Yaa Ku Guulaysta Madaxtinnimada Somaliland?

Laga soo bilaabo shirkii lagu qabtay Boorama sannadkii 1993kii, madaxtinnimada Somaliland marna ma ahayn mid si fudud lagu gaadho. Waxaana ugu horraysay markii Cuma Carte iyo Cabdiraxaamn Axmed Cali ay La tartameen Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo iyaga oo lacagtii laga qaaday haddana waayay xilkii. Cumar carte ayaa weydiiyay Sheekh Ibraahim; adeer maxaad xoolaha iiga qaadday haddii aan lay dooranayn? Waxa uu ugu jawaabay; ma waxaad moodaysaa in aannaan ogayn inaanad xilkii raysal wasaaraha Soomaaliya wali wareejin.

Madaxweyne Siilaanyo markii BBc-du weyddiisay, sida uu u arko muddo kordhintii labaad ee loo sameeyay Madaxweyne Riyaale, waxa uu si quus ah oo niyad Jabsan u yidhi: waa qadar.

Sidaasoo kale Madaxweyne Muuse Biixi, markii u ku jiray ololaha musharraxnimada madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye ee laga hor istaagay, waa kii yidhi maanta waxaan u jabay sidii Ruushku u jabay! Inkasta oo markii  danbe la siiyay musharraxnimadii

Madaxweynaha Kaliya ee xilka bannaanka ka qaatay waxa uu ahaa Mudane Daahir Riyaale Kaahin oo geeridii Cigaal Kadib lagu wareejiyay isaga oo waligii Haabka ku qaban inuu madaxweyne noqdo, ( Marka horeba dawladda waxa uu ku soo galay isaga oo doonaya taliyaha Booliska ee gobolka Awdal).

Haddaba madaxweynayaashaas oo dhammi waxa ay wadaagaan hal shay oo uu saamaxay inay ku guulaystaan kursiga ugu sarreeya Somaliland! Waa marka laga tago dhaqaalaha waallida ah ee dadku sida aan kala sooca lahayn uga doonayaa. Halkaa shay maxaad u malaynaysaa inuu yahay?

Haddii aan dhinaca wanaagsan kaaga sheego waa dad & dal  yaqaannimo! Haddii aan afka kale kuugu sheegana waa nin qabiillada ama reeraha Soomaalilaan oo dhan si fiican u kala yaqaanna, waxa ay galaan iyo waxa ay gudaan, taariikhdooda u gaarka ah, hal doorkooda ay ku faanaan, cuqaashooda, Salaadiintooda, iyo deegaannadooda. Taa macneheedu waxa weeyaan nin dadka qabyaaladda iyo reerkiinnaa dadka ugu sarreeya  lagu soo anqariyay ee ay dhuuxa iyo lafaha raacday ku beer-laxawsada waxaa ay jecel yihiin.

Ninka madaxweyne ku guulaysanayaa waa nin marka uu tago tuulo ku taalla mid fog oo buuro dhexdood ah garanaya reerka halkaa dega iyo waliba Jilibka u badan, haddii uu doonayo in dadkaasi ay farxad iyo raynrayn la muraaqoodaanna waa inuu weyddiiyaa hebel iyo hebl aawaye raggii waxaa iyo waxaa ku fiicanaa, amma jilibkaa reer Qansax waxa ay caanka ku yihiin ee lagu ammaano laguna majeerto iyaguna jecel yihiin in lagu sheego.

Waa nin guud ahaan Somalilan gees ka gees tuulo kasta mara oo mid walbana garanaya jilibka hoose ee dega iyo waliba qaar ka mid ah raggooda haldoorka ah. Khaladka ugu weyn ee uu siyaasigaasi gali karaa waa isaga oo garan waaya ragga caanka ah ee jilibkaasi lahaa taariikhdii hore ama magaca khalda. Tusaale ahaan haddii uu tago Kala baydhka galbeed oo uu garan waayo Ina Xagaa dheere ama uu tago Balli gubadle iyo tuulooyinka hoos yimaadda oo Faarax Nuur soo qaadi waayo.

 

W/Q: Cabdiraxmaan Hayaan

cbdrxmngeni@gmail.com