Gabaygii Raage ugaas faraskiisa (Walhad)

Geeraar Geeraarkan waxaa curiyey gabayaaga weyn ee raage ugaas waxaana uu ku ammaanayaa faraskiisa (walhad)waxaanu yidhi sidatan .

Geeraar waa nin wanaajiyo nin uu waraar kaga oodmiyo waadigiisa yaqaan walhadaw faraskayga weedh yar oon ku ammaano wowga maan ka bilaabo gammaan waa kala waare weehadaw orodkiisu wadhaf deyr laga xooriyo taarka laysku warqaadiyo ma waayeelka shukaantoo wanaag loogu qabtaa wayraxaw camalkiisuna waraab kaan u kaxeeyo isagaan weli laacin anigoo wada mooyee ninkii hanta ka waabshiyo wallayskaa garab joogaba widhwidhuu ku dilaaye wiyil qoodha miyaa? Weedhaansho dhaqsihiisuna ma wareeye libaaxo intuu neef ka wab siiyey wid hadii la yidhaahdo wankalaadi u boodkaa dadka waabinayaa Werisow midabkiisuna cirka oo wadhannaayoo wahabkii laga qaadiyo ma waagoo sagliyaa . meel walaaqtan col joogo wad nahaan ku kabaaye , wiil uu eebe kusiiyiyo ma walaalkay rumaa? Waran waaxyaha gooyiyo waabay qaarka madow iyo riddo soo widhwidhaaysiyo wanjaafkeeda rasaastuu iwaydaarinayaaye , ma wadaad xigtadaayoo wanaaggi arba cuunka weligiisba yiqiinnoo wan intaad u qashay wadduxaaga quraankiyo walleyl kuu akhriyaayaa? Hadaan heego ku weedhan ka wareeji idhaahdo wejiguu ambiyaaye madaxuu kor u waabin indhuhuu ka wigsiiyaa wiyic waayic curraafiyo ma wax sheeg sixiraa ma weydaaran yaqaane ma wanaagsan gabdheedoo waalli kuu gogoshaa oo wareegeysa dushaadoo dadka oo wada seexday haddaad ooda ka weecshana wacdigaad ku lahayd iyo waanadii aqbashaa?

Qalinkii : Casayr Aadan Salleebaan