​Hal-abuur siyasadeed oo kusoo wajahan Xisbiga UCID iyo Hargeysa waa kuma?

 

Somaliland waxa aad moodaa in tartan siyasadeed xoog lahi uu ka socdo,kaasi oo ku wajahan doorashada Madaxnimada ee la filaaya in ay dhacdo sanadkan 2017 aakhirkiisa, taasi oo ay ku tartami doonaan sadaxda xisbi ee kala ah Kulmiye,Wadani iyo UCID.

Hadaba sida in badan aynu warbaahinta ka arkaynay,waxaa in muda ahba tartan xoog lahi uu ka dhex muuqday labada xisbi ee kala ah Kulmiye iyo Wadani,taasi oo dadka qaar ay mala’awaalaan in xisbigii Cadalada iyo daryeelku ee UCID uu gabi ahaanba ka baxay saaxada siyasada.

Haddaba waxa aad moodaa in ay baryahan danbe soo if-baxayaan,ifafaalo iyo yididiilooyin muujinaaya in Xisbiga Cadalada iyo daryeelku uu kusoo noqonaayo, kaliintii wax ku oolka ahayd ee uu siyaasada Somaliland kaga jiray.

Eng Faysal Cali Waraabe oo ah Guddoomiyaha iyo Musharaxa xisbiga UCID ayaa waxa aad moodaa in uu baryahan danbe cayaaraayo,kaadh ama aragti siyasadeed oo la odhan karo waxaa lumiyey labada Xisbi ee *toocsiga siyasadeed uu ka dhex jiro.

Eng Faysal ayaa waxa la saadalinayaa in uu awooda saaro ,sidii uu siyaasada xisbigiisa uga dhisi lahaa goboollada bariga, sida Sool iyo Sanaag. Eng Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa la filayaa in uu ayaamaha inagu soo foolka leh uu magacaabi doono Madaxwayne ku xigeenkiisa u tartami doorashada Madaxtooyadda Somaliland ee sannadkan dhammaadkiisa la filayo in ay dhacdo.

Sida uu Eng Faysal ka dhawaajiyey ama wararka hoose lagu helaayo, waxa la filayaa in uu Madaxwayne ku xigeenka u dooran doono nin kasoo jeeda gobolada Barigaa gaar ahaan Beesha Dhulbahante.

Xisbiga UCID ayaa waxa uu rabaa in uu ka faa’iidaysto doorka iyo fursada siyasadeed ee ay baneeyeen ama ay il-duufeen labada xisbi ee kale,kadib markii ay madaxwayne ku xigeenka ka dhegeen isla halbeel oo kaliya, taasi oo muddo aad u farabadan soo haysay kursiga Madaxweyne-ku-xigeenka.

Eng Faysal Cali Waraabe iyo dhamaan madaxda Xisbiguba,iyaga oo ka duulaaya dadaalka ay ugu jiraan, in Xisbiga UCID awood buuxda ay ku yeeshaan dadka Bariga Somaliland, ayaa waxa uu Xisbigu saaxada siyaasada kusoo daray Siyaasiga da’da-yar ee Maxamed Sheekh Cabdilaahi oo isagu kasoo Jeeda deegaanka Sanaag ,gaar ahaan beesha wayn ee Warsangali. .

Siyaasiga Maxamed Sheekh Cabdilaahi ayaa waxa uu ka mid ahaa dhaLlinyarada sida aadka ah ugu jirtay saaxada Siyaasadeed, inkastoo uu Maxamed muddo aad u farabadan uu ka maqnaa dalka arimo dhinaca ganacsiga ah awadii, hadana muu ahayn mid ay warmooganaani ka hayso hawsha dalku halka ay marayso.

Siyaasi Maxamed Sheek Cabdilaahi, wakhtiyada qaar waxa uu ka mid ahaa, dhallinyaradii iyo waxgaradkii sida fiican uga hawlgalijiray saxaafada Soomaalidu ay leedahay, waana nin aqoon yahan ah oo la odhan karo Somaliland iyo xisbiga UCID-ba waxa uu ka qaadan karaa kaalin wax ku ool ah.

Haddaba waxaa la filayaa in Maxamed Sheekh uu ayaamaha inagu soo socda in uu ka dego magalada Hargeysa, iyada oo la filaayo in xil wayn looga magacaabi doono Xisbiga UCID oo in muddO ahba ay wadahadallo u socdeen.

Iftiinkacusub.com

WQ: Khadar Aar.