𝗫𝘂𝘀𝗸𝗮 𝗖𝗮𝗮𝗹𝗮𝗺𝗶𝗴𝗮 𝗮𝗵 𝗲𝗲 𝗗𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗠𝗮𝗾𝗮𝗹𝗸𝗼𝗼𝗱𝘂 𝗫𝗮𝗱𝗶𝗱𝗮𝗻 𝗬𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗼𝗼 𝗟𝗮𝗴𝘂 𝗤𝗮𝗯𝘁𝗮𝘆 𝗛𝗮𝗿𝗴𝗲𝘆𝘀𝗮

Wasaaradda Shaqo-gelinta ayaa maanta qabatay xuska Todobaadka Caalamiga ah ee Dadka Maqalkoodu Xadidan yahay.

waxaana ka soo qayb-galay Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska JSL mudane Eng Cali Cumar Maxamed ( Xoor Xoor), Agaasimaha Guud Wasaaradda Shaqo-gelinta Arimaha Bulshada & Qoyska Axmed Xasan Aw Aadan iyo Wasiir ku-xigeenka Xanaanada Xoolaha Maxamed Ibraahim Maydhane.

Sidoo kale waxa ka qayb-galay dhamaan daneeyayasha Shaqada ku leh arrimaha dadka naafada ah.