Yaa Maanta Soomali Ugu liita ama ugu ayaan daran? (WQ: Nuur Xaaji Xiiray)

Waa taa Soomaali burburtay, meelana daganyihiin meelana wali dagaalo ka socdaan.  Markaa suaashan ayaan is waydiiyay, ra yigayaga ayaan cabiraayaa, qofkuna rayigiisa waa u xor, rayigaygu qaladna wuu noqon karaa saxna waa noqon karaa.

Markaa qolooyinka meelaha dagan ku nool waxa lagayaabay inay isu arkaan inay ka nasiib wanaagsanyihiin kuwa ku nool meelaha dagaaladu ka socdaan.  Kuwa ku nool meelaha dagaaladu ka socdaana waxa laga yaabaa inay iyagu isu arkaan kuwa kale inay ka nasiib wanaagsanyihiin.   Markaa in la baadho cida nasiib wanaagsan miyaanay mudnayn.

Horta mid baan idiin sheegayaa eh caalamku sidaad moodaysaan uma shaqeeyo, wuxu u shaqeeyaa si iska soo horjeeda ama cakis (vice versa).  Wax aad isleedahay wuu kuu wanaagsanyahay ayaa laga yaabaa inuu kuu xun yahay, quraankeenuba taa wuu sheegay, nimanka imika siyaasada caalamka hogaamiyaana sidaa ayay ku shaqeeyaan. Si aad u fahamto arintaa daawo flimka They live movie, John Carpenter.

Horta mid ogsoonow oo nimanka reer galbeedku iyaga ayaa walaaqa wadanka ay doonaan kay doonaana dajiya, imika soomaliya meelo way dajiyeen meelana way walaaqayaan.  Meelaha ay dajiyeen waxay u dajiyeen iyaga oo kuwii ay ku dhex beereen ay si fiican gacanta ugu hayaan, arimahooda oo dhana si fududa uga fushada, markaa maxay u qasi meel ay haystaan. Meelahan dagaaladu ka socdaana  wali gacanta ayaanay ku dhigin taladooda, sidaa ayay dagaaladu uga sii socdaan,  Tusaale meelahan ay dajiyeen oo dhan qalin ayay waxay doonaan kaga dhamaystaan, iyaga oo xaqul qalin uun bixinaaya, khayraadkoodana gurta.  Meelaha dagaalku ka socdose wali way sii firix firix leeday sida neefka la gawracay, waayo soomaliya waa neef la gawracay ama sida ay yidhaahdeen eh Failed State.

Markaa kuwaa naftii ka baxday ee damiirkii dhintay ayaa  af lagaadeeya kuwaa wali sii firix firix leh ee naftu kusii jirto, somalida ayaa tidhaa Riyaha ayaa Idiha ku qosla marka ay yaacaan.

Gaalada ayaa waxay tidhaa, there is calm before the storm (daganaansho ayaa ka horaysa inta aanay duufaanku kicin) waxaan uga gunleeyahay dadka wax garadka ah iyo qurba jooguba kama raali aha ciidamadaa shisheeye ee imanaaya iyo halbowlahooda xaqul qalimada lagu wareejiyay, borobogandahan ah xusulada ayaydun malab ka leefina way iska dhamaan, markaas ayay runta tagi.

Markaa aniga aragtidayda,waxaa maanta soomali ugu liita ama ugu ayaan daran, meelaha daganaansha sheeganaya, waayo, dee waa laga weegaartay, loomana joojinaayo.

Nuur Xaaji Xiiray

Nur.hersi21@gmail.com

Fiiro gaara, mawduuc aan bari hore wax ka qoray oo ka sheekaynay qaabka dadk loo waalo ayuu flim kan  ka sheekaynayaa, isagana ka faaiidaysta. The Game Movie

Hoos ka akhriso qaar ka mid ah maqaalladii ugu dambeeyey ee Nuur Xaaji:

http://bandhige.com/waayaha-somaliland-yaal-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/cabdoo-qalad-xisaab-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/sannadihii-lays-khiyaamaynaayay-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/tolow-ciidamdii-shisheeye-miyaa-la-joojiyay-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/shaqo-waa-maxay-shaqadu-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/tolow-ma-waxbaa-is-badalaya-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/islaamku-waa-jawharad-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/cadow-aan-la-arkayn-wq-nuur-xaaji-xiiray/