Kolka laga yimaaddo xuduudo waafaqsan shuruucda caalamiga ah, waddan jiritaankiisa waxa xaqiijiya oo suga lahaanshaha xeerar yo qawaanniin lagu maareeyo maamulkiisa dawliga ah. Haddaan xeerar iyo shuruuc dawladnimada lagu hagaa jirinna waxaa la noqdaa qawlasato kolba kii xoog roon ee shaadhka xukuumadda xidhani uu gacanta sare yeesho, amma xukuummadu waxay u dhaqantaa sidii boqortooyooyinka oo kale.
Sidoo kale, haddii hannaanka xukuumaddu ay ku maamulayso waddanka uu buuq iyo jahawareer ku dhex abuuro dadka wax baa qalddan—gaar ahaan shuruucdii la isku ogaa iyo ballanqaadyadii ayay wax si ka noqdeen oo laga leexday. Kolka shicibkii shalay u codeeyay qaar ka mid ahi ay ka hor yimaaddaan maamulka xukuumadda, xukuumadda waxaa la gudboon in ay xaaladda dadku ku jiro fahanto, balse aanay isku qancin in dadku sida ay wax u wadaan la fahmaan oo bilaa su’aal duuduub ku liqaan. Taasi na ma aha dimuqraaddiyaddii lagu soo doortay.
Buuqa ka soo baxaya maalgashiga dekedda Berbera iyo maarayntiisu kama duwana buuqii ka soo baxay laalitaankii diiwaangelintii hore ee doorashooyinka, kama duwana kordhinta xilliga qabsoomidda doorashada ee dib loo riixay sabab la’aan, kama duwana doodda taagan ee sharci u raadinta baanan ganacsi oo dalku yeesho: dhammaan arrimahaasi waa mashaariic xukuumadeed, balse siyaabo kala duwan loo kala waajahayo, dano kala duwanna laga leeyahay; qaarkood yaan waxba laga dheefine. Dedaalka ay xukuumaddu gelisay ku qancinta dadka mashaariicdaa kore oo kale maxay u diidday in ay geliso maalgashiga dekadda Berbera na? Xukuumaddu ma rumaysantahay in ay xilka ku timi nidaam dimuqraaddi ah? Hadday sidaa tahay, ha aqbasho in tallaabo kasta oo ay qaadayso doodi ka furmi karto, islamarkaa waajibkeeduna aanu ahayn jujuub iyo car juuq dhaha!
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE oo maalin dhowayd madal kala hadlayay xisbigiisa wuxuu yidhi:
“Waddooyinka, eeriboodhada, dekedaha…midna cidi ma sheegan karto…cidda ka hor timaadda wixii danta ummaddu ku jirto na waanu la dagaalami doonnaa.”
Waa runtiisa midna cidi ma sheegan karto, laakiin hammigaasi iyo quruxda wadalahaanshahaa sidee loo gaadhi karayaa? Ma xoog iyo hanjabaad iyo waxay yidhaahdaan “gacan bir ah” ayaa lagu heli karayaa? Su’aashaa cidi may wayddiin mudanaha. Haddaan dadka la hortegin oo aan lala doodin, haddaan aqoonyahanka loo oggolaan in ay naaqishaan mashaariicda ay bulshadoodu ka cabanayso, haddaan xildhibaannada deegaanka Saaxil arrinta laga qayb gelin oo aan iyaga la fahansiin, iyaguna aanay doorkoodii wakiilnnimo ka shaqaysiin, haddaan faa’iido iyo khasaare wixii ku jira mashruucaa la isla qeexin, ugu danbayn haddaan si buuxda loo garwaaqsan duruufaha taagan iyo wacyiga dadka (context on the ground) miyaa la gaadhi karayaa fahan heersarreeya iyo dareen wax wadalahaansho?
Mashruuc kasta oo fulintiisa lagu kala qaybsami karo, islamarkaa laba dhinac oo kala durugsan laga joogsan karo, xukuumaddu waa in ay leedahay awood ku dhisan sharci, aqoon iyo muujinta danta rasmiga ah ee iyada u muuqata iyo weliba xirfad hoggaamineed oo ay ku duufsato cidda aragti ahaan ka soo horjeedda. Hanjabaaddu waa in ay noqotaa iskudayga ugu danbeeya ( Colka wadhaf ma lagu deyay?)
