Dagaal culus ayaa dib uga qarxay Koonfurta Suudaan

Dagaal culus ayaa maanta dib uga qarxay caasimadda dalka Suudaanta Koonfureed, saacado kadib markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ugu baaqay hoggaamiyayaasha dalkaas in ay xakameeyaan ciidamada iska soo horjeeda, kuna hanjabay in waxyeelo soo gaadhta shaqaalaha iyo xarumaha Qaramada Midoobay ay dhalin doonto dambiyo dagaal.

Rasaas iyo qaraxyo ayaa ruxay caasimadda Juba, iyada oo dagaalka uu galay maalintii shanaad kadib degenaansho jirtay saacado yar xalay.

Safiirka Japan ee Qaramada Midoobay Koro Bessho oo ah madaxweynaha iminka ee Golaha Ammaanka ayaa sheegay in xaaladdu ay tahay mid halis ah, iyada oo la dilay askari ka tirsan nabad ilaaliyayaasha oo kasoo jeeda dalka China, halka dhowr ka yimid dalka Rwanda la dhaawacay.

Illaa iyo hadda ma cadda inta ay gaadhsiisan tahay khasaaraha dagaalku, waxaana sidoo kale la ogeyn in ciidamada madaxweyne Silva Kiir iyo kuwa raacsan ku-xigeenkiisa Riek Machar ay qaadan doonaan dalabyada Qaramada Midoobay.

Warbaahinta gugdaha qaarkeed ayaa ku warramaya in illaa 276 qof ay ku dhinteen rabashadaha, halka afhayeenka Machar uu sheegay in ugu yaraan 150 qof lagu dilay dagaalada.

bandhige@gmail.com