Soomaalida iyo maansadeeda: Taariikh kooban Waxaa qoray Abwaan Axmed Farah Idaajaa

Mohamed Hirsi Guled walks towards his herd of camels near the village of Shaxda, Puntland, on 16 June 2021. Across Somalia climate change means that droughts are becoming much more frequent and prlonged. In response, UNDP and Puntland's Ministry of Environment, Agriculture, and Climate Change has constructed 10 dams with elevated water tanks, solar systems, and animal troughs in order to help local communities deal with the effects.

Waxay Soomaalidu ahayd, welina tahay Ummad aad u muuneysa aftahammada guud ahaan, gaar ahaanna maansada. Qoristii Afsoomaaliga ka horna, waxay maansadu ula meel joogtey buug-taariikheed ay ka ogaadaan waayihii ay soo mareen iyo dhacdooyinkii waaweynaa ee noloshooda si taban amaba togan u saameeyey.

Soomaalidii reer-miyiga ahayd markay dagaallo dhex-maraan, gabyaaga qabiilka ayaa tirin jirey maanso uu ku tilmaamaayo siday wax u dhaceen, isla markaasna uu ku ammaanaayo dagaalyahannadii isaga ku tolka ahaa ee sida geesinnimada leh dagaalladaas ku galay. Waaga dambe, maansadaas ayaa noqon jirtey marjic loo noqdo marka la doonaayo in wax laga ogaado xiriirkii tol-hebel iyo tol-hebel ka dhexayn jirey iyo colaadihii ay isaga hor-yimaadeen.

Sidaas daraaddeed, waxaa la yiraahdaa: ‘Gabaygu waa Kaydiyaha Taariikhda Soomaalida’; taasna waxaa markhaati u ah gabayadii soo baxay xilligii Dhaqdhaqaaqii hubaysnaa ee Daraawiishta; kaas oo Hoggaamiye Sayid Maxamad Cabdille Xasan uu ku taariikheeyey colaadihii dhex-maray ciidammadiisa iyo kuwii Ingiriiska. Aqoonyahanno badan ayaa qaba ilaa maanta gabayadaasi inay yihiin halka ugu wanaagsan ee laga baran karo taariikhda geyiga Soomaalida intii u dhexaysey dabayaaqadii qarnigii 19d ilaa waaxdii hore ee kii 20d.

Gabayada Sayidka waxaa laga baran karaa in badan oo ku saabsan dhacdooyinkii waaweynaa ee soo maray bulshoweynta Soomaalida, gaar ahaan xilligii uu isagu noolaa. Waxaa laga ogaan karaa ujeeddadii uu higsanaayey, siduu u arkaayey qadiyaddii uu u dagaallamaayey iyo, sidoo kale, shisheeyihii uu halganka kula jirey wixii uu mid walba ka aamminsanaa. Intaas ka sokoow, guud ahaan waxaa gabayadiisa laga baran karaa taariikh-bulshadeedda Soomaalida sida hababkii loo noolaa, xeerarkii lagu dhaqmi jirey, maaraynta dadka iyo xooluhu markuu cudur ku dhaco, arrimaha degaanka ku saabsan, waxyaabihii la rumaysnaa iyo wixii la xiriira.

Sidoo kale, xilligii gobannimo-doonka iyo Waddaniyadda Casriga ah intii u dhexaysey 1943-1960, maansayahannada Soomaalidu gabayadooda ayay ku diiwaaniyeen halgankii ay Ummaddu madaxbannaanida u soo gashay ee markii dambena ay ku heshay. Taasna waxaa loogu tegi karaa maansadii Cali Xuseen Xirsi uu waayadaas ka tirin jirey Naadiga xisbigii Gobannimada u soo halgamey ee SYL la oran jirey.

Maansadaas waxaa laga baran karaa dhaqdhaqaaqii SYL iyo caqabadihii qabsaday.