Run ahaan dadku miyay ka soo horjeedaan mashruuc ay “dan weyni” ugu jirto?, Aniga waxay ila tahay alaylehe MAYA, balse dhuumaalaysiga xukuumadda ayaa buuqa iyo jahawareerka abuuraya. Wacyiga daka ayaa isna noqon kara sabab kale oo ay waajib tahay in xukuumaddu ku baraarugsanaato oo wax ka qabato.
Mashruuc waliba wuxuu leeyahay asal: maalgashiga dekadda Berbera asalkiisu waa mashruuc ganacsi. Sidaa oo uu yahayna, weli maynnaan arag cid qeexda sababta ay faa’iidada ugu jirta Somaliland maalgashigan ay u tahay mid meel taagnnanaysa muddo 30 sanno ah. Muddadaa soddonka sanno ah waxay Somaliland faa’iidada dekadda ku yeelanaysaa boqolkiiba soddon iyo shan (35%). Qaybtaasi faa’idada ay ka soo go’aysa sannad kii intay le’egtahay? Kolka labada qof ee ugu sarreeya (CEO and deputy CEO) shirkadda la abuuri doono ee maamuli doonta dekkada ay DPWorld dhankeeda ka imanayaan, sidee loo heli karayaa kalbaxsannaan lagu garto faa’iidada ay Somaliland uga soo go’ayso 35% ka la sheegay? Hadday 10 milyan soo baxdo, waxaa go’aanka ku dhawaaqista leh qofka ugu sarreeya. Qofkaasina wuxuu ku dhawaaqi karaa inta uu doono. Waayo isagaa awood u leh in uu magacaabo xisaabiyaha ugu sarreeya shirkadda.
Kolka ay shirkaddu go’aanka maalgashiga dekedda Berbera qaadatay, daraasad iyo aqoon bay ku gaadhay go’aan kaasi. Kolkii ay eegeen baahida ku xeeran dekedda Berbera iyo sida ay ugu taallo goob ganacsiga oo istiraaraji ah, badda Berbera oo si dabiici oo aan cidina qodin u gundheer oo maraakiibtu si sahlan ugu xidhmi karo iyo arrimo kale oo badan, waxay ku qanceen suurogalnnimada in hantida ay gelinayaan iyo wax ka badani ba uga soo bixi karo oo ay badhaadhe joogsan doonaan!.
Maalgashiga dekadda Berbera anigu kama soo horjeedo, in laga soo horjeedsado iyada oo aan sabab cad oo qeexaysa in uu khasaare ka soo socdo mashruucanna ma oggoli.
Mashruuca maxaa Xeerarkii Maalgashiga Shisheeyaha ee waddanka u yaallay loo waafajin waayay? Maxaa afar qof oo qaarkood aaanay nidaamka xukuumaddu u dhisantahay kuba jirin faraha u geliyay, kuwii sharcigu awoodda u siiyayna ka garbaduubay?, maxaa “safiirka Imaaraadka ee Somaliland” dhex dhigay ee wasiirka Ganacsiga iyo wasaaradaha kale ee xeerku xusay na ka reebay?
Somaliland waxay jirtay 25 sanno, waxay leedahay dastuur magac u yaal ah oo aan intiisa badan lagu dhaqmin, waxay leedahay xeerar labada aqal—Baarlamanka iyo Guurtidu ay ansixiyeen, madaxweynuhuna saxeex saaray. Xeerka loogu maqalka badanyahay waa xeerka No. 14 oo khuseeya doorashooyinka, ururada siyaasiga ah, iyo xisbiyada ba. Xeerkan sababta caanka ka dhigtay waxay tahay wuxuu ka hadlaa oo faro-geliyaa heerkay doonaan ha joogeene danaha siyaasiyiinta. Waxaa ugu mudan in uu tilmaamo habkii loogu ordi lahaa kursiga waddanka ugu sarreeya iyo guud ahaan doorashooyinka waddanka oo dhan nooc kasta oo ay yihiin.
Boqollaal qodob oo dastuuri ah iyo kontomeeyo xeer oo danaha dadka iyo dalka sidii loo dhowri lahaa ee loo horumarin lahaa ka hadla ayaa jira; xeerarkaasi iyo qodobadaasi cadceeddii dhacdaba waa lagu gefaa oo la jebiyaa, danna lagama laha.
