Yoolkaaga cid aan adiga ahayni ma arkayso (WQ: Maxamed Cumar)

 

Yoolkaaga cid aan adiga ahayni ma arkayso. Waa sababta ay dadku kuula yaabaan marka aad uga warranto riyooyinkaga. Waxa kale ma aha, waxa aanay kula arkayn waxa aad arkayso.

Sidaa darteed waxa uu la yahay wax aan suurogal ahayn amma wax ismoodsiis iyo dhalanteed ah. Sawir-maskaxeed kaa ad arkayso kor u hay. Muhiim ma aha sida dadka kale u arkaan, waxa muhiim ah sida aad u aragto.

Markabku ma dego inta aanay biyaha uu dul socdaa gudihiisa gelin. Haddiise ay biyaha uu dul marayaa gudaha u galaan, wuu degaa. Sidaa si la mid ah ha oggolaanin in ay aragtiyaha, eedaymaha, iyo fikirrada lidka ku ah hiraalkaagu gudaha maskaxdaada galaan si aanad u deggin gunta guuldarrada.

Marka aad garato waxa aad rabto, ee ad sababta aanad uga joogsanayn og tahay, ee ad dhabbadeedii cagta saarto, ee aad wax kasto oo suuragelinaya la diyaar tahay, dhagaha laabo oo aad u madax adkaw. Wax aan yoolkaa ahaynna meel ha uga bannayn maqalkaaga, aragaaga iyo maskaxdaada.

#Hakaago‘naato