Gabayadiisa waxuu ku guubaabin jiray dhallinyarada, isaga oo ku boorrin jirey in madaxbannaanida dhulkooda ay u halgamaan. Wuxuu haddana maansadiisa ku canbaarayn jirey, kuna ceebayn jirey Soomaalidii dhaqdhaqaaqa gobannimo-doonka diiddaneyd ee Maamulkii Talyaaniga taabacsanayd.

Xilligii Maansada ugu heerka sarreysay

Maansada Soomaalida inta laga hayo haddii la qiimeeyo, markii ay ugu heerka sarraysey waxay ahayd bartamihii qarnigii 19d ilaa waaxdii hore ee kii 20d. Waa xilligii ay soo baxeen maansayahannadii kala ahaa Garaad Xirsi Garaad Faarax “Wiilwaal”, Raage Ugaas, Aadan-gurey, Sayid Maxamad Cabdille Xasan iyo kuwa kale oo badan oo Gabaygooda aad loo qadariyo.

Raggaas aan magac-dhabey iyo kuwii la eyniga ahaa ee curinta maansada hibada u lahaa, bulshadu indho gaar ah ayay ku eegi jirtey. Aad baa loo tixgelin jirey oo loo dhegeysan jirey, welibana loo riyaaqi jirey. Richard F. Burton tagay Saylac sanadkii 1850-kii, ayaa waxuu qoray in waqtigaas ay qasab ahayd in nin kasta oo qabiil madax u ahiba uu leeyahay maansayahan garab-jooga, hiilkiisa u taagan, ammaantiisana u jeebban.

Degaanka uu ku nool yahay ka sokoow, gabyaaga caan-baxa waxaa magaciisa laga hayn jirey geygia Soomaaliyeed oo idil, mar walbase ma ahee waa haddii lagu barto gabay ujeeddo iyo murti wacan leh. Maamuus aan lala wadaagin ayuu lahaa. Halka uu markaas kaga sugan yahay ayaa la soo tammadin jirey, si murtida maansooyinkiisa looga dhegeysto, looguna raaxaysto.

Gabayga iyo Qabiilka

Ka sokoow macaansiga murtida maansadiisa, waxaa jirey arrimo uu gabyaagu si gaar ah ugu xil-saarnaa oo lagama-maarmaan u ahaa nolosha tolka uu ka dhashay. Wuxuu u ahaa afhayeenka mar walba danahooda iyo sharaftooda daafaca, haddii gabyaa kale reerka u soo gabyana isagu jawaabta ku habboon ka celiya. Sidaas darteed, qoreyaasha qaarkood waxay gabyaagii xilliyadaas ku tilmaamaan Masuulka Warfaafinta ee tolka uu ka dhashay.

Taasna waxay mararka qaar sababi jirtay silsilado maanso dhaadheer oo ay is weydaarsadaan Maansayahanno kala matalaya qabiiladooda, iyagoo midba midka kale ku daafacayo qabiilkiisa. Labada silsilad ee kamid ah kuwa ugu caansan waa Halac-dheere iyo Guba.

Silsiladda maansada Halac-dheere waxay ka kooban tahay ilaa 14 gabay oo ay tiriyeen 9 nin bilawgii qarnigii 20d. Maansada waxaa bilaabay Cali Sharma’arke, waxaana ka qayb-galay rag suugaanta Soomaalida can ku ahoo ay ka mid yihiin Sayid maxamad Cabdille Xasan, Cali-dhuux Aadan-gorayo, Qamaan Bulxan iyo shan kale.

Silsiladda maansada Guba’ iyaduna waa ilaa 21 gabay oo ay tiriyeen 13, waxayna silsiladdani soconeysey in ka badan 20 sano oo ka soo bilawda abbaaraha 1923kii. Waxaaa bilaabay oo gunaanadey Cali-dhuux Aadan, waxaana ka qayb-galay rag

Suugaanta Soomaalida ee xilligaas aad caan ugu ahaa oo ay ka mid ahaayeen Qamaan Bulxan, Ismaaciil Mire, Salaan Carrabey iyo sagaal kale.