Miyaad maqashay xeerka la yidhaadho Xeer LR-29/2004?(1)
Distoorka Jamhuuriyadda Somaliland qodobkiisa 13aad farqaddiisa 3aad waxay tidhaahdaa: Maalgelinta shisheeyaha ee dalka gudihiisa dawladdaa damaanad qaadaysa; xeer baana lagu nidaaminayaa. Xeerka qodobkaa dastuuriga ahi sheegayaa waa kaa aan sumaddiisa xagga sare ku sheegay. Xeerkaasi wuxuu soo maray waayo badan iyo jid dheer oo dimuqraaddi ah: xeerkan aadka muhiimka u ah labada Aqal ee Baarlamaanku waxay ansixiyeen 2004. Balse, madaxweynuhu ma saxeexin wakhtigaa; sababo la xidhiidhay saluug iyo soojeedin uu ku sameeyay laba qodob oo xeerkan ka mid ah oo kala ah 5 iyo 13 farqaddiisa labaad.
Ugu danbayn 25 March 2008 Goluhu wuu tixgeliyay saluuggii madaxweynaha, waanay u codeeyeen. Waxaa gacanta u taagay 36 ka mid ah 42 mudane oo maalintaa soo xaadiray, waxaa ka aamusay 6 mudane, cid diidayna may jirin. Intii aan la baahin ee aan la soo bandhigin madaxweynuhu digreeto ayuu soo saaray isla April 2008. Waxaanu ku sheegay in sida qodobka 76 ee Distoorku dhigayo uu isagu xaq u leeyahay in uu soo bandhigo mashruucan sharci. Goluhuna way aqbaleen wax ka beddelkiisii labada qodob ee kor ku sheegan, sidaasaana toostoosin loogu sameeyay oo lagu ansixiyay.
Muxuu yahay Xeerkani? Wuxuu sharciyad iyo qawaaniin faahfaahsan u dejiyanayaa si loo dabbaqo oo loo fuliyo Qodobka 13 (1,2,3) ee Distoorka J.Somaliland.
Guud ahaan xeerkani wuxuu ka koobanyahay 27 qodob oo dhammaantood waddo cad oo lexejeclo ka buuxdo u jeexaya maalgashiga shisheeyaha ee Somaliland. Maxaynu maanta uga baahannahay xeerkan? Haddaad dib u eegto heshiiskii is-afgaradka ahaa ee dhexmaray Somaliland iyo shirkadda maalgashata dekadaha ee DPWorld, dhinaca Somaliland waxaa saxeexay Wasiirka Maaliyadda, waxaana hareera taagnnaa Madaxweynaha iyo marwadiisa, Wasiiradda Maaliyadda, Guddoomiyaha Kulmiye, “safiikra Somaliland u fadhiya waddanka Imaaraadka” iyo in kale oo daaha xagga danbe ka joogtay oo aan dhismaha xukuumadda meelna ka soo gelin.
Xeer Lr.29 miyuu sidaa yidhi? Golaha Baarlamanku waxay ku sababeeyeen dejinta xeerkan kolkii ay derseen qodobka Distooriga ah ee 11aad farqaddiisa saddexaad iyo qodobka 12aad laftiisa; in xeer faahfaahiya qodobadaasi uu lagama maarmaan yahay. Xeerka qodobkiisa ugu horreeya ee ah albaabka xeerkan laga galaa wuxuu leeyahay: Heshiiyada Maalshgashiga Shisheeyaha waxaa saxeexaya Guddiga Maalgashiga Shisheeyaha ee Somaliland […]
Isla farqadda siddeedaad ee qodobka 1 aad waxay odhanaysaa: guddidaasi waxaa soo magacaabaya Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga. Xeerku wuxuu leeyahay guddidaasi waxay noqondoontaa awoodda ugu wada sarreysa ee wakiilka Somaliland uga noqonaysa go’aan ka gaadhidda arrin kasta oo la xidhiidha maalgashiga shisheeyaha. Bal is wayddii akhriste cidda wakhtigan gacanta ku haysa maalgashiga dekadda Berbera iyo sharcinnimadooda, iyo cidda saxeexaysa heshiiska intan le’eg. Sharciga hal qof—Wasiirka Arrimaha Dibadda siiyay in uu saxeexo heshiiskan sidan u ballaadhan halkuu ku qoranyahay?
