Anniga oo ku hadlaya magaca Dawladda iyo ka Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa aan hambalyo kal iyo laab ah u dirayaa Dawladda iyo Shacabka aanu walaalaha nahay ee Jabuuti oo aan ku hambalyeynayno guusha taariikhiga ah ee ay ku hanteen Hoggaanka Fulinta ee Ururka Midowga Afrika.
Guushan taariikhiga ahi waxa ay markhaati u tahay saamaynta diblomaasiyadeed ee sii kordhaysa ee ay Djibouti ku leedahay guud ahaannba Qaaradda Afrika iyo sida ay Djibouti uga go’an tahay horumarinta iskaashiga Qaaradda. Dawladda Djiboutina waa dal u heellan hagaajinta danaha ka dhexeeya Waddamada iyo Shucuubta Qaaradda Afrika.
Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Jabuuti waxaa ka dhexeeya xidhiidh walaaltinimo iyo xidhiidh taariikhi ah, waxaanan ku kalsoonnahay in Hoggaaminta dalka Jabuuti uu Midowga Afrika u horseedi doono horumar la mahadiyo, xag-nabadgelyo, xag-dhaqaale iyo xagga bulshadaba.
Mar labaad, waxa aan Dawladda iyo Shacabka Jabuuti ee aanu walaalaha nahay ku hambalyeynayaa Guushan Taariikhiga ah. Waxa aan Jabuuti u rejaynaynaa in ay ku guulaysato gudashada xilkan muhiimka ah ee loo doortay.
๐๐๐๐๐ข๐ซ๐๐ฑ๐ฆ๐๐๐ง ๐๐๐ฑ๐๐ฆ๐๐ ๐๐๐๐๐ข๐ฅ๐ฅ๐๐๐ก๐ข (๐๐ข๐ซ๐ซ๐จ)
๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐.