๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐–๐š๐ซ๐š๐ซ๐ค๐š ๐“๐จ๐๐๐จ๐›๐š๐š๐๐ค๐š ๐ž๐ž ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐

1.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa qaabiley wefti uu hoggaaminayo safiirka dalka Maraykanka Richard H. Riley oo socdaal ku yimid Somaliland, waxaanay ka wada hadleen doorashooyinka, xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka, qoddobo la xidhiidha mandaqada oo uu ka mid ahaa heshiiska isfaham ee Somaliland iyo Itoobiya.

2. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa Maxamed Cali Cabdilaahi u magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka cusub ee gobolka Awdal, halka uu xilkii ka qaaday guddoomiye ku-xigeenkii hore ee gobolkaas Muumin Muuse Ducaale.

3. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa xafiiskiisa ku qaabiley Ku-xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qarammada-midoobey, George Conway, oo ay ka wada hadleen qoddobo muhiim ah ay ka mid ahaayeen wada shaqaynta Jamhuuriyadda Somaliland iyo Qaramada midoobey, nabadgelyada iyo mashaariicda horumarineed, sida mashruuca Maamul Daadejinta ee JPLG.

4. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa kulan la yeeshay Wakiilka Dowladda Ingiriiska u qaabilsan Jamhuuriyadda Somaliland Ilyaas Maahir.

5. Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ayaa xisbiyada, ururrada siyaasadda iyo bulshada la wadaagay Jidwalka u diyaar garowga Doorashada Madaxtooyada iyo Xisbiyada Qaranka JSL ee muddaysan 13ka November 2024-ka.

6. Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ururrada Saxaafadda dalka, ayaa isku waafaqay dhammaystirka xeerka Saxaafadda Somaliland.

7. Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa walaac xooggan ka muujisay hub faro badan oo ku qulqulaya Soomaaliya, oo qaybo hubkii ciidammada dawladda ahi u gacan galeen Alshabaab.

Xukuumadda Somaliland war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in walaaca hubka ay tusaale u tahay dhacdadii dhawaan ay meeleeshiyo beeleed hub tiro badan deegaanka Cabud-waaq kaga qabsadeen dawladda Muqdisho.

8. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa gudoomiyey shir ku saabsanaa adkaynta amniga Xuduudaha Jamhuuriyadda Somaliland, oo ay ka soo qayb-galeen ciidammada Booliska iyo laanta socdaalka.

9. Baanka dhexe ee JSL ayaa digniin ka soo saaray qaab sharci darro ah oo muddooyinkii u dambeeyey lacago lagaga dhacayey dhinaca Internetka dad rayid ah.

10. Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Axmed Cabdi Muuse, ayaa Ciidanka Laanta Socdaalka ee Gobolkaasi ku wareejiyay Goob looga dhisi doono Taliska Ciidanka oo dhawaan si rasmi ah loo dhagax dhigi doono.

11. Masuliyiinta Wasaaradda Horumarinta biyaha Somaliland ayaa Burco ka dhagax dhigtay laba Ceel biyood oo ah kuwa dhaadheer oo wakaaladda biyaha magaaladaasi ku kordhinayso nidaamka biyaha.

12. Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed iyo Hoggaanka Tabbabarka Ciidanka Booliska JSL ayaa kulan la yeeshay Steven Tomat oo ah Taliyaha Hawlgalada Madaniga ah ee Midawga Yurub oo ay weheliyaan saraakiil sare oo ka mid ah xafiiska hawlgallada tababarada ee Midawga Yurub (EUCAP).

13. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahiรฑ Axmed, ayaa sheegay inay dawladda Muqdisho ku fashilantay hor-istaagida heshiiska is-faham Somaliland iyo Ethopia.

14. Hay’adda u diyaar-garawga Aafooyinka iyo Keydka Raashinka Somaliland ee (NEDFOR), ayaa Deeq Raashin ah oo loogu talo-galay 500 oo qoys oo danyar ah gaadhsiisay Degmada Cadaadley ee gobolka Maroodijeex.

15. Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha JSL Cabdirisaaq Muuse Faarax, ayaa shaaciyay xilliga la bilaabi doono Horyaaladda Ciyaaraha kala duwan ee dalka oo dhammaantood furmaya dhawr maalmood oo kala duwan oo ka mid ah bisha fooda innagu soo haysa ee August. Iyadoo horyaalka Hargeysa oo u horeeyaa uu bilaabmi doono 11ka August.

*Waxa soo ururiyay Xafiiska la socodka wararka ee Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA.*

 

 

Xigasho:telefishinka Qaranka JSL

Bandhige@gmail.com