Silsiladdu sida magaceeda laga dhadhansan karo, waa diraddire qabyaaladeed, maansayahannada isugu jawaabeyna waxay ku kala abtirsadaan saddex tol oo Soomaaliyeed, ahna Harti, Ogaadeen iyo Isaaq. Mid waliba qolada uu ka dhashay ayuu maansada ku daafafacayaa.

Saameynta Maansayahannada

Gabyaagu wuxuu saameyn kulahaa in qabaa’ilka colaad dhex-dhigi kara oo si fudud isugu diri kara. Wuxuu sidoo kale laha saameyn uu ku qanciyo inay heshiiyaan oo inta hubka dhigaan waxa ay kala sheeganayaan ay ka xaajoodaan! .

Dhamaadkii 1930-kii, Salaan Carrabeey oo ka mid ahaa maansayahannada waaweyn ayaa beri wuxuu tiriyey gabay diraddire ah oo waagii dambe suugaanta Soomaaalida ku caan-baxay. Gabaygaas oo colaad ka dhex-abuuray laba jilib oo Reer Togdheer ah ayay bulshadu u bixisay Mayn.Waa gabayga uu ku jiro tuduca ilaa maanta sida weyn loogu maahmaaho ee ah:

Haddaad dhimato geeridu mar bay nolosha dhaantaaye

Dhaqashiyo mar bay kaa yihiin dhereggu xaaraane!

Ilaa iyo maanta ereyadaas waxaa adeegsada siyaasiyiinta iyo odayaasha kolka ay doonayaan inay dadka taageero ka dalbanayaan. Sidoo kale waxaa isticmaali jiray dadkii gobannimada u dagaalami jiray si ay dadka ugu dhiira-galiyaan inay dalkooda u dagaallamaan.

Tusaale kale oo ku saabsan Maansada colaadda waa Gabaygii caanka ahaa ee Ismaaciil MireWiilyahow ilmaa igaga timid aragtidaadiiye. Waxuu u tiriyay wiil uu dhalay saaxiibkiis Jaamac Cali Nuur oo ay dileen qolo ay dirisanaayeen oo la shaqeyn jirtay Gumeystihii Ingiriiska 1935-kii. Dilkii Jaamac Cali Nuur waxaa u aar guday ree tolkiis, Cali Geri. Ismaaciil Mire iyo odayaal kale oo lagu eedeeyay inay sababeen falkaas aargudka ah ayaa lagu xiray Hargeysa 1940-kii.

1920-kii, Isla Salaan Carrabey qudhiisa ayaa mar kalena wuxuu tiriyey geeraar magaciisu ahaa: Waar toloow colka jooja; kaas oo uu ku baajiyey dagaal laba qolo ka dhici lahaa. (Axmed Faarax & Reer Daahir)

Marka inta shir la isugu yimaado lagu kala tegaayo, Soomaalidu waxay hidde u lahayd inay ducaysato oo ay Rabbi ka barido inuu siiyo wixii ay ugu baahida badnaayeen oo ah roob. Goobtaas oo kale wadaadka ayaa ka ducayn jirey, gabyaaguna wuxuu ahaa ninka labaad ee ducada ku wehelin jirey.

Halgankii Gobannimo-doonka

Qarniyadaas hore ka dib, waxaa maansada Soomaalida ku yimid isbaddel xoog leh oo ku dhacay ujeeddooyinkeedii, gaar ahaan intii u dhexaysey 1900 iyo labaatannadii ilaa 1960ki; markaas oo laba qaybood oo dhulka Soomaalida ka mid ahi ay xoroobeen, Jamhuuriyadda Soomaaliyana ay ku midoobeen (Waqooyi iyo Koonfur). Ujeeddooyinka soo kordhayna waxaa ka mid ahaa maansada waddaniga ah ee gabyaagu uu dadweynaha ku guubaabin jirey in ay midoobaan, dabadeedna ay dalkooda Gumeysiga ka xoreeyaan.

