Xusuusta Mujaahid Ina Waraabe (WQ: Sh. Maxamed Cabdi Daa’uud)

Waa Axmed Maxamed Aadan Xirsi. Oo aanu ugu yeedhi jirnay Ina Waraabe. Axmed waxa uu ka tirsanaa seddexdii Mujaahid ee sida geesinimada leh u af-duubay Diyaaraddii Somali Air Line bishii November 1984kii. Ee ka dibna fadhiisiyay Adiis Ababa. Taas oo ay ku dalbadeen in xabsiga Mandheera laga sii daayo ardaydii ku xidhnayd. Axmed oo ka mid noqday Xaq u dirikii SNM ayaa markii la soo galay dalka 1988, Hargeysa kala baxay ciidan jid-gooyo ku sameeya waddada isku xidha Berbera iyo Hargeysa. Halkaas oo aakhirkii uu ku shahiiday.
Axmed oo malcaamaddii ilaa Jaamicaddii Lafoole aanu saaxiib dhaw ahayn, waxaan ku xasuustaa gabaygii loogu baroor diiqay Axmed awawgiisii labaad oo isna ahaa Xirsi. Waana gabaygii uu Cali Jaamac Haabiil ku lahaa:

Faaraxow galgaladkaan dhigiyo gama’ la’aantayda
Gogoshaan ku jiifsaday hurdada goodkii igu yaacay
Gasiinkii la ii dhigay waxaan gawska uga daayey
Dar guryii ka yimid baa war baas iila soo galaye
Geeridii Xirsay sheegayeen gacal ha waayeene
Goblamooyin waxay ii wadeen guuldarriyo hooge
Gabbal baa u dumey reerihii geliga Booc yiille
Abidkii rag waa goโ€™i jiree tanise waa gawโ€™e
Lix hal oo u wada gaar ahaa gocanayaa mooyi

Mid weeye haddii lays galoo geel la kala qaado
Gurmad noqonayaa iyo annagu guuto bixinnaaba
Giiryaalihii fule markuu gelelef rooraayo
Rogaalkuu giraangirin ogaa gocanayaa mooyi

Geb hadday maritidu soo tidhaa goor uu nala joogo
Godka lagu janneeyow hadduu goosan la carraabo
Garab saar rag weeyee hadduu gogosha soo qaado
Gasiinkii la soo dhigay haddaad gal iyo daad mooddo
Bakhayl baa gammiima’e intuu gaadhka ka qoslaayo
Godolkuu ku haasaawin jirey gocanayaa mooyi

Gar adkaatay, xaajada gurracan, guurti kala maagtay
Haddii geedka laysugu yimaad golaha waayeelka
Waxay gola fardooddaba haddii la isku soo gaadho
Nin waliba hadduu gees damcoo giijo madixiisa
Wax la wada gorfeeyaba haddii la isu geyn waayo
Gaagaabsayaa iyo isagu gees u hadal yaaba
Guddoonkii la wada raaci jirey gocanayaa mooyi

Gugoo da’ay aroosyada haddii gowda laga saaro
Shir girmidha haddii loo kiciyo gob iyo reer aada
Gammaan naaxay heensaha haddii guudka laga saaro
waa gelin is daawada halkii garangar loo joogey
Gole igu bannaanaa wallee garab la’aaneede
Gunnaduu ka soo toocin jirey gocanayaa mooyi

Gardarrada sokeeyaha rag baa gees biciid u lehe
Gudcurkiyo caddadu waa walaal kalase guul roone
Gaadiid Ia dhaanshuu ahaa gibil ma diidaane
Guraduu na wada saari jirey gocanayaa mooyi

Alla wuxuu golxaalow ahaa gedefka reeraaye
Magaciisu waa gudubsanaa gaaliyo Islaane
Galbeed iyo Baraa laga yiqiin gololkii dheeraaye
Gaashaan biruu noo ahaa gocanayaa mooyi

Adduunyadatan laga guurayo ee gebegebada taagan
Ee laga galbaday meesha iyo geeridii Maxamed (scw)
Anuun baa gubtanyoonaya oo geesigii tebaye
Gartaa u noqday Eebbow ma jiro garangar waartaaye
Allahayow wax badan baan gefaye Adigu hay goynin
Oo geesta Nebigii i mari maanta lays gurayo (scw)