Zaad-ka Iyo Basaska Hargaysa (WQ: Cali Cabdi Coomay)

Markaad ag-marayso istaamadda kala duwan ee basaska caasimadda waxa ay indhahaaga iyo dhegahaaga soo qabanaya baska wakhtigaasi ay dadku raacayaan oo uu kirisboygiisuu albaabka baska ku naban yahay, Isaga oo cod dheer oo aad mood ey dhal ah oo aan afka isku darayn ku leh” ZAAD MA LEH, ZAAD MA LEH, ZAAD….. dadka baska raacayey markay soo gaadhaan albaabka baska waxa ay u kala baxaan laba. Kuwa lacag kaash ah jeebadaha ku haysta oo baska raaca iyo kuwa lacagtu Zaad-ka ugu jirto oo dib uga noqda raacista baska. Basaska qaarkood marka ay dhaqaaqaan ee dhawr qof ay Zaad-ka lacagtu kaga jirto ee ay yidhaahaan waanu ilownay, waxa ay la soo baxaan lambar Zaad leh oo ay yidhaahaan kaasi ku soo dir.

Maxaa ay Basasku Zaad-ka Ku Diidayaan?
Markaad weydiiso dirwaliinta basaska sababta dhabta ah ee ay rakaabka ugu diidayaan lacagta Zaad-ka laga dirayo, waxa ay kuu sheegayaan inay dhib ku tahay eegista Tilifoonku markay gaadhiga wadaan, waxa aanay ku odhanayaan markuu basku 30 qof qaado ee 20 qof ay Zaad lacagta ku diraan, ee dirawalkiinna gaadhigii wado siday u suurtagelaysaa inuu qof qof u eego Zaad-ka?. Waxa jira iyana dhallinyaro markay lacagta Zaad-ka ka dirayaan intay iska dhigaan kuwa lacagta diraya, markuu soo baxo magaca ku diiwaangashan lambarku intay ku dhawaaqaan magaca ayey dib uga noqdaan iyaga oo wax lacag ah dirin. Markuu dirwalku weydiiyo bal inuu soo diray iyo in kale wuxuu markaba ku doodayaa waan soo diray, hasayeeshee waa been oo muu soo dirin.

Waxa sidoo kale dhacda in mararka qaarkood la waayo fariinta Zaad-ka ee muuninaysa in lacagta laga diray, taasina waxa ay dood adag oo mararka qaarkood aflagaado isu beddasha ay ka dhex qaraxdaa dirwalka iyo kirishboygiisa oo dhinac ah iyo qaar ka tirsan rakaabka baska saaran. Marka la waayo fariimaha Zaad-ka ee muujinaysa lacag dirista, waxa ay dhegahaagu maqlayaan doodda ka dhalatay lacag dirista oo ay ugu horrayso: “ waad iga haysaa, kaama hayo, way iga soo baxday, imay soo gelin, fariin ma hayo, dhaqdhaqaaqa eeg, adigu I tus fariinta, waa taase eeg IWM.

Basaska gudihiisa iyo Zaad-ka
Qaar ka mid ah dhallinyarada ayaan dheg u dhigin hadalka kirisboyga ee codka dheer albaabka kaga qaylinaaya ee leh “ ZAAD MA LEH”. Markuu basku dhaqaaqo ee uu muddo socdo, ayey koox dhallinyaro aad moodo inay ku soo ballameen jikaarka iyo af-xumada ayaa kuraasta dambe ama kuwa dhexe ka odhanaya “ waar sheeg lambarka Zaad-ka”, mise dirawalkii iyo kirisboygii nafiba kuma jirto, waa kaa baskii joojiyey, kuye” waar naga deg, kan Zaad-ka sheegayow, sownagii caawa oo dhan lahayn ZAAD MA LEH”. Waa kuwaa dhallinyartii oo si koox ahaan ah u hadlayaa si cad oo indho la’aan ah ugu jawaabaya oo odhanaya” kaalay naga deji, maxaad ZAAD u samaysan weyday”. Buuq iyo dood ayaa bilaabmatay, hasayeeshee waayeelkii baska saarnaa ayaa maslaxad iyo dhexdhexaadin bilaabay. “ waar aniga ii soo dir, oo kaashka hoo iyo keen ayuu xaalkii ku dhammaaday”.

Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan
Calicoomay@hotmail.com