๐๐๐ฅ๐๐๐ฌ๐ฆ๐ – Wasiirka wasaaradda Shaqogelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Engineer Cali Cumar Maxamed (Cali- Xorxoor) oo uu wehelinayo agaasimaha guud ee wasaaradda mudane Axmed Xasan Aw Aadan ayaa maanta hayโdda WFP kala wareegay laba gaadhi oo ka mid noqon doona gaadiidka wasaaradda loogu na talagalay adeegyada iyo hawlaha baaxadda leh ee ay wasaaraddu u hayso qaranka.
Wasiir Cali Xoor-xoor ayaa Hayโadda uga mahadceliyay gaadiidkaas waxaanu sheegay in Wasaaraddu baahi weyn u qabtay oo uu qayb ka qaadan doono fududeynta adeegyada Wasaaraddaasi.
Hayโadda WFP ayaa ka mid ah Haโyadaha la shaqeeya Wasaaradda Shaqada, waana kaalmadii u horreeyay ee nooceeda ah ee sannadahan ay bixiso Hayโadaasi.