Yaa hagida mujtamac ka masuul ah? (WQ: Nuur Xaaji Xiiray)

Arroonimadii ayaan la kulmay dhalinyar illaa dhowr iyo toban ah, waan la yaabay waxaan is idhi waxan oo dhan ma masaajidka ayay subixii ku soo tukadeen, markaan woxooga yara dhaafay ayaan arkay gaadhi police oo laabka taagan, illayn dhalintani guryahoodii ayay ka soo baxsadeen si aan loogu qaban.

Salaadii duhur ayaan ka soo baxay waxaan la kulmay, nin waalid ah oo ilmihiisii oo secondary dhameeyay si uu madaxa meel ugu galin lahaa ka fikiraaya, wuxu igu yidhi kii ka waynaana jaamacada ayuu dhameeyo oo wuxu bartay Economy oo guriga ayuu iska fadhiyaa, kanse lacag aan jaamacada kaga bixiyo ma hayo.

Markaas ayaan suaashan is waydiiyay, yaa hagida mujtamac ka masuul ah?

Maraykanka dagaalkii aduunka ee labaad markuu galay ayaa hilibkii wadanka loo dhoofiyay ciidamad xulafada, waxaa yaraaday  hilibkii wadanka lagu isticmaalayay, waqtigaas dadka maraykanku may cuni jiray hilibka uur ku jirta sida beerka, kalyaha, maskaxda, caloosha iwm.  Madaxwaynaha ayaa shir u qabtay niman khubara ah, wuxu ka dalbaday sidii dadka looga dhaadhicin lahaa inay hilibkaa uur ku jirta cunaan, nimankii khubarada ahaa qorshe ayay dajiyeen dadkiina way ka dhaadhiciyeen waana imika cuntooyinka ugu wanaagsan.

Hadaba halkaa maxaad ka fahmaysaan dawlada ayaa ka masuul ah inay mujtamaca hagto wixii qalooc ah ka saarto, bal ka waram kuwii hagi lahaa hadii ay askar usoo diraan xidhxidhaan uun, oo inankii oo sidii hore ka edeb daran hadana laga soo daayo xabsigii.

Horta midbaan idiin sheegayaa sidaa inaad ahaataan waa laguugu talagalay, laakiin waxaan u qorayaa bal inay cid uun damiirleh ka faaiidaysato.

Baryihii wadanka la soo galay ayaan ka qayb galay kulan lagaga hadlaayay arimaha ummada, imika cidina iima yeedhato oo way iska kay illaaliyaan eh.

Nin aanu is naqaan ayaa maalin dhawayd igu yidhi, horta Nuur barigii aanu siyaasi hebel la kulanay miyaad nala socotay, waxaan ku idhi maya, wuxuu ii sheegay ninkaa siyaasiga ah hadal uu ku yidhi, laakiin hadalkaas maqaalkan ma khuseeyo, laakiin wuxu ku yidhi hadal aan la yaabay, oo caruurta lagula hadlo,

Ka soco oo kulankii aynu ku noqono eh, nin oday ah  ayaa kulankaa ka yidhi isaga oo dadkii la hadlaaya, cidina uma maqna ceelna uma qodna.

Waxaan uga gun leeyahay, waalidoo adaa ka masuul ah caruurtaada sidii aad mawjadahaa nolosha ugala dabaalanlahayd cidna ha ku halayn waa hadalka ninkaa odaygi yidhi ayaa dhab ahe.

Nuur Xaaji Xiiray

Nur.hersi21@gmail.com

Hoos ka akhriso qaar ka mid ah maqaalladii ugu dambeeyey ee Nuur Xaaji:

http://bandhige.com/waa-maxay-quruxdu-wq-nuur-xaaji-xiiray/

 

http://bandhige.com/sidee-dhaqanka-dadka-loo-badali-karaa-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/wasiirka-imraadka-qarqaash-oo-markale-hadlay-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/sidee-madaxnimo-ama-kursi-lagu-helaa-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/yaa-maanta-soomali-ugu-liita-ama-ugu-ayaan-daran-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/waayaha-somaliland-yaal-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/cabdoo-qalad-xisaab-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/sannadihii-lays-khiyaamaynaayay-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/tolow-ciidamdii-shisheeye-miyaa-la-joojiyay-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/shaqo-waa-maxay-shaqadu-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/tolow-ma-waxbaa-is-badalaya-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/islaamku-waa-jawharad-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/cadow-aan-la-arkayn-wq-nuur-xaaji-xiiray/

 

Nuur Xaaji Xiiray

nur.hersi21@gmail.com