Yaa ugu nasiib wanaagsan dadka? (WQ: Nuur Xaaji Xiiray)

Nasiib waa shay qaali ah, waa qofka oo arimihiisu isugu duba dhacaan if iyo aakhiro. Hadaba miyayna wanaagsanay in aynu ogaano qofka aduunka soo maray, qofkii ugu nasiib wanaagsanaa, kolay raad ayuu qofkaas ka tagay, si aynu dariiqiisii u qaadno oo nasiibkaa wanaagsan ee uu helay u helno, mise waynu iska daynaa baadhistiisa.

Waxa laga yaabaa qofba in uu meel ula koco nasiibkaa wanaagsan, waayo qof walba in uu nasiib wanaagsanaado ayuu doonaya, qaar waxa laga yaabaa inay is yidhaahdaan malaha qofka ugu nasiib wanaagsan waa qof maalbadan helay, qaar waxa laga yaabaa inay is yidhaahdaan malaha waa qof kursiyadaaa dadka laga maamulo ku fadhiistay mid ka mid ah, qaar waxa laga yaabaa inu basaasnimo , waan shaqada loo badanyahay eh, ka raadiyo oo uu is yidhaa malaha adiga oo dhag noqda, oo ceebaha dadka raad raadiya ayaa ugu nasiib wanaagsan, qaar waxa laga yaaba malaha adiga oo kaba qaad u noqda kuwa laynagu dhexbeeray ayaa ugu nasiib wanaagsan iwm.

Hadaba aniga aragtidayda makhluuqaadka illaahay waxa uu in badan karaameeyay, waa bani aadamka. Bani aadamku waa makhluuqaadka uu Illahay abuuray, waa kuwa ugu nasiibwanaagsan ayuu ku jiraa, maxaayeelay caqli ayuu illaahay siiyay, caqliga macnihiisu waa maxay?  Macnihiisu waxa weeyi waa makhluuq noloshiis samaysan kara.

Bani aadamkana waxa ugu nasiib wanaagsanaa waa nabi maxamed scw, wanaag waxa la yidhaa waxa cadawgaagu kuu qiro, nin gaal ah ayaa buug qoray, wuxu ka qoray boqolkii qof ee soo maray aduunyada ee ugu raadaynbadnaa, kow wuxu ka dhigay nabi maxamed scw.

umadahana waxa ugu nasiib wanaagsanaa  waa umada nabi maxamed scw, umada nabigana waxa ugu nasiib wanaagsan, kuwa uu ka dhigay muslim, illayn umadan imika dunida joogtaa waa umadiisii eh, muslimkana waxa ugu nasiib wanagasan ka diintiisa ku dhaqmay, ee dariiqii nabi maxamd scw raacay.

Waxa hadaba ay mushkilad ka taagantahay dariiqii nabi maxamed scw, mid walba wuxu sheeganayaa in uu dariiqii nabiga ku joogo, intakalana ay bidcoolayaal yihiiin, cirdigooda iyo dhiigooduna banaanyahay, mar hadaad u fahmi wayday sida ay iyagu ufahmeen islaamka, cirdigaaguna wuu banaanyahay, dhiigaaguna wuu banaanyahay, musiibo.

Hadaba yaa ina kala saari, Cumar iyo Abubakar ayaa siyaartay islaan ay nabiga la siyaarn jireen, markay aragtay, ayay islaantii oyday, waxay waydiiyeen sababta ay u oyday, waxay tidhi waxaan u ooyay waxyiga go’ay.

Waxyigaa go’ay macnihiisu waa maxay? Waxa weeyi imika ayaa laysku dhex dhoomanayaa oon kii wax qaldayay iyo kii kale aan la kala saarayn, maxaa yeelay waxyiga ayaa kashifi jiray kii wax qaldaaya.

Gabadh  gaala oo yuhuud ah oo taariikhdii nabiga scw baadhay, ayaa waxay tidhi kooxda tidhaa anaga ayuunbaa sax ah, kuwaas ayaa qaldan.

Gabadhan maxay hadalkaa u leedahay, maxaayeelay dhibaatadan muslimka haysata oo dhan halka ay salka ku hayso ayay og yihiin, waxay ogtahay waxan afkaar ina wareerisay halka ay ka soo jeedaan iyo cida samaysay inay iyaga yihiin.

Nin maraykan ah ayaa yidhi muslimiinta anaga ayaa diinta u samayna, macnaheedu maaha xadiiska iyo quraanka ayaanu u samaynaa, macnaha uu u jeedaa waxa weeyi fikirka iyo sida ay u fahmayaan ayaanu u samaynaa.

Maxaa lagu gartaa fahamada ay inoo sameeyeen, waxa lagu gartaa fikir wal oo islaami ah oo banaysanaya cirdiga,iyo dhiiga muslimka iyagaa ka dambeeya, shaadhka ay doonaan ha u galiyaan fikirkaas eh.

Markaa hadal iyo guntii nin wal oo muslim ah oo ku dhaqma diintiisu waa qof aad u nasiib wanaagsan.

Laakiin nasiib darro, qaarbadan ayaan garanayn, markaa in loo sheego weeyi inay dadka ugu nasiibka wanaagsan yihiin, gabadh faransiis ah oo islaamtay ayaa tidi muslimiintu jawharad ayay haystaan laakiin ma garanayaan.

Nuur Xaaji Xiiray

Nur.hersi21@gmail.com