatay shahaadada sarre ee โ€˜Diktoorahโ€™, ee maamulka iyo maareynta waxbarashada.

Sheekh Cali Xaaji Ibraahim, wuxuu ahaa bad-weyn cilmiya oo aan la soo koobi karin, waxaanu noolaa nolol cibro ugu filan qofkii milicsada. Qofka codkiisa maqlaa wuxuu odhan jiray waa Sheekh Caalim ah, ka talladiisa arkaa wuxuu odhan jiray waa hoggaamiye qawmi ah ama siyaasi xeel-dheer. Qofka kutubtiisa iyo qasaaโ€™idkiisa arkaa wuxuu odhan jiray waa qoraa Islaamiya. Ka nolol la qaybsada ee la fadhiista, ee arka karaamooyinka Ilaahay siiyay ee uu qarinaayo, wuxuu odhan jiray waa wali awliyada Ilaahay ee wa-weyn ka mida. Qofkii cilmi-baadhis rasmi ah ku sameeya noloshiisa ee arka sida ay uga buuxdo kifaax, dadaal iyo dheefta iyo dhaxalka uu ka tagay ee aan duugoobayn, wuxuu yaqiinsanayaa in uu ahaa halyey uu Ilaahay ummaddan ka soosaaray, oo ay adag tahay in la helo dhigiisii oo kale.

Sheekh Cali Xaaji Ibraahim, wuxuu kaalin gallay isaga oo aad u daโ€™yar, waxaanu koobsaday cilmiyo fara badan oo dhinacyo badan leh. Wuxuu ahaa Suufi Alle yaqaan ahaa oo tafsiirka Qurโ€™aan ku raasikhay, iyo muxadis hadalka Rasuulkacsw bartay oo ummaddana baray. Waxa uu noolaaday isaga oo sharaf leh oo tusaale fiican u ah sida ay tahay iyo macnaha dhabta ah ee ay leedahay suufinamada dhabta ahi. Wuxuu ku toosnaa dariiqa saxda ee daahirka Shareecada Islaamka, laabtiisuna saafi ayay ahayd.

Sheekh Cali Xaaji Ibraahim, baaric ayuu ku ahaa cilmiga diiniga ah, waxaanu aad uga warhayey in aannay dalka jirin dad aqoon xeel-dheer u leh diinta Islaamka, isla markaasina aannay jirin kutub ku filan dadweynaha Soomaaliyeed ee u haraadan barashada diintooda. Kadib, waxa uu alifay oo uu qoray kutub baahidooda daboolaysa, si sahlana ay u fahmi karaan. Waxaanu qoray in ka badan labaatan Kitaab oo kala geddisan, oo mid waliba fanni gaar ah yahay. Khaasatan fanniyada aannay hore wax uga maqal ama aannay u arag bulshada Soomaaliyeed. Sida; โ€˜Balaaqada, Al-Axkaama Sharciya iyo barashada Madaalicda.โ€™

Sheekh Cali Xaaji Ibraahim, waxa uu intii badnayd noloshiisa ku soo qaatay halganno kala duwan oo uu kaga shaqaynaayey danta caamka ah iyo horumarinta dadkiisa iyo dalkiisa, kuwaasi oo iskugu jiray halgankii xornimodoonka ee gumaystayaashii kala duwanaa ee dhulalka Soomaaliyeed haystay lagaga xorreynaayey, oo kaalintii ugu cuslayd uguna mugga weynayd uu Sheekh Cali Xaaji Ibraahim ka soo-qaatay, iyo halgankii hirgallinta aqoonta casriga ah oo aynu odhan karno waxa uu ka mid ahaa tiirarkii iyo laf-dhabartii halgankaas tacliinta, ee aan laโ€™aantood hawshaasi waxba ka hirgalleen.

