Xusuustayda Marxuum Naasir-Baqayo (WQ: Cabdirisaaq Rakuub)

Ilaahay ha janneeyee marxuum Naasir Ismaaciil Xayd oo caan ku ahaa Naasir-Baqayo waa dadkii aan ku garaadsaday aniga oo garanaya.

Suuqa ama xaafadda Gobannimo (Ex-Xusbiga) odayadeeda ayuu ahaa. Nin dadka isku uruuriya, ka warhaya, samahooda ku fooggan oo dadku ka nabadgalo ayuu ahaa. Salaan wanaaggiisii iyo waji furnaantiisii ayaan la hilmaami karin. Naasir inta uu dantiisa ku mashquulsan yahay waxa ka badnayd inta uu dadka u adeegayo, waana sababta dadku kol kasta ugu urursanaa.

Xusuustayda waxa aan ka bixin hal dhacdo, “Nin da’ dhexe ah oo gaadhi Vitz ah watay ayaa dhaadhaca waddada Xusbiga gaadhigii biriiggii u qabsoomi waayey, gaadhi waddada marayey iyo guriga ilma Cawil Curyaan ayuu isku maray. Ninkii gaadhiga watay inta uu soo degey ayuu gidaar ku tiirsaday. Kolkii loo tagay si loo la xaalo na si aan gabasho lahayn ayuu ku yidhi ‘Ima laabna oo gaadhigaa waxba iga ma dambeeyaan’ Kolkii la isla buuqay ayuu xusuustay Naasir in uu Xusbiga mehered ku haysto wuu u qaylo dhaan dirtay. Naasir kolkii uu yimid ayuu ilma Cawil u sheegay in uu isagu cid dhista u soo dirayo gaadhigiina meheradda igu kaalay ayuu ku yidhi. Ninkii isaga oo ilmo ku taagan tahay oo u ducaynaya ayuu meeshii ja tafay”

Naasir waxa uu ahaa caaqil xallinta iyo odayeynta hibo ku leh. Wuxuu ahaa nin aan habrashada aqoon oo dadka runta u kala sheega. Xusbiga arrin kasta oo xallin u baahan isagaa oday ka ahaa. Haddaad maqashay magaca haybadleh hubaal Naasir ayuu ahaa. Nin la weyneeyo oo haybad leh ayuu ahaa. Adduunyadu agtiisa qiimo kuma aanay lahayn, kuma aad ag gaajoonayn, qof la joogaa in uu agtiisa ku werwero uma uu oggalaan jirin hawshaa haysata hadday adduunyo tahay iyo hadday hawl kale tahayba wuu la furdaamin jiray.

Shalay ayuu xanuun ku soo booday ugu geeriyooday Hargaysa, maanta ayaa xabaalaha Baqiic lagu aasay, Ilaahay ha janneeyo oo qabrigiisa ha u nuuriyo, safkii Rasuulkana haka yeelo.