𝗕𝗮𝗻𝗻𝗮𝗮𝗻 𝗯𝗮𝗻𝗮𝗮𝗻𝗯𝗮𝘅 𝗹𝗮𝗴𝘂 𝗧𝗮𝗮𝗴𝗲𝗲𝗿𝗮𝘆𝗼 𝗖𝗶𝗶𝗱𝗮𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗤𝗮𝗿𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗼𝗼 𝗹𝗮𝗴𝘂 𝗤𝗮𝗯𝗮𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗛𝗮𝗿𝗴𝗲𝘆𝘀𝗮

Isu-soo-bax ballaadhan oo lagu taageerayo ciidamada Qaranka ayaa beri oo Salaasa ah lagu qabanayaa garoonka kubada cagta ee Hargeysa.

Waxa sidaasi lagu sheegay fariimo wargelin ah oo kooxo shacab ah oo is abaabulay ay dadweynaha ugu baaqeen in banbaan-baxaas laga soo qaybgalo.

Dadweynaha ku dhaqan gobollada dalka, ayaa saddexdii maalmood ee la soo dhaafay taageero u muujinayey ciidamada Qaranka, waxayna sheegeen in taageero naf iyo maal ah lala garab istaago ciidamada Qaranka oo ay sheegeen inay ku filan yihiin difaaca dalka.