Sheekh Cali Xaaji Ibraahim xilligii halganka gobanimodoonka iyo xorriyada waxa uu ka mid ahaa hormoodkii iyo aasaasayaashii jimciyadii khayriga ahayd ee SNS, oo isaga oo wadda halgankii tacliinta ayaa haddana waxa uu dhinaca kale ka wadday dabayshii iyo dhaqdhaqaaqii xornimodoonka. Dhinaca kalena waxa uu ka wadday faafintii diinta oo Masaajidada ayuu ka wadday kutubtii iyo duruustii diiniga ahayd. Waxaanu Sheekh Cali ahaa sheekh qaybaha bulshada qayb-walba halkooda ku gaadhay oo ku kaafiyey.

Dadaalladii Sheekh Cali Ibraahim ee halgankii gobanimodoonka ummadda Soomaaliyeed, kuma ay koobnayn dhankii Waqooyiga (Somaliland) oo kaliya, balse waxa uu sidoo kale door muhiima ku lahaa halgankii xornimodoonka Koonfurtii Soomaaliya ee uu gumaystaha Talyaanigu haystay. Waxaanu xidhiidh toosa la lahaa qaar kamida jimciyadihii iyo dhaqdhaqaaqyadii xornimodoonka ahaa ee Koonfurta Soomaaliya, oo aynu ka xusi karno xidhiidhkii uu Sheekh Cali Ibraahim lahaa jimciyadii khayriga ahayd ee ka jirtay magaalada Gaalkacayo ee Koonfurta Soomaaliya, oo hadda la hayo waraaqihii iyo xidhiidhadii ay iswaydaarsan jireen Sheekha.

Sheekh Cali Ibraahim, waxa uu aaminsanaa hubka ugu culus ee lagula dagaalammi karo gumaysigu in uu yahay tacliinta iyo aqoonta casriga ah oo bulshada la gaadhsiiyo. Halgan iyo dagaal adag ayaanu u soo maray sidii uu bulshadiisa wax-u-barilahaa. Riyaddii iyo halgankii waxbarashada ee Sheekhu rabay in xorriyada dalka lagu gaadhaana waxa ay noqotay mid rumowday. Maxaayeelay ardaydii Sheekha ayaa waxa ay noqdeen dadkii ugu horreeyey ee waxbartay, isla markaana waddankeena madaxda ka noqday, iyo waliba raggii xornimaddii Ingiriiska aynu ka qaadanay kala wareegay ee saxeexay.

Sidoo kale, markii aynu xornimadda ka qaadanay gumaystayaashii dalka haystay, waxa uu Sheekh Cali Xaaji Ibraahim doorar waa-weyn oo kala duwan, xilal iyo masuuliyado culcus uu ka soo qabtay dawladdihii kala dambeeyey ee Soomaaliya, intii u dhaxaysay 1960kii ilaa 1984kii. Waxaanu sheekhu ka soo hawlgallay wasaaraddo iyo qaybo badan oo ka mid ah hayโ€™addihii dawliga ahaa ee xukumaddihii kala dameeyey ee Soomaaliya, oo ay ka mid ahaayeen; Madaxa manhajka barashada luuqada Carabiga iyo Diinta, Madaxa Masaajidada iyo aw-qaafta gobollada Waqooyi, Muftigii guud ee dawladda Soomaaliya, La- taliyaha arrimaha Shareecada Islaamka ee Maxkamaddii Sarre ee Soomaaliya.

Sheekh Cali Xaaji Ibraahim Xirsi, waxa uu Ilaaahay siiyey maskax aad u dihin iyo faham aad u sarreeya iyo awood caqli oo aad u balaadhan. Waxaanu ahaa hoggaamiye ruuxiya oo sida bulshada loo hoggaamiyo ee loo jiheeyo, loona wacyigaliyo ee maskaxdooda wax- looga dhaadhiciyo aad u yaqaana. Haddii uu u jeesan lahaa xagga siyaasadda waxa uu noqon lahaa Madaxweyne iyo hoggaamiye aan dhicin oo aan waligii ciddina la tartami-karteen. Balse Sheekhu waxa uu ka doorbiday in isagu hoggaamiyeyaashii ummadda hoggaamin lahaa uu soosaaro. Hadafkiisaasi oo uu ku guulaystay, waxaanu soosaaray hoggaamiye-yaal aad u tiro badan oo ay bulshadu mahadisay .

 

Bandhige@gmail.com