Guddidaasi xeerku sheegayo miyay ku jiraan wasiirada ay ka mid ka yihiin: W.Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Maaliyadda, “Wakiilka Somaliland u fadhiya waddanka Imaaraadka”, Maareeyaha Dekadda… MAYA kuma jiraan! Xeerku intaa midna ma sheegin: Qodobka 5 aad ee xeerku wuxuu leeyahay sidan: Guddidu waxay ka koobnnaan doontaa toddoba wasaaradood agaasimayaashooda guud iyo baanka dhexe iyo weliba hay’adda qanddaraasyada:
- Agaasimaha guud ee W.Qorshaynta Qaranka
- Agaasimaha guud ee W.Arrimaha Dibadda
- Agaasinaha guud eeW.Maaliyadda
- Agaasimaha guud ee W.Ganacsiga
- Agaasimaha guud ee W.Beeraha
- Agaasimaha guud ee W.Xannaanada Xoolaha
- Agaasimaha guud ee W.Kalluumaysiga iyo khayraadka badda
- Agaasimaha guud ee Baanka Dhexe.
- Guddoomiyaha hay’adda Qanddaraasyada
Guddidan waxaa guddoomiye ka noqonaya Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershedaha (Warshadaha wakhtigan waa laga hoos saaray, balse wakhtigaa xeerka la ansixiyay way isku hoos jireen)
Xeerku wuu dheeryahay, sidaan kor ku sheegay waa 27 qodob, oo qodob waliba sidiisa lagama maarmaan ugu yahay maalgashiga shisheeyaha. Xeerku wuxuu aad u adkaynayaa in guddidaasi ay tahay ta ugu sarreysa (supreme) eraygaasu u isticmaalay sarreyntooda, waxaanu ku sii daadegayaa sida ay hawlahooda u qabsanayaan iyo macaamilka sharci ee dhexmaraya iyaga iyo maalgashadayaasha shisheeye.
Qodobka 6aad ee xeerkani waxa uu si faahfaahsan ugu sheegayaa 7-ba farqadood oo uu ka koobanyahay awoodda ay guddidani leedahay. Qoraalka oo innagu dheeraanaya awgeed halkan kuma soo wada koobi karayo, balse waxaan ka soo qaadan karaa farqadda koowaad ee qodobkan oo odhanaysa: Guddidu waxay oggolaanaysaa amma diidaysaa soojeedinta shisheeyaha ee maalgashiga waddanka. Iyagaa awoodda oggolaansha leh, iyagaa heshiiska saxeexaya, iyagaa sharciga lagu diiwaangelinayo maalgashadaha eegaya oo sharciga waafajinaya…dhammaan hawlaha khuseeya maalgashiga shisheeyaha iyagaa awood u leh oo xeerku siiyay. Xeerka meel ay cidda maanta maalgashigan gacanta ku haysaa ka soo galaan ma jirto. Haddii Xeer Lr. 29/2004 uu yahay xeer jira, dhammidii laguma dabbiqin maalgashigii ugu ballaadhnnaa ee Somaliland ay gasho 25 sanno oo ay jirtay—Dekadda Berbera iyo DPWorld.
Haddaba, qofkii intaa iyo wax ka sii badan xiisaynayaa ha akhriyo xeerka oo ku jira mareegta www.Somalilandlaw.com Ujeedkayga qoraalkani se wuxuu yahay in aan bidhaamiyo in ay Somaliland leedahay xeer lagu maarayn karo heshiisyada maalgashi ee shisheeyaha lala geliyo.
Ugu danbayn, Somaliland 25 sanno oo ay jirtay may xaqiijin dawladnimo sharci ku dhisan. Sharciga Somaliland wuxuu fulaa oo uu xoog badan leeyahay kolka uu qabanayo qof reer Somaliland ah oo danyar ah!
Xeerkaa ay ansixiyeen Wakiilladu wuxuu dawayn karaa muran kasta iyo buuq kasta oo ka dhasha hannaan ka dawladnimada loo maaraynnayo. Shirkadaha shisheeye ee Somaliland maalgashayana waxaa la gudboon in ay ku shaqeeyaan xeerarka iyo sharciga waddanka u yaalla, si ay uga badbaadaan buuq ku furma mashaariicdooda.