Maansada noocaan ah oo gabayo iyo heesaba isugu jirtey waxaa ka mid ah 1900 iyo afartannadii tii Cali Mire tiriyey ee halkudheggeedu ahaa:

Soomaaliyeey toosoo
Toosoo isku tiirsada eey
Hadba kiinna taag daraneey
Taageera weligiineey!

…iyo tii kale ee uu Soomaalidu ku boorinayay inay iska diidaan kala qeybinta uu Gumeystaha keenay.

Kani waa Ugaas
Kani waa addoon
Waa inaan illownaayeey!

Meel ay joogaanba, dadweynaha Soomaaliyeed waxay si weyn u qaddariyaan maansayahannadii xilligaas baraarujinta Ummadda u kacay sida Cali Xuseen, Cali Sugulle, Yuusuf Xaaji Aadan iyo Cabdillaahi Suldaan ‘Timacadde’ oo isaga had iyo jeer lagu xusuusto maansadiisii qabyaalad-la-dirirka u badnayd. Qoraa iyo siyaasi waliba markuu arrintaas ka hadlaayo wuxuu soo qaataa gabaygiisii halkedheggiisu ahaa:

Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane!

Heesaha Jacaylka

Laga soo bilaabo bartamihii 1900 iyo kontonnadii waxaa iyaduna soo korodhay maansada jacaylka oo waayadii hore aan ku jiri jirin ujeeddooyinka maansada Soomaalida, gabyaagii reer-miyiga ahaana uu ka xishoon jirey. Waa xilligaas markii ugu horreysey ee ay soo baxeen heellooyinka iyo heesaha muusigga leh oo miro fudfudud ku tirsan, dareenka caashaquna uu aad ugu dhafan yahay. Jacayl keliyana kuma ekee, heesaha casriga ah ee muusigga leh waxaa kaloo aad loogu adeegsadaa arrimaha siyaasadda iyo toosinta maamul-dawladeedka ilaa ay bulshada u galeen halkii, hidde ahaan, uu muddo dheer gabaygu ugu jirey.

Waxaa weli xusuusta dadweynaha ku dambaysa heestii Cali Sugulle ee 1967-kii uu Ummadda ugu sheegi jirey in Dawladnimada la waayi karo haddii maamuliddeeda aan qabyaaladda laga ilaalin; waa heestii halkedheggeedu ahaa:

Dhagax iyo dab
Layskuma dhuftee
Kala dhawraay
Wax ka dhigan gobannimada qabiil dhex-galee
Kala dhawraay
Kala dheer labaduy
Kala dhawraay!

Gunaanad

Aqoonyahannadii baaray, isla markaasna wax ka qoray maansadeeda ayaa qarniyo ka hor waxay qireen in Soomaalidu ay leedahay dhaxal maanso oo midka caalamiga ah lala tartarsiin karo.

In kastoo, haddaba, maansadu aysan maanta lahayn waayadii hore meekhaankii ay lahayd, haddana Soomaali badan ayaa weli jecel inay dhegeystaan amaba akhristaan tii kalaasigga ahayd ee maansayahannadii waaweynaa ay ka tageen. Far la’aantii afku ku raagey awgeedna, in door ah oo maansadaas ka mid ah ayaa lumay, inaha yar ee laga hayana waxaa la uruuriyey qoraalkii farta wixii ka dambeeyey 1972-kii.

Ujeedooyinka laga leeyahay Ururka Maansoyahannada Soomaaliyeed waxaa ka mid ah in Gabayga Soomaalida loo keydiyo jiilka hadda jira iyo kan mustaqbalka. Iyo in loo sameeyo bar uu qof walba oo Soomaali ah meel walba uu joogo kaga bogan karo murtida maansasda.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa aad loogu baahan yahay in la sii wado uruurinta iyo bedbaadinta guud ahaan suugaanta Soomaalida ee aan qornayn, gaar ahaanna maansadeeda; taas oo aan hubo, haddii ay daryeel hesho, afafka noolna loo rogo, inay qayb ka noqon karto dhaxalka suugaaneed ee caalamiga ah

Bandhige@gmail.com