𝗜𝘀𝘂-𝗱𝘂𝘄𝗮𝗵𝗮 𝗚𝗼𝗯𝗼𝗹𝗸𝗮 𝗚𝗮𝗯𝗶𝗹𝗲𝘆 𝗼𝗼 𝘀𝗼𝗼 𝗚𝘂𝗻𝗮𝗮𝗻𝗮𝗱𝗮𝘆 𝘁𝗮𝗯𝗮𝗯𝗯𝗮𝗿 𝗹𝗼𝗼 𝗤𝗮𝗯𝘁𝗮𝘆 𝗤𝗮𝗮𝗿 𝗸𝗮 𝗠𝗶𝗱 𝗮𝗵 𝗕𝗲𝗲𝗿𝗮𝗹𝗮𝘆𝗱𝗮 𝗚𝗼𝗯𝗼𝗹𝗸𝗮𝗮𝘀

Isu-duwaha wasaaradda horumarinta Beeraha JSL ee gobolka Gabiley Cabdiraxmaan Axmed Cabdillaahi (Jeex), ayaa tababbar u soo xidhay qaar ka mid ah Beeralayda Gobolka Gabiley.

Tababbarkan oo lagu qabtay Xarunta Siidhka ee Wasaaradda Beeruhu ku leedahay deegaanka Galooley ee bariga Gabiley, ayaa waxa iska kaashaday xafiiska wasaaradda Beeraha ee gobolka Gabiley iyo hay’adda HAVOYOCO oo xidhiidh wada-shaqayneed ka dhexeeyo wasaaradda Beeraha.

Tababbarka oo muddadii uu socday lagu baray Beeralayda hababka ugu habboon ee kobcinta Wax-soo-saarka, ayaa waxa gaba-gabadii soo xidhay Isu-duwaha wasaaradda horumarinta Beeraha ee gobolka Gabiley Cabdiraxmaan Axmed Cabdillaahi (Jeex) iyo xubno ka socday hay’adda HAVOYOCO.

Isu-duwaha iyo madaxda HAVOYOCO oo halkaa ka hadlay, ayaa Beeralayda tababbarka la siiyey ku dhiirigeliyey in dedaalkooda Wax-soo-saarka ay ku dabaqaan aqoontii ay ka heleen tababbarka muddada u socday.

Sidoo kale, wuxuu Isu-duwuhu u soo jeediyey Beeralayda la tababbaray in aqoontii ay korodhsadeen u gudbiyaan Beeralayda kale ee aan nasiibka u helin tababbarkan.

Gaba-gabadii, Isu-duwe Jeex wuxuu u mahad celiyey hay’adda HAVOYOCO ee ay tababbarkan iska kaashadeen, isaga oo sheegay inaan tababbarradu ku koobnaan doonin ka uu soo xidhay, balse ay qaban doonaan kuwo kale oo ay ka faa’idaystaan Beeralayda Gobolka Gabiley.

Tababbarkan uu soo gebogabeeyay Isku-duwaha Gabiley, ayaa qayb ka ah siyaasadda guud ee Wasaaradda Beeruhu kor ugu qaadayso aqoonta Beeralayda dalka, si wax-soo-saarku u kordho.