๐—–๐—ถ๐˜€๐—ฏ๐—ถ๐˜๐—ฎ๐—ฎ๐—น ๐—–๐—ถ๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐——๐—ฎ๐—ฏ๐—ฑ๐—ฒ๐—บ๐—ถ๐˜€๐—ธ๐—ฎ ๐—ธ๐˜‚ ๐—ง๐—ฎ๐—ฏ๐—ผ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐—š๐—ฎ๐—ฟ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐——๐—ฒ๐—ด๐—ฑ๐—ฒ๐—ด๐—ฎ ๐—ฎ๐—ต.

Cisbitaalka Royal Care Hospital oo ciidankaCisbitaalka Royal Care Hospital oo ciidanka Dab-demiska Hargeysa u qabtay tababar ku saabsan habka loo sameeyo gargaarka koowaad ee ( First Aid ).

Tababar ku saabsanaa habka loo sameeyo gargaarka koowaad ( First Aid ) oo ay qaadanayeen saraakiisha ciidamada Dabdemiska Hargeysa ayaa lagu gebagabeeyay Xarunta ciidanka ee magaalada Hargeysa ,waxaana tababarkan bixinayay Royal Care Hospital.

Tababarkan ayaa ciidamadu ku barteen habka loo sameeyo gargaarka degdega ah, maadaama oo markasta ciidamadu la kulmaan xaalado u baahan gargaar degdeg ah.

Taliyaha Ciidanka Dabdemiska Qaranka JSL Sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili oo soo xidhay tababarkaas ayaa ka hadlay ahmiyada uu u leeyahay ciidamada Dabdemiska, isagoo sheegay in markasta oo lagu celceliyo ay fududaanayso in si sax ah loo qabto.

Taliyaha ayaa u mahadnaqay Agaasimaha Cisbitaalka Royal iyo Macalinkii tababarka bixinayay tababarkan ay siiyeen ciidanka, waxaanuu sheegay Taliyuhu inaanuu noqon kii u dambeeyay balse uu noqdo mid soo noqnoqda.