𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝘄𝗮𝘅𝗯𝗮𝗿𝗮𝘀𝗵𝗮𝗱𝗮 𝗚𝗼𝗯𝗼𝗹𝗸𝗮 𝗦𝗮𝗻𝗮𝗮𝗴 𝗼𝗼 𝗹𝗮 𝗸𝘂𝗹𝗺𝗮𝘆 𝗺𝗮𝗮𝗺𝘂𝗹𝗮𝘆𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮 𝗱𝘂𝗴𝘀𝗶𝘆𝗮𝗱𝗮 𝗱𝗼𝘄𝗹𝗮𝗱𝗮.

Gudoomiyaha wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska ee gobolka Sanaag Axmed Maxamuud Ibrahim iyo guddoomiye ku xigeenka Ibraahim Ducaale Xuseen ayaa maanta xafiiskooda ku qaabiley maamulayaasha dugsiyada hoose dhexe iyo sarre ee magaalada Ceerigaabo.

Kulankan ayaa salka ku hayay dardar-galinta iyo kor u qaadida tayada Waxbarasho ee gobolka Sanaag.

Masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada ayaa maamulayaasha faray inay xil iska saaran u qaadista adeeg bixinta waxbarasho ee dugsiyada ay masuulka ka yihiin.

Gaba-gabadii maamulayaasha ayaa balanqaaday inay xil iska saarayaan tayaynta iyo isku dubaridka adeegyada waxbarasho ee ardayda la siiyo.